Home Blog Page 369

Shan dhismo oo masaajid iyo kaniisado loo kala badalay

masjid turkey

Maalmahan waxaa aad loo hadal hayaa dhismaha Aya-Sufiya oo markale masaajid laga dhigay, ka dib ku dhowaad 90 sano oo madxaf uu ahaa.

Madax, hoggaamiyeyaal diin iyo dad kale ayaa ka falceliyay, balse madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa difaacay go’aankaas ka soo baxay maxkamad.

Haddaba aanu eegno shanta dhisme ee masaajidda ahaan jiray ka dibna kaniisad laga dhigay ama kaniisad ahaan jiray oo hadda masaajid ah:

1- Aya Sufiya – Turkiga

Dhismaha caanka ah ee madxafka ahaa ee ku yaalla Istanbul – Aya Sofiya – ayaa dib loogu dhigay masaajid.

Dhismahan wuxuu ahaan jiray macbad cathedral ah oo ay lahaayeen boqortooyo haystay diinta Orthodox oo maamuli jirtay Istanbul (oo xilligii Cusmaaniyiinta ay qabsanayeen lagu magacaabi jiray constantinople).

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa go’aanka ku dhawaaqay ka dib markii maxkamad ay meesha ka saartay in dhismaha uu yahay madxaf.

Interior of the Hagia Sophia
Dhismaha wuxuu hadda yahay midka ay booqdaan dalxiiseyaasha ugu badan ee Turkiga taga.

Xaruntan oo la dhisay 1,500 oo sano ka hor, waxaa masaajid loo badalay ka dib dagaal culus oo Cusmaaniyiintii ay ku qabsadeen magaalada, sannadkii 1453-dii.

Sannadkii 1934, ayaa laga dhigay xarun madxaf ah, haddana waxay ka mid tahay Goobaha Dhaqanka ee UNESCO ay aqoonsan tahay.

Qaar ka mid Musliniinta Turkiga ayaa muddo dalbanayay in dib looga dhigo masaajid, in kastoo ay jireen dad aragtidaas diidanaa.

Isagoo difaacayay go’aanka, madaxweyne Erdogan wuxuu xaqiijiyay in dalkiisa uu xor u yahay gaaridda go’aanno madaxbannaan, taasna ay tahay mid arrinta ay ka dhalatay in dhismaha dib loogu celiyo masaajid.

2- Masjidkii Babri, Ayodhya – Hindiya

Sannadkii 2019, Dhismaha lagu muransanaa ee Masaajidka Babri ee ku yaalla Ayodhya oo ah Waqooyiga Hindiya, ayey maxkamad amartay in laga dhigo macbad Hindu.

Dhimahaas ayaa ahaan jiray macbad, waxaana la sheegay in markii Muslimiinta ay qabsadeen halkaas, sannadkii 1528, laga dhigay masaajid.

India's Supreme Court in Delhi
Maxkamadda ugu sareysa ee Hindiya ee Delhi ayaa go’aankaas gaartay.

Kiiska maxkamadda oo ahaa mid si weyn loogu murmay ayaa qaatay muddo tobannaan sano ah. Waxaa la isku haystay cidda dhismahaa iska leh – Muslimiin ama Hindu.

“Muslimiinta waxay heli karaan dhul kale oo masaajid ay ka dhistaan”, ayey tiri maxkamadda xukunka riday.

Dad badan oo Hindu ah waxay aaminsan yihiin in dhismahaa uu yahay meesha uu ku dhashay mid ka mid ah “dadka ay caabudaan” oo lagu magacaabo Lord Ram.

Muslimiintana waxay sheegeen in muddo aad u fog oo jiilal ah ay halkaas ku cibaadeysanayeen.

Waxyaabaha lagu muransanaa way badnaanyeen balse waxaa xudun u ahaa dhismaha masaajidka Babri oo qarnigii 16-aad ay qabsadeen Muslimiinta.

Sannadkii 1992-dii, dad Hindu ah oo careysan ayaa masaajidkaas ku duulay, wayna burburiyeen. Waxaa la sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen ku dhowaad 2,000 oo qof.

Dhismaha masaajidka Babri

Maxkamadda waxay sheegtay in warbixinno cadeyn ah oo laga sameeyay dhismaha lagu ogaaday in “uusan ahayn mid Muslimiin ay dhiseen”. Waxaa tijaabada lagu sameeyay haraaga dhismihii Masjidka Babri ee la burburiyay.

Go’aankii maxkamadda ayaa lagu sheegay in Dhimsha dib loogu celinayo macbadka Hinduga ee Lord Ram, iyadoo Muslimiintana la siinayo dhul meel kale ku yaalla si masaajid ay uga dhistaan.

Balse, maxkamaddaas ayaa xukuntay in burburintii Masaajidka Babri uu ahaa arrin sharciga ka soo horjeeda.

Golihii Muslimiinta oo aan ku qancin go’aanka maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in aysan racfaan ka qaadan doonin xukunkaas.

3- Masaajidka Cordoba

Sannadkii 2014, boqollaal kun oo qof ayaa saxiixay dacwad ah in dhismaha caanka ah ee cathedral-ka ah laga dhigo kaniisad Catholic ah.

Cordoba's mosque-Cathedral

Dhismahaas wuxuu asalkii ahaan jiray masaajid ay dhistay dowladdii Islaamka ee Andolisiya, ka hor inta uusan kaniisad cathedral ah noqonin, qarnigii 15-aad.

Dhismahaas oo Muslimiinta ay billaabeen, masiixiyiinna ay dayac tireen, weli waxaa ka muuqdo astaamaha kala duwan ee labada diin.

Dhismaha waxaa weli ka taagan muran ah nooca masiixiyiinta ee iska leh. Mid ka mid ah dadkii saxiixay dacwadda ayaa sheegtay “in la isku deyayo in la badalo magaca oo meesha laga saaro Masaajid iyo Cathedral”.

Balse masiixiyiinta Catholic-ga ayaa beeniyay in ay doonayaan in taariikhda dhismahaas ay bedelayaan, wayna aaminsan yihiin in meesha ay masaajid ahaan jirtay.

“Suuragal ma aha in la tirtiro taariikhda Islaamka ee dhismahan”, ayuu yiri baadari BBC-da la hadlay sannadkii 2014-kii.

Dhismahaas waxaa sannadkasta u dalxiis taga illaa 1.3 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala tagay.

4- Britain – Kaniisad hore oo Masaajid laga dhigay

Sannadkii 2007, Maamulka magaalo ku taalla Britain ayaa u codeeyay in kaniisad hore laga dhigo masaajid.

Codka Golaha deegaanka Clitheroe oo ahaa mid aad isugu dhow ayaa dhaliyay in meeshaas lagu soo afjaro muran qaraaraa oo aad u dheeraa, wuxuuna suurageliyay in Muslimiinta laga badan yahay ay helaan meel ay ku cibaadeystaan.

Dhismaha wuxuu ahaa kaniisad Methodist ah, sidoo kale, muddo 40 sano ah wuxuu ahaa warshad ka dib markii la waayay dad ku cibaadeysta.

Arrintaas waxaa Muslimiinta ku hoggaaminayay nin asal ahaan ka soo jeeda Pakistan oo lagu magacaabay Sheraz Arshad, wuxuuna sheegay in Muslimiinta ay cod ku leeyihiin in dhismaha Kaniisadda ee la iska xiray ay ka dhigtaan xarun cibaado.

Xilligaas ee uu soo baxayay go’aanka, waxay Muslimiinta ku noolaa deegaankaas ahaayeen illaa 300, balse hadda aad ayey u sii bateen.

5- Masaajidka Granada

Sannadkii 2003-dii, Muslimiinta Spain ayaa ku guuleystay in ay dib u helaan Masaajidka Granada, kaas oo muddo 500 oo sano ah gacantooda ka maqnaa.

Magaalada uu masaajidkaas ku yaallo ayaa mar ahaan jirtay meeshii ay ugu awoodda badnaayeen Muslimiintii Yurub.

Maalintii dib loo furayay, waxaa ka qeybgalay Muslimiin badan iyo madax ka socotay maamulka Spain.

Dirbiyada dhismahan weli waxaa ku qoran ereyo diini ah

Sida ay sheegeen Muslimiinta, in ay dib u helaan masaajidkaas waxay ahayd soo nooleyda kaalinta Islamka iyo “sharafta taariikhda Muslimiinta”.

Balse waxaa jiray dad badan oo reer Spain ah oo aad uga carooday arrintaas. “Qof kasta wuu diidan yahay balse siyaasad ahaan way baqayaan in ay hadlaan”, ayuu yiri qof magaaladaas ku sugnaa oo diidanaa go’aanka masaajidka looga dhigay dhismahaas.

Muddo 500 oo san ka hor ah ayey Masiixiyiintii Spain dib u qabsadeen halkaas oo ka tirsan Koonfurta waddankaas, waxayna soo afjartay maamulkii boqortooyadii Muslimiinta ee Maqaribi (Moorish) oo muddo 800 oo sano ah halkaas xukumeysay.

Ka dib markii Muslimiinta laga adkaaday, dadkii Spain qabsaday oo diidanaa cibaadada Muslimiinta ayaa “billaabay in dadka ay si qasab ah diinta Islaamka uga saaraan” waxaa sidoo kale la “burburiyay masaajid oo meeshii ay ka dhsinaayeen dib looga sameeyay kaniisado”.

Masaajidkan wuxuu hadda xarun cibaado u yahay in ka badan 1,000 Muslimiin ah oo u badan dadka Spain ee diinta Islaamka qaatay ee deggan halkaas, sida uu sheegay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee Granada.

Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb iyo Deni oo ka tegay

kheyre soo degis

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dowladda federaalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi, xili ilaa saaka ay socotay qaban qaabada soo dhoweynta wafdigaasi.

Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo ka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Safarka uu Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa imanaya kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkoodii, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu dalbanayeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi.

Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu.

Socdaalkan uu maanta Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gogol xaadh u ah, safar uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaaladaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa markale marti-gelin doonta shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, iyada oo ay hoos u dhacday xiisadii xooganeyd ee kala dhaxeysay madaxda sarre ee dalka.

Dhinaca kale, madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tegay magaalada Dhuusomareeb isaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Deni uu Puntland ugu laabtay si uu uga qeyb-galo aaska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Deni ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Dhuusomareeb marka uu soo dhameysto arrimaha uu ugu noqday Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyey diyaaraddii maanta ku bur-burtay garoonka Beledweyne

Diyaaradda dhacday beledweyne

Garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ayaa maanta waxa ku bur-burtay diyaarad nooca xamuulka ah oo rabtay inay cago dhigato garoonkaasi.

Diyaarada ayaa xiligii ay cago-dhigan rabtay garoonka bur-burtay, kadib markii ay ka baxday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, isla markaana uu ubaxay mid kamid ah taayiradeedu.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradaasi ayaa si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, iyada oo kasoo duushay dalka Jabuuti, taasi oo ku diiwaan-gashaneyd lamberka tirsigiisu yahay 5Y-VVU.

Kadib markii ay dhacday diyaaradu waxa ka kacay dab xoogan oo gebi ahaanba qabsaday diyaarada, iyada oo lagu guuleystay samato bixinta duuliyihii waday diyaarada iyo labo kale oo caawiye u ahaa.

Diyaaradaasi bur-burtay ayaa siday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyen fatahaadihii gobolka Hiiraan, kaasi oo ay kasoo qaaday dalka Jabuuti.

Dad ka ag-dhawaa garoonkaasi ayaa sidoo kale sheegay inay arkeen diyaarada oo isku dayeysa inay fariisato garoonka, balse si lama filaan ah hal mar u arkeen iyada oo holcaysa.

Diyaarada ayaa gebi ahaanba ka baxday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, xili uu dab qabsaday, kadib markii uu ubaxay mid kamid ah taayirada diyaaradu, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan, Korneyl Cabdullahi Muuse oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in la bad-baadiyey saddex shaqaale oo saarna diyaaradaasi.

Diyaaradaasi oo siday gar-gaar u badnaa raashin, ayaa waxa sawirro laga soo qaaday muujinayeen dab xoogan oo kusii fidayay qaybo kamid ah garoonkaasi, iyada oo gebi ahaanba uu shuf beelay raashinkaasi.

Maamulka garoonka iyo kan dowlad goboleedka oo iyagana aan la xiriirnay ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday faah-faahin intaasi ka badan, iyaga oo ku gaabsaday inay dib uga warbixin doonaan warbaahinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

rw Kheyre

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen madaxda maamul goboleedyada isla markaana kaga arinsanayeen doorashada soo socota.

Wararka ayaa sidookale sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu isna ka daba tegi doono ra’iisal wasaaraha.

Shirka Dhuusamareeb waxaa kasoo baxay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadatashiga loo ballaarin lahaa, madaxda dowladda federaalkana waxay ugu baaqeen inay Dhuusamareeb yimaadaan.

Kenya oo baareyso sababta ridday diyaarad ay leeyihiin ciidanka ka jooga Soomaaliya

Diyaarad Kenya

Sida ay daabacday warbaahinta gudaha dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa guddi u xilsaartay in ay kasoo salgaaraan diyaarad military gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca oo u adeegi jirtay Militariga ka jooga Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa soo dhacday Isniintii shalay, waxaana ku geeriyootay labo ruux oo ahaa Duulliye iyo caawiyihiisa oo xiligaas ku guda jiray mid kamid ah safarada loo qorsheeyay in ay sameeyaan.

Nuuca diyaaradda waa hughes 500M, waxa ay si gaar ah ugu diiwaangashaneed Waaxda difaaca Kenya oo xamuul ahaan agabka ciidamada u qaadi jirtay, halka mararka qaar lagu daad-gureyn jiray Askarta.

Kenya ma sheegin sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo burburtay, balse Warbaahinta Maxaliga ah ayaa warisay in ay kusoo dhacday deegaanka Kithyoko ismaamulka Machakos ee dalka Kenya.

Karanja Muiruri oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo dhacday, isla markaana ay ku geeriyoodeen duulliyaashii saarnaa, balse xogta intaas ka badan ma uusan bixin.

Khubaro ka socda Dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday, waxa ay bilaabeen baaris ay uga daba-tagayaan xaqiiqada sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo kamid ah diyaarado Kenya dhawaan heshay si ay ugu adeegsato la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada.

Sawirro: Qoor-Qoor oo faah faahiyey wejiga 2aad ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb

Qoor Qoor3

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo xalay ka hadlayey xaflad lagu soo xirayey wejiga koobaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyey wejiga labaad ee shirkaasi oo lagu wado inuu maalmaha soo socdo ka bilowdo isla gudaha magaaladaasi.

Qoor-Qoor ayaa marka hore khudbaddiisa ku sheegay in shirkii madax goboleedyada uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, kaas oo qabsoomay 11-ka iyo 12-kii bishan July.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in wejiga labaad ee shirka ay ka soo qeyb-geli doonaan madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyaga oo ka wada-hadli doono xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

“Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka, sida la tilmaamay xalka iyo sida wax waliba loo wajihi karo, waxa aan u gudbeynaa qaybta labaad oo aan rajeyneyno in ay kusoo biiraan Madaxda DFS, waxa aan isla garanay in uu maro wadada shirka dhamaaday oo kale” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Dhinaca kale Qoor-Qoor ayaa boggaadin u jeediyey shacabka Galmudug isaga oo uga mahadceliyey, sida ay uga shaqeynayeen nabadda deegaanka iyo tan guud intaba.

“Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay.” ayuu markale yiri Qoor-Qoor.

Munaasabadda xiritaanka shirka Dhuusamareeb waxaa goob-joog ahaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabelle.

Sawiro: Taliye Odowaa oo ka bad-baaday qarax lagu dili lahaa (Sidee loo fashiliyey?)

general odowaa

Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano saaruf lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha, hase yeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo, sidaasna qaraxa lagu fashiliyey laguna bad-baadiyo taliyaha.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo. Si kastaba, qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidanka xoogga.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Taliyaha ayaa xilliga uu weerarku dhacay ka hor waxa uu kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, waxaaa uu ku socday qayb kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Goodax oo ku adkeystay in dowlada aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland

xildhibaan goodax barre

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo wareysi siiyey VOA ayaa markale ku dhawaaqay in dowladda dhexe aysan shahaado siin doonin Ardayda Imtixaanka ku gashay Puntland.

Goodax Barre ayaa shaaciyey in ardayda aan-gelin imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaraddiisu aysan ku laheyn wax shahaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan u diyaar saneyn inay dadkeeda wax la qeybsato, si la mid ah dowlad goboleedyada kale.

“Puntland uma diyaarsana in ay Ardayda ka qaadaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka, Arrintaas ulama jeedno in aan diidanahay u madax banaanida qaadista Imtixaanka, balse waa isku mid guud ahaan Ardayda oo aan bixinta Deeqaha ku qiimeynayo kala sareynta, Sidee ayaan u qiimeynaa Arday aan Imtixaan ka qaadin”? ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada oo sii hadlayey ayaa sheegay in waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin go’aanka dowladda dhexe, balse ay kaliya ka soo horjeedaan madaxda Puntland, isaga oo shaaciyey inay ku doodayaan arrimo aan jirin.

“Waalidka iyo Ardayda waxa aan hubaa in ay ku qanacsan yihiin go’aanka Dowladda dhexe, madaxda Puntland waxaa muuqata in aysan u diyaarsaneen wax ka qaybsiga Walaalahood Soomaaliyeed, waxa ay ku doodayaan in duruusta ay qaataan ay ka duwan yihiin Ardayda kale”. ayuu markale yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca waxbarashada, gaar ahaan qaadista imtixaanaadka uu soo gala dhex-galayo dowladda federaalka iyo Puntland oo haatan isku haya dhanka siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, waxaana 2019-kii xiisada dhinaca waxbarashada ku baxay xildhibaanno, Senataro iyo Wasiiro oo xaliyey arrintaasi.

Somaliland: Guusha aamuska Wasiir Faratoon VS Fashilka qaylada Wasiir Koore

Faratoon iyo koore

Dhowaan ayey ahayd markii lagu war helay xariirka kaga naxsaday Dalweynaha Shiinaha iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Xiriirkan oo indhaha Caalamka soo jeediyey wuxuu si qarsoodiya oo aan siyaasiyiinta Somaliland looga baran u soo jiitamayey mudo dheer, iyadoo aan saxaafadu ka warhaynin.

Tani waxay markhaati u tahay in hogaaminta siyaasada Arimaha dibada Somaliland ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ay qaaday talaabooyin siyaasadeed oo si qarsoodi ah loo agaasimay, taasoo la mid ah kuwii la qaadi jiray xiligii dagaalka Qabow, wuxuuna Somaliland ka bedelay nidaamkii ay markii ay cid la kulmaanba saxaafada ka qaylin jireen, waana talaabo mudan in Wasiir Faratoon lagu amaano.

Dhanka kale waxaa si xun siyaasada ugu fashilmay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna ka soo jeeda degaamada SSC, isagoo hadaladiisii ugu dambeeyey ay ahaayeen kuwo waxyeelo ku ah Somaliland.

hadalkiisii ugu dambeeyey ee uu 26 Juun ka jeediyey Magaalada Boorame ee uu ku sheegay in Soomaaliya ay doonayso beesha dhexe oo keliya wuxuu ahaa mid meel ka dhac ku ah dhamaan Reer Somaliland, beelaha darafyaduna waxay u arkaan fariin Madaxweyne Muuse Biixi uga timid oo wasiirka loogu soo mariyey.

Faysal Cali Waraabe, Xildhibaan Indho Indho iyo Wasiir Koore markay ku hadlaan hadalada anshaxa siyaasada ka baxsan ama qabaailka saameynaya, waxay ku doodaan inay Somaliland difaacayaan, taasoo ah aragti khaldan oo cadaawad sii kordhinaysa, halka Wasiir Faratoon markuu qadiyada Somaliland difaacayo uu ku hadlayo hadal waafaqsan anshaxa iyo xeerarka siyaasada ee Caalamka laga isticmaalo iyo garnaqsi xuquuqda Somaliland ku saleysan.

Waxaa xusid mudan in Fashilaada Wasiir Koore ay marayso heer uu marba siyaasigii uu ka cabsoodo uu hayadaha amaanka intuu u tago uu ku sheego waa Somaliland-diid, sidii dawladii kacaanka (Waa kacaan diid), iyadoo uu dhowaan siyaasi ay isku degaan yihiin u adeegsaday hayada amaanka iyo garsoorka, xilka uu Somaliland ka hayana si khaldan u isticmaalaya, taasoo muujinaysa in aanay weli ka masaxmin dhaqamadii kacaanka ee lagu soo barbaariyey.

China oo dhoolatus millateri ka sameysay meel u dhow xeebaha Somaliland

China Navy

Dowladda Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan oo balaadhan ka sameeysay meel aan wax badan u jirin badda Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland, xili ay taagan tahay xiisada ka dhalatay xiriirka cusub ee Taiwan.

Shiinaha ayaa toddobaadkii hore dhoollatus milateri ka sameeyay gacanka cadmeed oo aan ka fogeyn biyaha Somaliland ee Badda-cas, Sida uu dhawaan baahiyay Telefishanka dowladda Shiinaha ee CCTV.

Saddex markab oo kuwa dagaalka ah ee dowladda Shiinaha ayaa dhoolatuskaasi lagu sameeyay, iyada oo ay bar-bar socdeen tababar ay ku tijaabinayeen cududdooda ay kaga hortagi karaan khataraha amniga iyo gudashada waajibaadkooda hawl-gallada milateri ee kala gedisan.

Dhoolatuska Millateriga Shiinaha ayaa loo arkaa mid hanjabaad nooc cusub ah oo ku socota Somaliland oo uu rumeysan yahay inay qeyb ka noqoneysa kala goynta dhul weynihiisa, wallow aysan labada arrin si rasmi ah iskula xiriirin dowladda Shiinuhu.

Sidoo kale waxa dadka ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda ay dhoollatuska Shiinaha ku macneeyen fal uu ku muujinayo cadhadiisa iyo diidmada xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland.

Shiinaha ayaa si adag uga horyimid xiriirka ay Somaliland la sameysatay Taiwan, oo uu aaminsan yahay inay tahay Jasiirad ka tirsan dhul weynihiisa, halka ay iyadu ku doodeyso inay tahay dal madax-banaan.

Xiisada ka dhalatay xiriirkaasi ayaa u muuqata mid kasii dareysa, maadama oo Shiinaha iyo Soomaaliya ay si wada-jir ah u wadaan qorshayaal ka dhan ah xiriirkaasi iyo kuwa diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan, oo labadoodu kala sheegtan.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY