WAR-MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA WADA-TASHIGA QARAN EE MUQDISHO

wadatashiga doorashada

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shaaciyay jadwal cusub oo lagu dhammaystirayo Doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay Golaha ayaa lagu go’aamiyay in Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya lagu dhammaystiro inta u dhexaysa 15-25 bisha February ee sannadkan 2022.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Xulista Ergada dooranaya Xildhibaanka si buuxda loogu madax-banneeyo Duubabka Dhaqanka Beesha Kursiga leh islamarkaana aan wax fara-gelin ah lagu samayn karin.

Golaha ayaa sidoo kale go’aamiyay in dhammaan cid kasta oo shuruudaha buuxisay u tartami karaan Kuraasta Baarlamanka ayna reebban tahay in cid gaar ah kursi loo xiro.

Halkaan ka eeg War-murtiyeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here