Home Blog Page 286

Al-Shabaab oo markale weerar ka fuliyey gudaha Kenya

alshabab somalia

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanada weerarka qaaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay beegsadeen saldhig ciidamada Booliiska Kenya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Sheekh Barrow iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo kooban socday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaare kala duwan uu ka dhashay iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale dagaalyahanada Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi ayaa sheegtay inay ku gubeen labo gawaari oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Illaa hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka Kenya ka bixiyeen weerarkan iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda meeshii lagu diriray ayaa haatan degan, waxaana goobta isaga baxsday dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare xoogan geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

M Farmaajo oo fariin u diray M Goboleedyada aan soo dhameystirin Gudiyada Doorashada

m farmaajo1

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaallada ay wado ee ku aadan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa farriin u diray maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan weli soo magacaabin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee labadaasi maamul, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyeen sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiskii Muqdisho.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale madaxwweynaha ayaa adkeeyay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Guddiga doorashada heer federal oo guddoon doortay xilli lagu muransan yahay

gudiga doorashada 2021

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyadoo ay wali jirto doodda ku sabsan guddigan ay dowladda magacowday, oo ay kasoo horjeesteen xubnaha musharaxnimada maagan.

Labo musharax ayaa u tartamay xilka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 20 ka mid ah 25-ka xubnood uu guddigaan ka kooban yahay.

Maxamed Xasan Maxamed iyo Liibaan Abuukar ayaa u tartamay, waxaana gudoomiye loogu doortay Maxamed Xasan oo helay 17 cod halka Liibaan Abuukar uu helay 3 cod.

Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Kheyre.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay guddiga ka maqan yihiin xubnihii ay soo magacaabeen maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo aan ku qanacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe u wado howlaha doorashooyinka.

DF Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay madixii dilalka u qaabilsanaa Al-Shabaab

danab kumandoos

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danaba ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howlgalkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in habeen hore uu soo gaaray degmada Wanlaweyn, kadibna ay ka war-heleen, iyada oo ay ciidamadu u daadeen gurigii uu ku sugnaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.

Dib u heshiisiinta Qatar iyo Saudi Arabia oo la sheegay in horumar laga gaaray

Qatar Saudi Arabia

Dalalka xifaaltama ee Qatar iyo Saudi Arabia, oo ay wehliyaan kuwa dhex-dhexaadka ah ee Oman iyo Kuwait ayaa Jimcihii sheegay in horumar laga gaaray sidii loo xalin lahaa xasaradda Khaliijka ee xulufo gobolka ka mid ah madaxa u gelisay Doha.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo in Washington ay xal dhex dhigi karto dalalkan, hase yeeshee waxa uu ka digay inuusan sameyn karin wax saadaalin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait Sheikh Ahmed Nasser al-Mohammed Al-Sabah, oo dalkiisa uu hoggaaminayo dadaallada dhex-dhexaadinta, ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay muujiyeen rabitaanka “heshiis kama dambeys ah,” intii lagu guda jiray wada-hadalladii ugu dambeeyey, kuwaasi oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa niyad wanaag ka muujiyey in xiisadda oo billaabatay 2017 ay hadda ku dhowdahay inay dhammaato.

“Waxaan sameynay horumar weyn maalmihii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan, oo hadlay kadib wada-hadallo dhacay Jimcihii, oo loo qabtay hab online ah.

“Waxaan ku guuleysanay horumar la taaban karno oo aan ka gaarnay qodobada qaar, waxaana hadda socda dhaq-dhaqaaqyo aan rajeyneyno inay soo afjari doonaan xasaradda,” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

La-taliyaha gaarka ah iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared Kushner oo ku sugan gobolka ayaa la rumeysan yahay inuu dalalkan ku cadaadinayo inay heshiis gaaraan kahor inta uusan Trump xukunka ka degin 20-ka Janaayo 2021.

Jim Langevin: Go’aanka Trump wuxuu Soomaaliya haddiyad ahaan u siiyey SHIINAHA

James Langevin

Xildhibaan Jim Langevin oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa cambaareeyey go’aanka uu madaxweyne Trump xalay ku amray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Jim Langevin, oo madax ka ah guddi hoosaadka sirdoonka iyo halisaha soo ifbaxaya ee Aqalka Wakiilada, ayaa go’aankaas ku macneeyey isu-dhiibitaanka Al-Qacida iyo Soomaaliya oo haddiyad loo siiyey China.

“Go’aanka uu madaxweynaha ciidamada uga soo saarayo Soomaaliya, waa isu-dhiibitaanka Al-Qacida iyo haddiyad la siiyey China. Kooxda Al-Qacida ku xiran ee Al-Shabaab waa awood muuqata oo joogta Soomaaliya, waxaana ciidamadeena gaarka ah ay ku wehliyeen ciidamada xulka ah ee Soomaaliya in wax laga qabto halistan,” ayuu yiri Langevin.

“Joogitaankeena amni wuxuu suurta-geliyey sirdoon, diblomaasiyad, kaalmo cunno iyo gargaarka musiibooyinka. Marka ay ciidamadeena ka baxaan Soomaaliya kadib amarkan, way adkaan doontaa in diblomaasiyiinteena iyo shaqaalaha gargaarka ay dadka Soomaaliyeed ka caawiyaan inay xaliyaan dagaalka rabshad la’aan iyo ayada aan naf badan lagu waayin.”

Langevin ayaa sidoo kale sheegay in ayada oo Soomaaliya ay hadda isu diyaarineyso doorasho, dagaalna uu ka socdo Ethiopia, uu Mareykanka meel cidlo uga tegay saaxiibadiisa.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay bixitaan ciidamada Mareykanka u arki doonto guul, una fududeyn doonto inay dad ku xiran ku dhex daraan dowladda.

“Waxaa intaas dheer in China ay ka faa’iideysan doonto fursaddan si ay u dhisto saameynteeda gobolka,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

TRUMP oo si rasmi ah u amray soo saarista ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray Waaxda Gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) inta badan ciidamada iyo hantida Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, horraanta 2021.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Soomaaliya, hase yeeshee Waaxda Gaashaandhigga ayaa u muuqata inay soo jeedineyso in dhammaan ciidamada Mareykanka dib loogu meeleyn doono meelo kale oo Africa ka mid ah, iyo saldhigyo kale oo gobolka ah.

“Mareykanka kama baxayaan Africa, waxaa naga go’an inaan garab taagnaano oo aan teegeero joogto ah siino saaxibadeena Africa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

“Inkasta oo la beddelayo booska ciidamada, ficilkan lama macno ah in la beddelayo siyaasadda Mareykanka. Waan sii wadi doonnaa inaan wiiqno ururada xagjiriinta ah, ee halis gelin kara dalkeena, inaga oo islamarkaana xaqiijineyna inaan ilaashano faa’iidadeyna istaraatiijyadeed,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

“Natiijada go’aankan dartiis, qaar ka mid ah ciidamada ayaa la geyn doonaa meel ka baxsan Bariga Africa. Hase yeeshee ciidamadeena laga soo qaadayo Soomaaliya waxaa la gayn doonaa dalalka deriska ah, si taas ay noogu ogolaato inaan sii wadno cadaadiska aan saareyno argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Pentagon-ka ayaa sheegay inay weli awood u yeelan doonaan inay fuliyaan howlgallo argagixiso la dirir oo bartilmaameedsan oo laga fuliyo Soomaaliya, ayna ururiyaan digniino horudhac iyo tilmaamaha halisaha ku iman kara dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Daawo Sheekh Cabdi Xayi: Ergooyinka doorashada dadka wanaagsan ha loo soo xulo

sheekh cabdi xayi

Sheekh Cabdi Xayi oo khudbaddii Jimcaha ku soo qaatay doorashadda Soomaaliya ee 2021, ayaa ku baaqay in ergooyinka xildhibaanada dooranaya la soo xulo dadka wanaagsan ee qofka fiican dooran kara, kuwa tuugada ahna laga fogaado.

DAAWO

4 qodob oo laga soo saaray kulankii Wasiirka Gudaha iyo odayaasha Hiiraan

Jeneral Mukhtaar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid uu dalbaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa looga hadlay, sidii lagu qaboojin lahaa xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne, ka dibna laga wadahadlo diidmada reer Hiiraan ka keenayn madaxtinimada Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Beledweyne waxaa saakay ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana xigay bannaanbax dhawr saacadood ka socday magaalada, iyadoo bannaanbaxa lagu diidanaa safar uu maanta Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku taggi lahaa magaaladaasi.

Kulankan ayaa geba-gabadii waxaa laga soo saaray afar qodob, oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay in la joojiyay socdaalkii Madaxweyne Guudlaawe ee Beledweyne.

Akhriso qodobada ka soo baxay kulanka

1 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ballanqaadayo inaanu Madaxweynaha Hirshabelle imaan doonin Beledweyne, inta xal laga gaarayo khilaafka jira iyo tabashooyinka ay reer Hiiraan qabaan.

2 – In Dowladda Soomaaliya aanay Ciidamada Qalabka Sida u adeegsan doonin dadka reer Hiiraan ee saluugsan Dhismaha Hirshabelle-da cusub.

3 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay dejiyaan xaaladda ka taagan Beledweyne, kana qayb qaataan sidii wadooyinka xiran loo furi lahaa.

4 – In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka Arrimaha Gudaha u soo gudbiyaan warqad ay kaga hadlayaan tabashooyinkooda ku aadan Dhismaha Maamulka cusub ee Hirshabelle, si uu u gaarsiiyo Madaxweynaha Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qareen Mareykan ah oo lagu eedeeyey shirqool lagu xadayo hantida dowladda Somalia

US Department of Justice headquarters

Qareen degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay boqolaal kun oo dollar siisay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Xeer-beegti federal ayaa Arbacadii kusoo oogtay Jeremy Wyeth Schulman,  oo 45 jir ah, islamarkaana degan magaalada Bethesda, dacwado ay ka mid yihiin musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharcidarro ah la isaga gudbiyey banki.

Sida lagu sheegay dacwadda, Schulman iyo xubno kale ayaa isku dayey inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014, sida lagu sheegay dacwadda.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Paul Butler, oo ka mid ah qareenada difaacaya Schulman, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay rumeysan yahay in xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay yihiin “kuwa si qaldan wax loogu sheegay” islamarkaana ay ku guuldarreysteen inay si waafi ah u baaraan una hubiyaan caddeymaha.

“Waxaan ku kalsoonnahay marka fursad loo siiyo inuu sheego sheekadiisa, in Mr. Schulman si buuxda looga beri yeeli doono inuu ku kacay wax fal-dambi ah, iskaba daa khiyaameyn,” ayuu yiri Butler.

Shirkadda sharci ee heshay lacagta, laguma magacaabin dacwadda.

Schulman ayaa hadda ka mid ah maamulayaasha shirkadda Schulman Bhattacharya, wuxuuna maamula qeybta dacwadaha la xiriira ganacsiyada ee shirkadda.

Website-ka shirkadda ayaa waxaa ku xusan in Schulman uu dowladda federaalka Soomaaliya ku matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Butler ayaa sheegay in dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya ay Schulman u xil-saartay inuu ka caawiyo in loo fasaxo hantida uga xayiran caalamka, oo ay ku jirto mid taalla dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka wax dood ah kama qabto in inka badan 9 milyan oo dollar oo hantidaas ka mid ah dib loogu celiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay qareenka difaacaya Schulman.

“Muddo badan afar sano, Mr. Schulman iyo kooxdiisa waxay si aan daal laheyn uga shaqeeyeen inay caawiyaan qaran aad ugu baahan kheyraad maaliyadeed, si loo xaqiijiyo dib uga soo kabashada dowladda Soomaaliya ee inka badan 20 sano oo dagaal sokeeye ah. Mudadaas, Mr. Schulman wuxuu noqday la-taliye la aaminay iyo u ololeeyaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Butler.

Schulman ayaa la filayaa in markii ugu horreysay uu si horudhac ah maalinta Isniinta u horyimaado garsooraha maxkamad federal oo ku taalla magaalada Greenbelt ee gobolka Maryland.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY