Home Blog Page 161

Ciidamada Itoobiya oo kooxda TPLF kala wareegay magaalooyin cusub

ethiopian army armor

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreega.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigreega ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

BBC-du si madax banaan uma aysan xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.

Turkigu muxuu ka aamminsanyahay qaaradda Afrika?

turkey and africa summit

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay madax ka soctaa dalalka Afrika waxaana halkaa ka dhacaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika. Waxaana loo arkaa shirkaan mid uu Turkigu ku doonayo inuu galaan-gal wanaagsan u yeesho isla markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika. Waxyaabaha shirkaan iskaashiga xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka Turkigu la leeyahay Afrika.

Shirkaan madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuuna kulan la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Qoraal lagu daabacay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta,”.

Kulankaan ay yeesheen Farmaajo iyo Erdogan ayaa qayb ka ahaa kulan doceedyo uu madaxweynaha martida loo yahay la yeellanayo madaxda Afrika ee shirka ka qayb galaya ee ku sugan dalkiisa.

Maxay tahay danta Turkigu ka leeyahay Afrika?

Dadka ka faallooda arrimahaan ayaa sheegaya in tan iyo markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xukunka qabtay uu galay dadaal uu xoogga ku saarayo sidii uu xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahya dalalka qaaradda Afrika. Shirkaan hadda dhacaya waxaa ka horeyay dhowr shir oo kale oo kala dhacay sanadihii 2008-dii iyo 2004-tii.Turkigada ayaana aaminsan sida dadka qaar ay qabaan in mushkiladda ka jirta Afrika dhexdeeda ay iyadu xalisato oo aan la dhex galin.

“Turkigu wuxuu aaminsanyahay mad’a ah in mushkillada Afrikaanka ay xalliyaan iyaga dhexdooda sidaas daraadeed Turkidu ma dhex gasho arrimaha Afrika” ayuu yiri Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arrimaha islaamka iyo caalamka.

Dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa muhiimadda siinaysa inay Afrika ku yeellato galaan-gal siyaasdeed iyo mid dhaqaale oo xooggan.

Madaxda dalalka Afrika ayaa iyaguna aaminsan in Turkigu uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan caalamka ee ay la leeyihiin xiriirka saaxiibtinimo isla markaana ay ka heli karaan tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee ay hiigsanayaan. Dhinacayada ay filayaan in Turkigu ka caawin karo waxaa ka mid ah amniga gaarahaanna la dagaalanka argagixisada iyo inuusan shuruudo ku xireynin sida qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Sanadihii la soo dhaafay Turkigu wuxuu xoojiyay oo ballaariyay safaaradihii uu ku lahaa dalalka Afrika taas oo la rumaysanyahay inay qayb weyn ka qaadatay isu dhaweynta qaaradda iyo Turkiga.

“Turkigu 2002-dii laba iyo toban safaaradood bes ayuu Afrika ku lahaa maantana afartan iyo afar safaaradooda ayuu Afrika ku leeyahay”. Waxaa sidaas BBC-da u sheegay Axmed Tiir. Sidoo kale waxaa kordhay is waydaarsiga ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Labada dhinac ayaa u muuqda in mid walba midka kale ka dhex arko maslaxadiisa marka loo eego baahida iyo qorshayaasha ay doonayaan inay gaaraan ee dhanka horumarka.

Turkiga ayaa hadda diyaaradihiisa dagaalka ee aan duuliyaha lahayn isla markaana casriga ah geeyay dhowr dal oo Afrikaan ah, tallaabadaas oo iyada qudheeda loo fasiray inay tahay calaamad muujinaysa in Turkigu uu aad u daneynayo qaaradda oo ay ku hardamayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

farmaajo iyo erdogan

Istanbuul, Diseembar 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga, waxaana Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan uu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen isaga oo ku dhiirri galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka Dalkooda u suuq geeyaan Dalka Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Kulankan waxaa madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdi Siciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Danjiraheenna noo fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Agaasime Cabdisalaan Saleebaan Koodaar.

DHAMMAAD.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo u mahadceliyey ninka aduunka ugu taajirsan

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Elon Musk, oo ah aas aasaha shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya samaysa ee Tesla iyo shirkadda sahamisa hawada sare ee SpaceX, oo gacan ka geystay soo saarista dayax gacmeedka isgaarsiinta Turkiga ee Turksat 5A.

Madaxtooyada Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah soo daysay muuqaal Khamiistii la duubay oo ay ku wada hadleen Erdogan iyo Elon Musk, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira dhaqaalaha casriga ah, barnaamijka qaranka Turkiga ee hawada sare iyo gaarigii ugu horreeyey ee koronto ku shaqeeya ee lagu sameeyey gudaha Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay in dayax gacmeedka Turksat 5B ay shirkadda SpaceX hawada sare u diri doonto maalinta Axadda ah ee soo socota, wuxuuna u mahadceliyey Elon Musk, gacantii uu ka gaystay in Turkigu uu soo saaro dayax gacmeedka 5A.

“Waxaan haddiyad kaaga dhigaynaa calaamadda NFT oo ah dayax gacmeedyo 5,000 gaaraya oo carruurteennu ay sameeyeen” ayuu yiri Erdogan.

Muska ayaa ka mahadceliey hadyadda, asagoo sheegay in ay ka shaqaynayaa sidii “ay hawada sare ugu diri lahaayeen dayax gacmeedka oo uu mustaqbalka wax badan ula qaban lahaa Turkiga.”

Elon Musk, oo ah ninka ugu taajirsan adduunka, ayaa Wargayska Time wuxuu u aqoonsaday shakhsiga sannadka 2021-ka.

Maxaad ka taqaannaa ninka cusub ee noqday qofka ugu taajirsan Adduunka?

,

Elon Musk ayaa noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka kaddib markii ay hantidiisu gaartay $185 bilyan oo doolar, oo u dhiganta £136 bilyan oo gini.

Ganacsadahan, oo iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada, ayaa darajada taajirnimada ee ugu sarreysa caalamka galay kaddib markii maanta oo Khamiis ah ay shirkaddiisa Tesla kordhisay qiimaha saamiyada ay iibineyso.

Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017-kii.

Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee Mr Musk, Tesla, ayaa qiime aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray $700 oo bilyan oo doolar (£516bn) markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee shalay.

Hantida maalqabeenkan waxaa sare u sii qaaday siyaasadda Mareykanka, halkaasoo xisbiga Dimuqraaddigu ay dhawaan kula wareegi doonaan maamulka Aqalka sare ee Senate-ka.

Daniel Ives, oo ah nin wax falanqeeya ayaa qoray: “In Senate-ka ay awooddiisa la wareegeen waxay dan ugu jirtaa shirkadaha soo saara gawaarida korontada ku shaqeeya, haddana fikradaha shirkadaha noocaas ah waxay ku guuleysan doonaan sannadaha soo socda.”

Faa’iidooyinka kasoo xarooda canshuurta laga qaado gawaarida korontada ku shaqeeya ayaa sii badin doona dhaqaalaha Tesla, “oo haddaba saameyn weyn ku leh dhaqdhaqaaqa suuqyada”, sida uu sheegay Mr Ives.

Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa’iiday xayiraadihii fayraska Corona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan kasoo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya.

Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Mr Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimada.

Hantidiisu waxay korortay xilligii uu corona jiray

Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020-kii, lacag dhan $140 bilyan oo doolar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu Maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ahaa $167 bilyan oo doolar.

Lacagtan waxay Elon Musk inuu dhowr darajo kor ugu kaco liiska bilyaneerrada ugu hantida badan caalamka. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka.

Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAYA MADASHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA

farmaajo dhoof3

Muqdisho, Diseembar 16, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, taas oo ay tilmaam u tahay in Caasimadda Muqdisho laga hirgeliyey dhismaha Safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

DHAMMAAD

Maxay Minnesota ugu soo badanayaan dhaca gawaarida?

Minneapolis dab dabaq usa

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay Soomaali fara badan deggan tahay ayaa laga soo sheegayaa in dhaca baabuurta ay aad u korortay. Maamulka degmada Hennepin ayaa shalay labo qof oo dembi oogayaal ah u magacaabay inay arrimahaas wax ka qabtaan.

Magaaladda Ganacsiga ee Minneapolis ayaa tan iyo markii sanadkii hore ay askartu ku dileen George Floyd oo nin madow ahaa ayaa ammaanku faraha ka sii baxaayey, iyadoo tirada askartuna ay aad u yaraatay.

Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa waxaa aad u kordhayay afduubka gawaarida, taas oo dadka ay saameynta ku yeelatay ay ka mid yihiin Soomaali.

Ku dhowaad 600 oo gawaari ah ayaa la dhacay sanadkan dhexdiisa, marka loo barbardhigo sanadkii hore ee 2020 oo baabuurta la dhacay ay ahaayeen 240.

Dhibbanayaasha qaarkood ayaa sheegay in dharaar cad laga dhacay gaarigooda, dadka qaarna waxaa ku adkaatay inay dukaameystaan amaba ay danahooda kale magaaada ka soo qabsadaan, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha degmada Hennepin Mike Freeman.

Labada dacwad-ooge ayaa waxaa loo dhiibay shaqooyin u gaar ah, midkood ayaa qaabilsanaan doonaa arrimaha dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 21-jirka, halka midka kalena uu dadka waaweyn qaabilsanaan doono, iyadoo dembiyadana loo kala saari doono gaari meel yaalla oo la xaday iyo mid qofka wata laga dhacay.

“Waa go’aan wax looga qaban karo aan is leeyahay dadka inta badan dembiyada geysta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada Minnesota.

“Marka la xiro ama dacwaddii lagu soo oogay la qabto waa la soo daayaa, damaanad ayaa lagu sii daayaa, maaddaama uu dembigu yahay dembi baabuur dhicitaan ah bannaanka ayay istaagayaan ilaa ay maxkamad dambe ka imaanayaan, oo dacwadda iyo kiiska si dhab ah loo galayo, taas oo keeneysa inay sii wataan dembiyadii dhaca,” ayuu yiri.

Soomaali badan oo deggan Minnesota ayaa la kulmay dhac, waxaana ka mid ah Deeqa Warsame iyo wiilkeeda oo dhowaan gaarigoodii laga dhacay, waxay sheegtay inay nafteeda halis gelisay kaddib markii ay eryatay ninkii gaariga ka faro maroojiyay.

“Booliiska waxaan ku iri gaariga noo raadiya, haye ayay dhaheen, isla markiiba gaarigii oo nin madow uu wato ayaa iga hor yimid, kaddib booliiska way naga tageen aniga ayaa ka daba laabtay, wuxuu ila galay xarun shidaal markaas gaariga iga deg ayaan ku iri oo aan la qabsaday. Annagu Soomaali ayaan nahay oo waan iska calool adagnahay cabsidiiba way iga tagtay oo xabaddii iyo wuxuu heysataba waan iska illaaway,”

“Marka gaarigana gaari cusub ayuu ahaaye waan ka samri waayay, waan kula dhegay wuu ila raftay, wuu i jiirsiin gaaray, wuu booday oo baabuur ayuu baabi’in gaaray halkaas ayuuna ka baxay. Kaddib waxaa dhacday booliiska ayaan u yeernay oo ku niri ninka sawirkiisa waa kan halkaan ayaan hadda ku qabannay, kaamirada ayay fiiriyeen waxayna yiraahdeen maxaad noloshaada ugu khamaartay ninkan waa burcad hadduu doono wuu hubeysan yahay, waxaan iri naftu saacad ayay leedahay annaguna waxaan ognahay inaadan ka dambeyneyn kana horreyneyn oo Muslim baan nahay, ee gaariga ma iiga soo qaadeysaan mise anigaa ka soo qaata?” ayay tiri Deeqa.

Deeqa ayaa sheegtay in dhowr maalmood ay is cayrsanayeen ninka gaariga ka dhacay, isla markaana ay booliiska wax ka qaban waayeen.

“Dhowr maalmood oo aay cayrsanayay kaddib ayaa ninkii wuxuu arkay inuu shidaalka ka sii go’ayo, gaariga meel ayuu ku leexiyay halkaas ayuuna uga tagay, anigana kaddib booliiska ayaan u wacay oo halkii iigu yimid sidaas ayaana taagireyga ku soo dhacsaday.” Ayay tiri Deeqa.

Badh waxaan ahay Magret Thatcher badhka kale Angela Markel

Valerie Pecresse (bidix)

Xisbiga Jamhuuriga ee Faransiiska ayaa isku diyaarinaya inuu u halgamo loollanla madaxtinnimada ee sanadka soo socda. Xulashadiisa cajiibka ah ee Valérie Pécresse uu u xushay musharraxa xisbiga ayaa sare u so qaadday xisbiga, iyadoo ra’yi ururin la sameeyay ay muujineyso inay ka guuleysan karto Emmanuel Macron ayna noqon karto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Faransiiska.

Ma ogtahay siyaasi ahaan waxaad tahay qof hore u socod sameynaya marka ay dadku bilaabaan inay wax ka sheegaan dharkaaga.

Marka la eego Valérie Pécresse, waxay ka bilaabatay koodhka casaanka ah, ee ay u xiratay khudbaduu guusheeda kaddib markii musharraxnimada loo magaacabay.

Mid ka mid ah wargeysyada ayaa xitaa labiskeeda wax ka weydiiyay khubarrada labiska.

“Koodhka guduudka ah waxaa loo xushay inay ka soocanto dadka kale,” ayuu mid ka mid ah yiri. “Waa midabka awoodda.”

Qof kale ayaa ku tilmaamay astaan guul iyo dhiig.

Malamo yar kaddib, ra’yi ururin ay sameysay Elabe ayaa lagu ogaaday in xitaa haddii haatan la qabto doorasho, ay Valérie Pécresse ay Macron uga adkaan karto 52% codadka.

Taasi waxay war dhiirrigelin ah u tahay xisbiga oo muddo sagaal sano ah ka maqnaa saaxadda awoodda, dhan waxaa la kacay Macron dhanka kalena hoggaamiyaha midig-fog Marine Le Pen.

Ninka ay xulafada dhow yihiin ee sanatarka ka ah Hauts-de-Seine, Roger Karoutchi, ayaa sheegay in Pécresse ay tahay qof la hubo, sababo la xiriira khibradda ay u leedahay maamulidda gobolka Paris oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 12 milyan oo qof.

“Kuguma filna inaad haweeney tahay; waa inaad noqotaa haweeneyda dalka,” ayuu yiri. “[Iyadu] waxay soo ahayd wasiir, ku xigeen, iyo madaxweyne goboleed. Waxay leedahya taariikh la ogtahay oo ku saleysan cilmaaniyadda iyo ammaanka. Marka ay hadaf leedahay, way hiigsataa.”

Saddex meel ka meel waa Thatcher, saddex meel ka labana waa Merkel

Balse dadka mucaaradsan ayaan saadaashan ku qancin.

“Waxaan u naxayaa codbixiyeyaasha Jamhuuriga,” ayay tiri Marine Le Pen, “sababtoo ah Valérie Pécresse waa qofka ugu dhow ee leh dabeecadaha Macron marka la eego dhammaanba musharraxiinta xisbiga”

Mrs Pécresse ayaa door bideysa inay isu yeerto in “saddex meel ka meel ay tahay Margaret Thatcher halka saddex meel ka meelna ay tahay Angela Merkel”.

Waxay siyaasadda ku soo biirtay iyadoo qeyb ka ahayd kooxda Madaxweyne Jacques Chirac balse waxay soo caan baxday markii laga dhigay wasiirka waxbarashada sare xilligii dowladdii Nicolas Sarkozy.

Dad yar ayaa su’aalo iska weydiiya khibraddeeda, balse codbixiyeyaal badan ayaa Valérie Pécresse u arka inay tahay qof si dhab ah hadaf u leh.

“Ma dhihi lahayn waa qof lagu caajisayo, balse ma heysato xitaa hal shey oo ay ku noqoto madaxweynaha Faransiiska,” ayuu yiri Jean-Philippe Dubrulle oo ka tirsan hay’adda ra’yi ururinta ee IFOP.

“Ma aysan soo noqon raysal wasaare; ma heysato waxa lagu xusho [musharrax qaran] Éric Zemmour, oo weriye ahaan jiray ayaa sidaas yiri.

“Emmanuel Macron meelna kama imaan mana uusan soo qaban xil; [hoggaamiyaha bidix-fog] Jean-Luc Mélenchon wuxuu leeyahay astaan u gaar ah. Valérie Pécresse, sidaan qabo, taasi ma laha.”

Sida uu qabo Karoutchi, waxa ay leedahay waa bani’aadannimo. “Waxay aad diiradda u saartaa caqabadaha ay la kulmaan qoysas badan, waxayna aad u dareensna tahay sida ay u adkaan karto nolosha qoyska” ayuu yiri.

Valérie Pécresse waxaa musharrax ahaan u doortay xubnaha diwaan gashay ee xisbiga, balse waxay u baahnaan doontaa codad badan oo ay ugu tartameyso madaxtinnimada.

Guushii Macron ee sanadkii 2017 ayaa dib u qaabeysay khariidadda siyaasadda, iyadoo meesha ka saartay Jamhuuriga.

Jebinta gidaarka

“Si ka duwan Marine Le Pen, waxaa loo arkaa musharrax guuleysan kara, waxayna astaan u tahay cusbooneysiin oraneysa: Waxaan dib u cusbooneysiinayaa saaxadda siyaasadda ee Faransiiska,”ayuu yiri Dubrulle.

Sida uu qabo Franck Louvrier, oo ah duqa magaalada La Baule oo Valérie Pécresse ay inta badan ku qaadato fasaxyada qoyska, magacaabiddeeda waxay astaan u tahay ilbaxnimo iyo isbeddel ka dhex dhaca xisbiga garabka midig ee Faransiiska.

Waxay ka dhacday UK iyo Jarmalka, haatanna Faransiiska ayay sidoo kale ka dhacday, waxaa jirta baahi loo qabo in la arko haweeney hoggaamiye ah, ayuu yiri: “Waxay jebineysaa gidaarka.”

Xisbi dhaqameedka xisbiyada siyaasadda ee dalkaas ayaa haatan ku biiray dagaalka cusbooneysiinta siyaasadda Faransiiska.

Shan sano kaddib ololihiisii ugu horreeyay ee doorashada, Madaxweyne Macron ayaa laga yaabaa in loo aqoonsado qof aan meeshaba ku jirin.

Ma aha wax uu hore u bartay.

Midowga Afrika oo dib usoo celiyay arrin ay dowladda Soomaaliya kasoo horjeedsatay

ciidamada amisom burundi

Waqtiga ciidamada AMISOM ay joogayaan Soomaaliya ayaa ku eg 31-ka bishan December, Midowga Afrika ayaana doonaya in heshiis laga gaaro ciidankii baddali lahaa ka hor inta aan waqtigaas la gaarin. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya way kasoo horjeeddaa talada AU ee ku aaddan xalka.

Ilaa hadda oo ay labo isbuuc keliya harsan yihiin la iskuma waafaqin arrintan oo in muddo ah soo jiitameysay.

Midcowga Afrika ayaa ku taliyay in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bayaan ay soo saareen Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga ayay dalabkaas ugu gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

War murtiyeedkan ayay hoosta uga xariiqeen in qorshe walba oo lagu baddalayo AMISOM uu u baahan yahay taageerada iyo oggolaanshaha dowladda Soomaaliya. Balse Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay baaqaas.

Waxay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dooneysaa in marka uu AMISOM waqtigooda dhammaado xukuumadda Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga waddanka.

Xalka ugu soo horreeya muxuu noqon karaa?

Inkastoo uu taagan yahay ismari waaga la xiriira go’aankan, Axmed Xaashi oo ka faallooda siyaasadda geeska Afrika waxa uu aaminsan yahay in xalka ku meel gaarka ah uu gacanta ugu jiro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“31-ka December buu ku egyahay laakiin waxay ila tahay in waqtiga loo kordhin doono oo qandaraas cusub la siin doono. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay ka codsanayaan in loo cusbooneysiiyo, laakiin sugidda amniga waddanka waxaa leh dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu sheegay in mar walba awoodda ugu sarreysa ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay hoggaanka u heysaa jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay leeyihiin madaxbannaani, markii ay rabaan ciidanka waddanka jooga way ka saari karaan.

“Madaxweynaha Soomaaliya waa taliyaha guud ee ciidamada, isaga ayaa go’aanka leh, haddii AMISOM aan raalli laga ahayd xukuumadda Soomaaliya way leedahay sharcigii ay meesha uga saari lahayd,” ayuu yiri Axmed Xaashi.

Balse waa in loo maro nidaam ay qayb ka tahay inay warqad u qoraan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, iyagoo ka dalbanaya in ciidanka laga saaro waddankooda, sida uu sheegay Xaashi.

Ciidamada AMISOM oo ka kooban qiyaastii 20,000 oo askari ayaa Soomaaliya ka howl galayay tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo dowladda Soomaaliya ka caawinayay dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab oo maamusha meelo ka mid ah Soomaaliya.

Waxay ciidankan ka kooban yihiin dalalka kala ah Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.

Marka laga soo tago garabsiinta ciidanka dowladda ee la dagaallamaya al-Shabaab, howlaha kale ee AMISOM waxaa ka mid ah inay hirgeloyaan qorsheyaasha amniga dowladda, inay tababaraan ciidamada amniga Soomaaliya iyo in ay sugaan amniga goobaha laga fulinayo howlgallada gargaarka bani’aadannimo.

Tan iyo markii ugu horreysay ee la aasaasay AMISOM, laga soo billaabo horaantii 2007-dii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cusbooneysiinayay waqtiga loogu talogalay inay ku sugnaadaan Soomaaliya.

Muddo kordhintii ugu dambeysay ee loo sameeyay waxay ku egtahay 31-ka bishan December, waxaase suuragal ah in lasii cusbooneysiiyo.

Safaaradda Maraykanka oo baaq u dirtay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

wadatashiga doorashada

Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ugu baaqday in ay dar dar geliyaan doorashada dalka.

Safaaradda oo si gaar ah ula hadashay madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegtay in loo baahan in laga baaqsado dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, dhanka kale ku baaqday in la dadajiyo doorasho caddaalad ku dhisan, hufan, loo wada dhan yahay isla markaana waqtigeeda ku dhacda.

Baaqaan ayaa ku soo aadaya ayadoo liiskii ugu horeeyay ee musharaxiinta kuraasta aqalka hoose uu shalay soo saaray maamulka Jubbaland.

Kuraasta oo lambaradood oo kali ah la soo saaray oo aysan magacyo la socon ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 14 kursi.

Talabadan maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dorraad guddiga doorashada ee heer federaal ugu baaqeen maamulada Hirshabele, Jubaland iyo Puntland in ay bilaabaan doorashada aqalka hoose.

Sudan oo ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Itoobiya

ethiopia tigray

Suudaan ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay ku muransan yihiin iyaga iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaannada lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhaxaysa Khartoum iyo Addis ababa.

Ciidanka ayaa farriin u diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda ay nabad ku joogaan.

Sudan ayaa 1-dii Diseembar sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga ka dib markii ay rasaas iswaydaarsadeen labada ciidan.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay ka dib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Birkat Nourain ee ka tirsan degmada al-Fashaga.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa sababay in hoggaamiyaha militariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY