Home Blog Page 371

Nuxurka qodobbadii ugu muhiimsanaa ee lagu soo qaaday shirka Dhuusomareeb

Madax goboleed-3

Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey wejiga hore ee shirka dowlad goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug iyada oo ay ka hadleen dhammaan madaxweyneyaasha, waxaana idin soo gudbineynaa nuxurka qodobadii ay soo hadal qaadeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo martigeliyey shirka dowlad goboleedyada oo furay shirka ayaa magadcelin u jeediyey inta ka soo qeybgashay iyo inta gacan ka geysatay isaga oo intaa raaciyey inuu yahay mid wadatashi ah, una mahadceliyey Soomaalida iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in shirkan uu yahay wadatashi, oo xoogga lagu saarayo dib u dhiska dalka

Waxaa uu madaxweynaha Galmudug uga mahadceliyey soo dhowynta isaga oo sheegay “Dad la dhisay ayaa jooga oo awood u yeeshay in maareeyaan arrimaha muhiimka ah”.

Shirka waxaa uu ka yiri “Waxaa sheegayaa sida aan raalli uga nahay ka soo qeyb galka, oo iney ka soo baxaan wax shacabka raali ka yihiin”.

Mar uu ka hadlayey federaalka ah waxaa uu yiri “Ferdaal ma aha wax dadka kala geynaya, ama horumarkiisa, waa shaqada oo la kala qeybsaday, kala qeysanaan waa wax is kabaya.

Madaxweyne Deni waxaa uu leeyahay weyn fiicneyd doorasho qof iyo cod ah isaga oo intaa raaciyey “Wixii aan ka badi weyno aan qabsanno, aanna iimaansanno”.

Waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu shirka noqdo mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in shirkan uu yahay shaqo loo qabanayo dowladda federaalka ah.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa mahadcelin ka sokow waxaa uu sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha amni, siyaasad, dhaqaale, doorasho,iyo midkii marxaladda kala guurka looga gudbi lahaa, oo ah wax ku xiran mustaqbalka umadda Soomaaliyeed.

Dhanka doorashada waxaa uu sheegay in Soomaalida oo dhan heshiis ku tahay in waqtiga doorashada marka la gaaro ay waqtigeeda dhacdo, isaga oo soojeediyey in laga wada shaqeeyo.

Ujeedka shirka waxaa uu ku sheegay iney tahay wada shaqeynta dowlad goboleedyada isaga oo intaa raaciyey in sidaasi loo baahanyahay in dowladda federaalka ah lala yeesho wada shaqeyn, isku xirnaan iyo wada shaqeyn iney jirto.

Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in guddiga doorashada dhismihiisa iyo kahorba laga hadlayey qof iyo doorasho, haddii la gaari waayo aan loo fariisan-doonin, oo horay loo socda.

Shirkan ayuu ku sheegay ineysan aheyn kuwa qaadanaya kaalinta aan tooda aheyn ee dowladda federaalka ah, isaga oo soojeediyey iney ka soo baxaan arrimo  saameyn ku yeelan-doonna, dalka oo dhan horumar iyo guul gaarsiin kareyso.

Ugu dameyntii waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu soo dhoweynayo wax walba oo dalka isku heynaya iyo xisiloonida iyo in shirka uu dhali-doonno, oo ay soo wada saaraan federaalka iyo dowlad goboleedyadaba wax dalka wax u tari-doonna.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo isna goobta ka hadlay dastuurka isaga oo sheegay inuu yahay shey ka dhashay colaadda  iyo kala shakiga dalka ka dhacday isaga oo intaa raaciyey in ay tahay in il naxariis ah, niyo wanaag ah lagu fiiryo, oo il hooyo lagu fiiriyo oo aan il eeddo lagu fiirin.

Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay iney taageero la duljoogto waxa lagu heshiiyo, waxaa uu taageeray in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

Sarkaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo hawlgal lagu dilay

shabaab sarkaal

Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay iney hawlgal ku dilaan sarkaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Masuulkan oo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Dheere, waxaana lagu dilay deegaanka Buulo Xaawo oo galbeedka kaga beegan magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Warbixinada la helay waxey sheegeen in sarkaal kale la dhaawacay, lagana furtay qoray uu watay oo nuuciisa yahay AK47.

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war qoraal ah ku sheegatay hawlgalkaas, waxeyna sheegeen inuu ahaa mid ka mid ah hawlgallada lagu suulinaayo argagixsada.

Dhinaca kale tuulada Kurtun ayaa xalay lagu toogtay xubin ka tirsan ururka Jameecada Reerbannaani oo isku taagay iney la dagaalamaan Al-Shabaab, inkastoo aan la helin qofka dilka geystay hadana shaqsiga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Beyxalaal Xaaji.

DF oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka

somali diplomatic pass

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda socdaalka jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta beri ah oo ku beegan 12-ka July 2020 dib loo bilaabi doono bixinta baasaboorka oo markii hore loo hakiyey, sababo la xiriira cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo ka dilaacay dalka.

Qoraalka ka soo baxaya hay’adda ayaa waxaa ugu horreyn lagu war-geliyey Ummadda Soomaaliyeed in beri oo Axad ah dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka, iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in xarun kasta ay qaabi doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray oo ah 50%.

Halkan hoose ka aqriso:

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

-Xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

Qoor-qoor oo khudbadiisa Shirka Dhuusamareeb ku sheegay mowqifkiisa doorashada

qoorqoor

Shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee xubnaka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Khudbadii ugu horreysay shirka waxaa qaatay madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kaas oo si guud u dulmaray ujeedkooyinka shirka uu leeyahay.

Qoor-Qoor wuxuu khudbadiisa ku sheegay iney la isugu yimid sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku imaata.

Madaxweynaha wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaqanka siyaasadeed ee dalka kaas oo sanadahii ugu dambeeyay afar sano walba ay ka dhaceysay doorasho, sidoo kalana gogosha ay dhigeen Dhuusamareeb ay tahay mid xambaarsan Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waxaa khdubadiisa ka mid aheyd iney Galmudug diyaar u tahay sidii ay umadda Soomaaliyeed isugu keeni lahayd.

Dagaal xoogan oo saaka Magaalada Gaalkacyo ku waabariisatay

Gaalkacyo

Inta la xaqiijiyay, hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyooday lix kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal xooggan oo saaka dib uga qarxay suuqa dhanka waqooyi ee Gagaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa daba socda iska hor-imaad xalay dhexmaray ciidamada Amniga Puntland oo hawlgal ku jiray iyo Koox ka ganacsatada Khamriga, iyadoo iska hor-imaadkii xalay laba ruux ku geeriyoodeen saddex kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ka bilowday weerar ay saaka Malayshiyaad hubaysan oo hab qabiil u abaabulan ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Puntland oo ku taalla suuqa dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Amniga Puntland.

Inkastoo haatan uu Dagaalka istaagay, haddana weli xog sugan lagama hayo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaas, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan guryo iyo xaruma ganacsi oo gubtay.

Somaliland oo shaacisay in R/W Kheyre uu ugu yaboohay madaxweynaha iyo caasimada

rw Kheyre

Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde ahna guddoomiyaha KMG ee xisbiga Waddani ayaa kafishay qorshe aan shaaca laga qaadin oo dowladda federaalka Soomaaliya la tagtay shirkii dhawaan Jabuuti kula yeelatay Somaliland, kaasoo miiska wada hadalka uu keenay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu miiska wada hadalka uu soo dhigay in Somaliland la siinayo xilka madaxweynaha iyo in caasimadda Soomaaliya noqoto magaalada Hargeysa.

“Maalintii dhawayd shirkii la isugu tagay jabuuti ra’iisul wasaare Khayre waxa uu la yimid shirka Somaliland waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimadda, haddee waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin markaa fikirka ay inaga haystaanba waa inaynu nahay dad la soo xaraysan karo oo ay isleeyihiin sidii ay barigii horeba iskaga yimaadeen maanta la soo xaraysan karo,” ayuu yiri Cabdulqaadir Jirde oo warbaahinta la hadlayay.

Jirde ayaa sidoo kale sheegay in midnimo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland aanay xalin karin xiligaan dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata. 

“Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaalla midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Cabdulqaadir Jihde.

“Somaliland lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso” ayuu intaa ku daray.

Ugu danbeyn Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimo lala galo Soomaaliya ay dhinacna faa’iido u lahayn, sida uu hadalka u dhigay, balse ay wanaagsan tahay in wax wada qabsi walaalnimo ay muhiim tahay.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday 1991-kii inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxay juhdi badan gelineysay sidii ay u heli laheyd aqoonsi dal madax bannaan oo dunida aqoonsan tahay, taasi oo aanay weli ku guuleysan.

Daawo: Qoor Qoor oo qado u sameeyey madax goboleedyada

Madax goboleed-2

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo marti geliyay shirweynaha madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa kulan qado sharaf ah iyo casiryo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Kulanka qadada ayaa waxaa barbar socday shir gaar ah oo ay ugu hadlayeen furitaanka shirka iyo ajandahiisa oo la isla gartay in beri uu si rasmi ah ugu dhaco magaalada Cadaado.

Maanta ayaa la filayay in shirka uu furmo balse dib u dhaciisa lagu sheegay go’aankii shalay golaha wasiirada kasoo baxay ee ku aaddanaa in aan la aqbali doonin dib u dhac doorasho iyo muddo kordhin ay sameystaan hay’addaha dastuuriga ah.

Aqalka cad ee Mareykanka oo taageeray xiriirka cusub ee Somaliland iyo Taiwan

Taiwan iyo somaliland

Guddiga ammaanka ee Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa taageero u muujiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee dhexmaray labada maamul ee Taiwan iyo Somaliland.

Taiwan oo aaminsan iney ka go’day Shiinaha balse aan wali helin aqoonsi caalami ah iyo Somaliland oo sidoo kale wali raadinaysa in la aqoonsado ayaa yeeshay xiriir diblomaasi, waxaana tallaabadaas ka hor yimid waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya.

Si kastaba Guddiga Amaanka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyay xiriirka la sheegay iney yeesheen Taiwan iyo Somaliland, waxeyna ku bogaadiyeen qoraal ay soo dhigeen barta twitter-ka.

“Farxad weyn ayaan u aragnaa in Taiwan ay wakhtigaan xoojineyso hawlgalkeeda bariga Africa kuna soo beegtay waqti baahida weyn ay jirtay, Taiwan waxaan la leenahay shuraako weyn ah xagga caafimaadka, waxbarashadda, kaalmada farsamada, iyo in kale ka badan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga NSC.

Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan ayaa ka dhawaajiyay iney xafiisyo is weydaarsan doonaan Somaliland, balse Shiinaha wuxuu wali aaminsan yahay in dhulkaan uu wali isaga ka mid yahay isla markaana ogolaan doonin kala qeybintiisa.

Shirka maamul goboleedyada oo berito magaalada Dhuusamareeb ka furmaya

qoorqoor iyo deni

Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka dhici doona kulamo kala gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda soo xaadirtay shirka ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada.

Shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaa berito oo sabti ah furmi doono, wuxuuna gogol xaar u yahay shirka Amniga Qaranka oo ay dowladda Federaalka horay ugu baaqday.

Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Internet-ka ku go’aamiyay iney Dhuusamareeb ku kulmaan 9-ka Luulyo oo shalay ku beegneed, balse in hogaamiyayaasha qaar ay soo gaari waayeen darteed ayuu dib u dhac ugu yimid.

Guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi oo BBC-da u warramay uu sheegay iney ku kalsoon yahiin 100%.

Si kastaba shirka berito ka furmaya Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yahiin: Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo dowladda Federaalka, arrimaha doorashada iyo sidoo kale arrinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay maamullada qaar diideen.

Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shirka golaha wasiirada oo xalay ka dhacay Internet-ka ku sheegay iney ku baaqayaan doorasho wakhtigeeda ku dhacda isla markaana laga fogaado muddo kororsi la tuhunsanaa iney waddo Villa Soomaaliya, waxaana xigtay warqad kasoo baxday madaxtooyada oo lagu sheegayo in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baaqa golaha Wasiirada soo dhaweynayo.

Inkastoo arintaas ay waxyar hoos u dhigeyso xiisaha shirka Dhuusamareeb ka furmaya berito oo la filayay iney arrimaha doorashooyinka go’aan iskood ah ka gaaraan hadana isha ayaa lagu wada hayaa waxa halkaas ka dhici doona iyo go’aamada kasoo bixi doona kaas oo go’aamin doona halka ay Soomaaliya u socdaali doonto bilaha soo aadan.

Mareykanka oo faah-faahin ka bixiyay duqeymo cirka ah oo ay bishaan ka geysteen Soomaaliya

AlShabaab drone

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ku faah-faahiyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysteen Soomaaliya isbuucaan.

Sida ku cad qoraalka ay soo saareen (Africom) waxey duqeymo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

9-kii bishaan ayey duqeymo cirka ah ka fuliyeen deegaanka Hantiwadaag oo 12Km u jirta Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose iyagoo garab weyn ka helaya sirdoonka Soomaaliya, waxeyna sheegeen iney la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka waxey sidoo kale ku sheegteen taliska iney burburiyeen xarun ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana dileen xubin muhiim u ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraalkaan ay soo saareen kusoo beegay xilli dowladda uu hogamiyo Trump lagu eedeeyay in duqeymaha cirka oo ay ka fuliyaan Soomaaliya ay dhibaato ugu geystaan mararka qaar dad shacab ah.

Mareykanka wuxuu qoraalkiisa ku daray iney sii taageeri doonaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inta laga takhalusayo dagaalyahanada Al-Shabaab eek u xoogan Koonfurta Soomaaliya.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY