Home Blog Page 162

Nooca coronavirus ee Omicron oo si xowli ah dunida ugu faafaya

Coronavirus2

Nooca coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub.

Dr Tedros ayaa sheegay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Hubaashii, waxaan haatan ogaannay inaan dhayalsanno fayraskan. Xitaa haddii Omicron uu sababo xanuun yar, tirada kiisaska ayaa mar kale culeys ku keeni doonta waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Tiro dad ah ayaa soo saaray shuruuc lagu mamnuucayo safarka taas oo saameysay Kofur Afrika iyo dalalka deriska la ah kaddib markii laga helay nooca Omicron, balse shuruucda ayaan wax badan ka qaban joojinta inuu noocan ku faafo dunida.

Wararka kale ee ku saabsan coronavirus

  • In ka badan 800,000 oo Ameerikaan ah ayaa u dhintay xanuunka coronavirus – waana tiradii ugu badneyd ee dhimashada xanuunka ee guud ahaan dunida laga diwaan geliyo
  • Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku guuleystay taageerada shuruucda Covid ee England, inkastoo uu mucaarado kala kulmayay xubno ka tirsan xisbigiisa tan iyo intii uu xilka qabtay
  • Dowladda UK ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqday in dhammaan 11-ka dal ee ku jiray liiskeeda dalalka ay mamnuucday in loo safro ay meesha ka saartay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Sajid Javid uu sheegay in nooca Omicron uu si aad ah u faafay isla markaana shuruucdan aysan wax muhiimad ah lahayn
  • Talyaaniga ayaa kordhiyay muddada bandowga dalkaasi saaran isagoo ka dhigay ilaa 31 March 2022, sababo la xiriira walaac laga qabo Omicron. Tallaabooyinka, oo lagu waday inuu xilligoodu ku ekaado dhammaadka December, ayaa dowladda siinaya awood dheeri ah oo ay ku xadiddo safarka iyo isu imaatinnada dadka
  • Dalka Netherlands ayaa sheegay inuu xiri doono dugsiyada hoose toddobaad kahor ciidda masiixiyiinta ee Christmas-ka, tan oo looga gol leeyahay wax ka qabashada xanuunka
  • Norway ayaa sidoo kale ku dhawaaqday mamnuucidda aalkolada oo laga mamnuucay baararka iyo maqaayadaha, iyo tallaabooyin kale

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Dr Tedros ayaa wuxuu mar kale diiradda ku saaray walaaca laga qabo u sinnaan la’aanta tallaalka, iyadoo dalalka qaar ay dardar geliyeen soo saaridda tallaal xoojiye ah iyadoo laga jawaabayo xanuunkan Omicron.

Daraasadaha dhowaan laga sameeyay tallaalka Pfizer/BioNTech ayaa muujinaya inay keliya wax yar ka tarayaan iska caabbinta Omicron mar aloo barbar dhigo fayrasyadi hore, balse tan ayaa la sheegay in looga bixi karo iyadoo la soo saaro tallaal xoojiye ah oo saddexaad.

Dr Tedros ayaa sheegay in tallaalka xoojiyeyaasha ah “ay door muhiim ah ka cayaari karaan” wax ka qabashada faafitaanka Covid-19, balse ay taasi tahay mid u baahan in muhiimadda koowaad la siiyo.

Dalalka ka tirsan barnamaijka qeybsiga tallaalka ee Covax ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay. Balse saraakiisha caafimaadka adduunka ayaa ka cabsi qaba inay mar kale soo laabato gabaabsiga toban milyan oo kuuro oo tallaalka ah sidii dhacdayba bartamihii sanadkan, tan oo ay qeyb ka ahayd Hindiya oo joojisay dhoofinta tallaalka xilli ay dalkeeda aad ugu bateen kiisaska xanuunka.

Dalalka saboolka ah, ayaysan weli dadka u nugul xanuunka qaadan tallaalka koowaad.

Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Soomaaliya oo saaka Muqdisho laga dejiyay

booliis tababar soo laabasho

Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa saaka laga dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ciidankan waxaa maalmo ka hor dalka jabuuti tababarka ugu soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), waana dufcaddii 15-aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, sida uu bartiisa Twitterka ku sheegay Taliye Xijaar.

Ciidankan markii ay saaka soo gaareen Muqdisho, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in laga keenay dalka Ereteriya, taas oo dhalisay hadal hayn badan.

AL-SHABAAB OO ASKAR BADAN KU LAAYAY GUDAHA DALKA KENYA

alshabab somalia

Wararka ka imaanaya Gobolka Wajeer ee waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay weerar culus ka fuliyeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Xoogag hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay weerar la beegsaday Ciidamada Kenya oo ku sugan tuulo lagu magacaabo Konton oo hoostagta degmada Qorof-xaraar ee Gobolka Wajeer.

Weerarka oo isu’gu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa sida wararku sheegayaan waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo dowladda Kenya aysan faahfaahin ka bixin.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay weerarkaas ku dileen in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya.

Waa kuwee kuraasta doorashada Jubaland ee lagu dhawaaqay

doorasho soomaaliya

Guddigga Hirgalinta Doorashada Heer Faderaal ee Soomaaliya ayaa sheegay in guddiga doorashada ee dawlad goboleedka Jubbaland u soo gudbisay liiska 14 kursi oo doorashadoodu ka dhici doonto magaalada Kismaayo.

Muxuu yahay qorshaha Qaramada Midoobey oo ay ku gacan seyrtay dowladda Itoobiya?

ethiopia map

Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay qorshe hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ay ku dooneysay in maalinta Jimcaha ah ay ku qabato dood gaar ah oo looga hadlayo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabada ay hay’adda xuququul insaanka ee Qaramada Midoobey ku dooneyso inay ku qabato kulanka.

Dowladda ayaa ka codsatay dowladaha xubnaha ka ah hay’adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay in ay diidaan oo aysan u codeynin kal fadhigaa gaarka ah.

“Waxa laga doonayay in golahan uu diiradda saaro ayaa ah in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo tacaddiyada TPLF ay ka geysatay gobollada Canfarta iyo Amxaarada” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in kulankaa gaarka ah looga doodi doono “xaaladda daran ee xuquuqda aadanaha” ee dalkaas.

Itoobiya waxay shaacisay dabayaaqadii bishii November guddi ka shaqeyn doono baaritaanada la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigray.

Shaley ayay aheyd markii uu Mareykanka sheegay inuu aad uga walaacsanyahay warbixinada ku saabsan tacaddiyada ee la sheegay in ciidamada Tigray ay ka geysteen gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price.

“Waaxdu waxay ku boorisay dhammaan kuwa hubaysan inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxayna ku boorisay maamulka inay baaritaan ku sameeyaan eedeymaha.”

Toddobaadkii hore,Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay si kooban tobanaan qof oo rayid ah ay toogteen.

Dab ka kacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

dhadhaab

Waxaa lagu soo warramayaa in dab xooggan uu ka kacay suuq ku yaalla xerada qaxootiga ee Dhagaxley oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooy Bari Kenya.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay sawirrada holaca iyo qiiqa dabka qabsaday halkaas.

Lamana ogo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan iyo waxa sababayba.

Marar badan oo hore ayuu dab khasaare badan geystay ka ka kacay suuqyada xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Mareykanka oo ka walaacsan tacadiyada ciidamada Tigray ka geysteen gobollada Axmaarada iyo Canfarta

ciidamada tigray

Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay warbixinada ku saabsan tacaddiyada ee la sheegay in ciidamada Tigray ay ka geysteen gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price.

“Waaxdu waxay ku boorisay dhammaan kuwa hubaysan inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxayna ku boorisay maamulka inay baaritaan ku sameeyaan eedeymaha.”

Toddobaadkii hore, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay si kooban tobanaan qof oo rayid ah ay toogteen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay baarayaasha HRW inay arkeen dagaalyahanada Tigreega ee tuulooyinka Chenna iyo Kobo ku dilay guud ahaan 49 qof oo rayid ah.

Dilalka dadka rayidka ah ayaa dhacay intii u dhaxaysay 31 Ogosto iyo 9 Sebtembar ee sanadkan, ayay tiri hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda.

Waxa ay ugu baaqday QM in la sameeyo baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo dadka ka dambeeya dambiyada dagaalka iyo in la baaro xadgudubyada ay geystaan ​​dhammaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Dadkii dabayluhu ku laayeen Maraykanka oo tiradoodu sagaashan kor u dhaaftay

united state america

Weli waxa socda gurmadka iyo baadi goobka dadkii ka samatabaxay khasaaraha ba’an ee ay dabaylihii ku dhuftay Maraykanku gaadhsiiyeen dhawr gobol oo dalkaas ku yaal oo haatan tirada dadka ku dhintay ee la xaqiijiyey sagaashan kor u dhaaftay.

Yaasir Abiib Daahir oo degan gobolka Kentucky oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaan weydiiyey bal haatan sida xaaladdu tahay.

Nin dhimasho lagu ogaa oo la qabtay isaga oo xaaskiisa dhuumasho ku booqanaya

xabsi

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qorshe uu damacsanaa nin isku dayay in uu been abuur ku sameeyo geeridiisa si aanu xabsiga loogu soo celin.

Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in Sudesh Kumar, oo 36 jir ah, uu dilay nin iskuna dayay in uu meydkiisa qariyo isaga oo kaashanaya xaaskiisa.

Balse booliiska ayaa helay muuqaalka CCTV-ga isagoo meydka ku sida baaskiil.

Kumar ayaa lagu soo waramayaa in cafis shuruudo ku xiran yihiin lagu sii daayay intii lagu jiray masiibada Covid-19 ka dib markii lagu eedeeyay dilka gabadhiisa oo 13 jir ah sannadkii 2018.

Qaar ka mid ah gobolada Hindiya ayaa siidaayay maxaabiista qaar si ay uga hortagaan xabsiyada buux dhaafay oo loo yareeyo kiisaska coronavirus.

Hase yeeshee Kumar ayaa la sheegay inuu ogaaday in mas’uuliyiinta ay damacsan yihiin inay soo afjaraan sidaas darteed waxa uu ku dhaqaaqay qorshahaan si aan xabsiga dib loogu celin.

Booliska ayaa ku andacoonaya in Kumar uu qirtay markii la xiray in Domen Ravidas uu dilay 19-kii Nofembar.

Mr Ravidas meydkiisa waxaa laga helay dhul banaan ah maalintii xigtay. Maydkiisa ayaa la gubay si aan loo aqoonsan, balse waxa uu jeebka ku sitay Kaarka aqoonsiga ee Kumar.

Xaaska Kumar, Anupama, ayaa markii dambe sheegtay in meydka ninkeeda uu yaallo gurigooda oo ku yaalla caasimadda India ee Delhi.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii ay caddeeyeen in Kumar uu ka been-abuuray dhimashadiisa, saraakiishu waxay heleen xog ah inuu booqanayo xaaskiisa. Booliska ayaa u dhacay guriga lamaanaha, waxayna gacanta ku dhigeen Kumar, kaasoo qirtay dambiga.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo xiray ku lug-lahaanshaha shirqoolka.

Iraj Raja, oo ah kormeeraha booliiska gobolka, ayaa amaanay shaqada saraakiishiisa intii lagu jiray shir jaraa’id oo qabtay Axadii.

“Lammaanuhu waxay maleegeen qorshe qoto dheer, laakiin booliisku waxay ku guuleysteen inay ogaadaan kiiskan dilka ah ee indho la’aanta ah,” ayuu yidhi Mr Raja. “Kooxdan waxaa lagu abaalmarin doonaa shaqada ay qabteen,” ayuu raaciyay.

Itoobiya oo sheegtay iney TPLF ka qabsatay waddo halbowla ah

ethiopian army Amisom

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney dagaal qaraar oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale.

Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xirto ay u dfaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

Ciidamadu waxay intaa ku dareen jiidda hore ee Wuchaale iney ku qabsadeen deegaannada Robiit, Golbo, Warabaabo, iyo Mile Koticha.

Ciidamada Itoobiya oo maalmihi u dambeeyey guulo badan dagaalka ka soo hoyayey waxay sheegeen inay hadda ku sii jeedaan deegaanka Marsa oo weli gacanta fallagada TPLF ku jira.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana.

Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen.

Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan.

Ciidamada dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayey Abiy Axmed labadi toddobaad ee ugu dambeeyey dagaalki ay TPLF a galeen waxay ka soo hoyeen guulo la taaban karo iyaga oo magalooyin badan oo ay TPLF qabsadeen dib uga qabsaday.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka billowday 4-tii November 2020 ayaa qarxay kadib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay saldhigga ugu weyn ciidmada dalkaasi oo ay ku lahaayeen magaalada Maqale iney weerar ku qabsadeen ciidama daacad u ah TPLF.

Dagaalka xilliga soo billaawday ayaa haatan 13 bilood jirsaday iyada oo ay weli muuqan wax xal ah oo laga gaaray colaadda dalkasi ka aloosan.

Midowga Afrikana wuxuu isku dayay inuu dhinacyada halkaa isku hayo uu u kala dab qaado balse ay weli dadaalladooda mira dhal noqon.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY