War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Madaxda Puntland iyo Jubaland

puntland iyo Jubaland

War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Madaxda Puntland iyo Jubaland uga socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in Shir Wada-tashiya oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Somaaliya lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

War-murtiyeedka waxa lagu xusay in Deni iyo Axmed Madoobe ay Wada-hadal Khadka Taleefonka ah la yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale ee Dalka kaasi oo ay kaga arrinsadeen sidii Heshiis midaysan looga gaari lahaa Hannaanka Doorashada Dalka.

Sidoo kale waxay sheegeen in Wada-hadalka lagu go’aamiyay in Shir Wada-tashiya la isugu yimaado Magaalada Muqdisho si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashada iyo Xaaladda Kala guurka ah.

Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale u mahadceliyeen Beesha Caalamka oo sida ay sheegeen dadaal ku bixinaysa in Doorashada Soomaaliya ku qabsoonto Wakhtigeeda.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here