Home Blog Page 285

Abiy Axmed oo booqasho ku tegayo dalka Kenya

abiy axmed2

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maalinta beri ah booqasho rasmi ah ku tegaya Kenya, taas oo qaadan doonto labo cisho.

Abiy Axmed ayaa socdaalkiisa ku bilaabi doono magaalada Moyale ee gobolka Marsabit oo ku yaalla xudka ay wadaagaan labada ee Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in labada madaxweynaha Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku kulmi doonaan halkaasi, kadibna ay xariga ka jari doonaan bar koontarool ku taala xuduuda labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu gaari doono meelo ay ka mid tahay gobolka Lamu oo ay ka socoto dhismaha dekedda cusub oo isku xiri doonto wadamada Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa in kulankooda ay ku soo qaadaan dagaalka Tigray, xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiisada Soomaaliya & Kenya.

Si kastaba safarka Abiy ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada xukuumadda Itoobiya ay soo gaba-gabeysay howl-galkii gobolka Tigray ee ka socday waqooyiga dalkaasi.

Amnesty International oo ku baaqday in Mareykanku magdhow ka bixiyo dadkii uu ku dilay gudaha Soomaaliya

Amnesty international

Warbixin cusub oo ka soo baxday Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxaa si faah faahsan looga hadlay qorshaha ay dowladda Mareykanka kula baxayso ciidameeda ku sugan Soomaaliya.

Amnesty International ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka laga doonayo, ka hor inta uusan la bixin ciidamadiisa inuu bixiyo magta dadkii uu ku dilay gudaha Soomaaliya.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay inay jiraan qoysas badan oo dhibanayaal u ah ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymahooda.

Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in inta uu socday howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay dad badan oo rayid ahaa, kuwa kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood weli jirkooda ay ka muuqata waxyeelada gaartay.

Sidoo kale hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay in Mareykanka uu bixiyo xuquuqda dadka ay waxyeeladu u geysteen ciidamadiisa.

Deprose Muchena oo ah madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa tilmaamay in Mareykanka ay waajib ku tahay bixinta magdhowga dadka ay dhibaatada ka soo gaartay howl-galkiisa, iyada oo la raacayo shuruucda caalamiga ah.

“Waxa keliya la eegayo waa hubinta cadaaladda iyo ilaalinta shacabka, in magdhaw la siiyo dadka ehelkooda wax ku noqday howlgalka waa mid sharci ah, haddii uu sidaas kusoo afjarmayo howlgalka Mareykanka, balse haddii uu sii soconayo waa in taxadar dheeraad ah loo yeeshaa rayidka ku sugan meelaha la duqeynayo.” ayuu yiri Muchena.

Mareykanka oo Soomaaliya ay ku joogaan ku dhowaad 700 oo askari ayaa qorsheynaya in  bartamaha bisha Janaayo ee sanadka ee 2021-ka uu ciidamadiisa kala baxo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo horey loogu eedeeyey inay waxyeeleeyeen dad shacab ahaa.

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Daawo

https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/3479155275472456

Dadka sita Baasaboorka Kenya oo DF Soomaaliya shuruudo xirtay

somalia kenya flag

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday shuruudo cusub oo ay ku xireyso dadka Kenyan-ka ah ama sita Baasaboorka dalkaas ee imanaya Soomaaliya, xili uu sii xumaanayo xiriirka labada xukuumadood ee Nairobi iyo Muqdisho.

Warqad maanta kasoo baxday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee dalka ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uusan soo geli karin qof sita baasaboor Kenyaanka, ilaa uu safaaradda Soomaaliya ee Nairobi kasoo qaato dal ku-galka. Kenyan-ka ayaa markii hore dal ku-galka ka qaadan jiray garoomada Soomaaliya, marka ay yimaadaan.

Hay’adda Socdaalka ayaa xustay in go’aankan cusub ay ku fulinayso siyaasada dowladda federaalka ah, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo hagaajinta habka socdaalka dalka, xili ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya dhigeeda Kenya ku eedeysay faro-gal ka dhan ah arrimaha doorashooyinka.

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda dowladda federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha caabuqa Covid-19, laga bilaabo December 13, 2020-ka, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan dhulka Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahay dal ku-gal, waxayn kasoo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka hayadda.

Sidoo kale waxa lagu sheegay go’aanada kasoo baxay Hay’adda socdaalka in Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraysa baasaboorka Dublamaasiga ah looga baahan yahay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa xili ay dowladda federaalka Soomaaliya eedeymo culus u jeedisay xukuumadda Nairobi, iyada oo dhawaan ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, una yeeratay safiirkeedii Nairobi.

Waxay u muuqata inay Soomaaliya bilowday dagaalka ka dhanka ah Kenya, kaasi oo si adag uga digeen musharaxiinta mucaaridka oo ku tilmaamay “cadaawad cusub oo la rabo in madaxda dalka ay ku galaan olole doorasho.”

Daawo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay inaan dib loo noqonayn oo horay loo soconayo

Laftagareen2

Daawo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay inaan dib loo noqonayn oo horay loo soconayo.

Qoor Qoor oo soo bandhigay habka loo xallin karo muranka guddiyada doorashada

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiska doorashada, islamarkaana doorashada taaba-gelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda ka wada shaqeeyaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in wixii tabashooyin ah ee jira ay wanaagsan tahay in la iska qanciyo, lana muujiyo tanaasul, isqancin la xiriirta arrimaha doorashooyinka oo haatan uu muran ka taagan yahay, Galmudugna ay kaalinteeda qaadan doonto.

“Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa madasha ka sheegay in uu diyaar u yahay xalinta tabashada laga qabo guddiga maamulaya doorashada 2020/21, arrintaasina uu ku howlan yahay.

“Cabashooyin ka yimid tallaabta doorashada way jirtaan, waxa aan ku howlanahay sidii aan ugu dhaqaaqi lahaa xal ka gaarista, Galmudug waxa ay qabtaa in si xasiloon oo wanaagsan lagu turxaan bixiyo, markale waxa aan diyaar u nahay in heshiis laga gaaro tabashooyinka jira, dhinacyada dhan waxa aan leeyahay waa in laga fogaadaa wax waliba oo caqabad ku keeni kara heshiiska ama Doorashada oo aan wadajir u shaqeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadeed ee dalka inay ka fogaadaan waxkasta oo dhibaato dalkan u horseedi karta, si dalka uu horay ugu socdana la wada heshiiyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  oo shalay dib ugu laabtay dhuusamareeb ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho waxaa uu waday qorshooyin uu ku dhex-dhaxaadinayo Madaxda Dowladda iyo Midowga Musharixiinta oo qaadacay guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday.

Khudbada Madaxweynaha Galmudug ka jeediyay shirka Somalia Partnership Forum ayaa u muuqatay mid deganaan ah oo dhinacyada ku muransan doorashada uu dhex dhexaadnimo ugu muujinayay, wixii tabasha ee jirana xal laga gaaro.

Saciid Deni oo afar dalab xasaasi ah ugu gudbiyey DF shirka Madasha Iskaashiga

madaxweyne siciid deni3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland,Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 20/21.

Siciid Deni oo shirka uga qeyb-galay Aaladda Zoom-ka ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo la xiriirta qabashada doorashada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay tabashada ay ka qabaan doorashada, taas oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo iyo dooda ka taagan guddiyada doorashada Somaliland.

Madaweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya afar qodob oo kala ah;

1 – Inay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Gedo, si ay Jubbaland doorasho ugu qabato.
2 – In la-tashi guud laga sameeyo guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada Waqooyi ama Somaliland.
3 – In la xaliyo arrinta la xiriirta xubnaha qaar ee guddiyada doorashooyinka ee walaaca laga muujiyey ay ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii heshiiska doorashada.
4 – Inay kulan degdeg isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada si loo xaliyo arrimaha taagan.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo goobta hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in doorashada 2020/21 ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay u dhan yihiin dhinacyada ay quseyso oo dhan.

Shirka madasha Somalia iyo saaxibada beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho

Somalia Partnership Forum

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada beesha caalamka oo loo yaqaano Somalia Partnership Forum, kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka, ammaanka, horumarada la gaaray bilihii u dambeeyey iyo xaaladaha guud ee dalka.

Shirweynahan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan safiirada jooga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa shirkan qeyb ka ah, iyaga ka soo geli doono qadka Internet-ka, gaar ahaan Aaladda Zoom-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan oo qaadan doono hal maalin diirada lagu saarayaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka, horumarada la gaaray iyo qorshayaasha taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa furitaanka shirka ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan taababeyso oo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka, halka madaweynayaasha maamul goboleedyadu ay iyaguna khudbado ka jeedin doonaa madasha, maadaama ay uga qeyb-galayaan aalada la iska arko ee Zoom-ka.

Sanadkan wuxuu shirka ku soo aaday, xilki Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana la isku diyaarinayo doorashada soo socota ee 2020/21-ka.

Wasiir Dubbe oo guddigii mucaaridku magacaabeen ku tilmaamay xarako iyo ciyaar ciyaar

wasiir Cismaan Dubbe

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo maanta ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale weerar culus oo Afka ah ku qaaday musharaxiinta madaxweyne ee maalmihii u dambeeyay ku shirsanaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirarka musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaridka ay yihiin kuwo waxba soo kordhineyn, isagoona guddigii ay shalay magacaabeen ku tilmaamay wax uu ugu yeeray, xarako iyo ciyaar ciyaar.”

“Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magaacabayaa miyaanay ahayn xarako iyo layaab,” ayuu yiri Wasiir Dubbe

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka, kaasi oo looga dhawaaqay shir ay musharaxiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dubbe ayaa ka hor-yimid guddigaas, isagoona sheegay ‘inay wax lala yaabo tahay mucaarid dibada jooga ay ku dhawaaqan guddi doorasho’, xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay laguna muransan yahay guddigii uu hore ugu dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa kale oo uu si adag uga digay in musharaxiinta kasoo horjeeda dowladda ay dalka ka abuuraan fowdo, iyada oo aan heshiis loo dhameyn laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kaasi oo shalay doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.

DF oo QM u gudbisay dalab ku aadan in la kala diro guddiga ka hortaga burcadbadeeda

un amb Abuukar Baale

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraal xasaasi ah oo ay dowladda fedraalka ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Baalle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u gudbisay QM qaraar ku aadan in la kala diro guddiga ka hortagga burcadbadeeda Soomaalida

Danjiraha ayaa sheegay in seddexdii sano la soo dhaafay aan xeebaha dalka laga diwaan galinin hal kiis oo afduub ah, islamarkaana laga maarmo guddigaasi.

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub burcadbadeed, taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo,” ayuu yiri Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan Baalle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga  kalluumeysta biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa wasaqda ku daadiyo biyaha badda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharci darrada ah,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan muuqato in la wiiqay awoodii kooxaha burcadbadeeda ee weerarada afduubka ah ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY