Home Blog Page 586

Dalka Turkiga oo deg deg uga soo jawaabtay baaqii Madaxweyne Farmaajo

wasiirka arimaha dibada turkey

Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaradddi sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid tahay degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Hadalka hadda ka soo baxay Turkiga ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo xaaladdii ugu darneyd ee fatahaada ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan HirShabelle.

Shabaab oo gubay saldhig ay lahaayeen ciidanka Booliiska Kenya

alshabab somalia

Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Wajeer gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaal Al-Shabaab waxa ay la beegsatay saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Dadajabula oo koonfur ka xiga Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo looga adkaaday ciidankii Booliska ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiisay saldhigga oo guud ahaan burburay.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey sarkaalkan in ragga fuliyey weerarka ay dileen labo qof oo ku eedeysnaa in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ku xirnaa saldigga deegaanka Dadajabula oo ah meesha uu weerarku ka dhacay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weerarkaasi lagu dhaawacay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda Kenya.

Sida aan xogta ku helnay Al-Shabaab ayaa dooneysay inay xoog ku soo furato, islamarkaana ay soo badbaadiso xubna uga xirnaa saldhigga, balse ay ku dhinteen dabkii ay ku gubeen xaruntaasi ciidan.

Al-Shabaab oo sheegatay inay ka dambeysay weerarkan ayaanan weli shaacin khasaaraha, balse waxay sheegtay inuu jiro khasaare xoog leh, sida ay hadalka u dhigtay.

London: Maxaa derbi jiif ka dhigay hooyadan iyo wiilkeedan Soomaalida ah?

derbi jiif london somali

Sannadkii 2017-kii, nin qoraa ah oo madaxa bannaan oo lagu magacaabo, Tom de Castella, wuxuu ogaaday Hooyo iyo wiilkeeda oo ku nool kursi dheer oo ku dheggan waddo marta Koonfurta London.

Wuxuu ogaaday in xilligaas uu arkayay in laba sano ay meesha ku noolaayeen. Maxay tahay sababta uusan qofna u sameynin arrin lagu cawinayo? Maxay tahay sababta uu qof kasta u aqbalay sidan in ay caadi tahay? Markasta oo uu sii baarayba, waxay ku sii noqoneysay la yaab.

Wuxuu sheekada ku billaabay

Wax wayn oo ku duuban bacaha biyaha celiya oo dhalaalaya. Waxay fadhisaa bartamaha marinka dadka. Waxaan is weydiiyay, ma qalab muusiko oo duugoobay baa? Alaab reer loo keenay oo in la furo larabo miyaa?. Wax yar ka dib bacdii waxay bilowday in ay dhaqaaqdo, gacan ayaan bannaanka usoo baxday si ay bacda u furto, waxaana ka soo baxay nin iyo haweeney ku duuban bustayaal oo ku fadhiya kursi.

Waxay Afar sano ku noolayeen kursigan ku dheggan dhulka ee dadweynaha loogu talagalay ee waddo mashquul badan oo ka mid ah kuwa London.

Maalintii oo dhan halkaas ayey fadhinayaan iyagoo daawanaya sida dadka iyo gaadiidka isu dabamarayaan. Habeenkiina bacdaas ayey isku duubayaan, ka dibna way seexanayaan. Kusriga ayaa noqday gurigooda.

Markii ugu horreysay ee aan arkay, waxay ila noqotay musiibo kale oo sababtay kororka dadka guryo la’aanta ah, kuwaa oo shacabka ay deyriyeen. Balse markasta oo wax badan aad ka sii ogaato, sheekada way sii adkaaneysaa.

Haddaba Maxay yihiin?

Intii aan baritaanka waday, waxaan ogaaday dadka kursigan ku nool in ay yihiin hooyo iyo wiilkeeda oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Hooyadu waa 70 sano jir, wiilkana wuxuu ku jiraa da’da 30-meeyada in kastoo uu u muuqdo in uu ka weyn yahay.

Waxaa nasiibdarro ah in Golaha Deegaanka ay dadkan siiyeen dhowr guri. Dhammaan way diideen – xittaa iskuma aysan deyin in ay guri raadsadaan. In kursigan ay ku noolaadaan waxay u muuqataa in ay tahay nolol ay iyaga doorteen.

Kor meer uu sameeyay Maamulka Guud ee London iyo hay’adda St Mungo’s, waxay ku ogaadeen in 3,289 oo qof ay seexdeen jidadka London ugu yaraan hal mar, muddadii u dhexeysay October iyo December ee sannadkii la soo dhaafay, Waa tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu diiwaankan bilowday.

Balse rubuc ka mid ah dadka jidadka London seexda, waxay halkaas seexanayeen ugu yaraan laba sano oo xiriir ah.

Ma noqon kartaa in hooyadan iyo wiilkeeda, ee ku nool waddadan saxmadda badan, in qof kasta oo kale ee jidka ku nool ay iyagu yihiin kuwa ugu waqtiga dheer ee UK oo dhan?

Waxaan sameeyay hubin iyo inaan ogaado sheekadii hore ee labadan qof ee kursiga ku fadhiya. Muddo dhowr sano ah waxay ku noolaayeen guri uu leeyahay Golaha Deegaanka oo ku yaalla Battersea.

Balse ka dib markii uu dhintay qof ka mid ah qoyska, waxaa lagu yeeshay deyn badan oo kirada ah. Bishii February, 2014-kii, Golaha deegaanka ee Wandsworth ayaa xoog uga soo saaray gurigii ay ku noolaayeen.

Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in guri ku meelgaar ah la siiyay, maalintii laga soo saaray midkii ay ku noolaayeen, Laakiin hooyadan iyo wiilkeeda maba aysan tagin meeshii loo diyaariyay.

Qofna kuma baraarugsaneyn waxa xiga ee dhici karay.

Kursigii ugu horreeyay ee ay ku noolaayeen wuxuu yallay waddo dhowr boqol oo mitir u jirta meesha hadda ay joogaan.

Bishii December ee 2014-kii, waxaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu qabow ku dhacay – intii ay cisbitaalka ku jireen, Golaha Deegaanka wuxuu meesha ka qaaday kursigii ay ku dul seexan jireen, iyagoo sheegay inuu yahay mid ay “dib ugu soo noqon doonaan”.

Markii hooyada laga soo saaray cisbitaalka – wiilkeeda wuu ku sii jiray muddo dheer – Waxay toos u aaday kursigii, waxayna aragtay in meeshii uusan oolin.

Ka dib waxay u wareegeen kursi kale oo dadweyne oo ku dheggan Balham.

Bishii April 2015-kii, Hooyada iyo wiilkeeda waxay heleen kursi kale oo yaalla bannaanka madxafka Tooting. Halkaasna waa meesha ay ku noolaayeen.

Short presentational grey line

Waa galab, maalin shaqo, sacadduna waxay ahayd 2:15pm. Hooyada iyo wiilkeeda waxay isku duubayaan bacda, si ay u nastaan. Bas waddada ciriiri ku noqotay ayaa dhinacooda taagan. Qof kasta oo qeybta hoose ee baska saaran wuu daawanayaan. Waad arki kartaa la yaabka ka muuqda wejiyada dadkaas: “Kaas ma hoy baa? Dadkan ma halkan bay si dhab ah ugu nool yihiin?”

Man and woman living on a bench

Marka kor laga eego waxay la mid tahay in hooyadan iyo wiilkeda aysan la socon waxa hareerahooda ka dhacaya.

Wuxuu wiilka aalaba akhriyaa buug ama wuu shanleysanayaa. Hooyadana waxay eegtaa jidadka iyo dadka. Ficil ahaan, way adag tahay in la fahmo. Sidee buu kursigaa yar u qaaday laba qof in ay ku seexato? Iyagoo fadhiya miyey hurdaan? (Haa waa sidaa. Waxay ku tiirsadaan barkiimo, waxayna lugaha saartaan boorsooyiin.)

Xilliyada qabowga uu aadka u badan yahay, sidey isku kululeeyaan ama xilliga kuleylaha sidey isku qaboojiyaan? Buuqa ka warran? Waxaa jiro gawaari hoon yeerineysa, sawaxanka basaska iyo buuqa kale ee habeen iyo maalinba jira.

Sida ay ugu dulqaadanayaan waxay u muuqataa in ay la mid yihiin dad guri ku dhex nool ee aan degganeyn meel tallaabo u jirta halka ay dadka maran iyo waddada gawaarida.

Weligood ma aysan tuugsan. Maandooriyeyaal ma isticmaalaan, sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay. Cunto ama bustayaasha ay siiyaan dadka waddada maraya kama aqbalaan, balse way la sheekeystaan.

Waxay haystaan bustayaal badan iyo cunto iyo cabitaan diyaarsan oo yaalla dhankooda, kuwaas oo ay ka heleen maqaayadaha xaafadda. Waxay adeegsadaan musqusha madxafka ama kuwa maqaayadaha yaryar ee xaafadda. Sidoo kale, tagaasida ayaa si bilaash ah ku qaada.

Wiilka wuxuu xilli kasta aadaa masaajidka xaafadda oo uu ku soo tukada. Waxay caan ka noqdeen waddada Mitcham, iyagoo garab ka helaya bulshada deegaanka. Balse maxay ka dheheen khibraddoodan?

Waxay hayd dhammaadkii January, oo ahayd xilli aad u qabow. Xitaa afka qiiq ayaa ka soo baxayay. Qoraaga wuxuu sheegay in uu aad u xiiseynayay sidii uu ku ogaan laha sida ay qabowga ugu dulqaadanayaan.

Waxaa dhexmartay sheekadan:

Qoraaga: Hi, ma wacan tihiin? (way dhoolla caddeeyeen.) waxaan aamini la’ayahy in qabowga ba’an ay dhex fadhidaan. Habeenkii, sideed ugu adkeysataan?

Wiilka: Waa qabow. Mararka qaar waaba saa’id.

Qoraaga: Muddo intee la eg baad halkan ku nooleedeen?

Wiilka: Muddo dheer. sanado iyo sanado.

Qoraaga: Sanado iyo sanado. Sabab? Wargeyska waxaan ku arkay golaha oo dhahaya, waxaa la idiin siiyay guri balse adinku ma dooneysaa inaad halkan ka guurtaan.

Wiilka: Taas ma dhici karto.

Qoraaga: Sabab?

Wiilka: Kuuma sheegi karo… (Bas ayaa soo maray meesha, waana maqli waayay jawaabtiisa oo buuxda.)

Qoraaga: Ma waxaad jeceshihiin in guri aad ku noolaataan, mise kursigan?

Wiilka: halkan baan joogeynaa.

Qoraaga: Halkan miyaad joogeysaan?

Wiilka: Haa.

Qoraaga: Abid?

Wiilka: Ma ogi.

Qoraaga: Dhab ahaan?

Wiilka: Nasiib waan yeelan karnaa. (Inta kale ee jawaabtiisa waxaa qariyay sawaxanka gawaarida. Waxaana la yaab igu noqotay waxa uu ula jeedo.)

Qoraaga: Haddii Golaha deegaanka uu guri idiin siiyo, ma u guureysaan?

Wiilka: hadda kuuma sheegi karo taa, waan ka xumahay.

Markii sheekada ay halkaas mareysay, hooyada waxay bilowday in ay qososho, wiilkeedana wuu dhoolla caddeeyay. Way isu gudbiyeen, waxay ahayd arrin aan macquul ahayn – aniguna waan qoslay.

Waxaan dhihi karaa, xaaladdooda ayaan la yaabay, waana dareemi karaa in iyaguna ay la yaabeen su’aaleheyga, sida in jawaabohooda ay yihiin caadi, anigana aan diidanahay.

Waxaan u sheegay in xaaladdooda aan wax uga qorayo BBC-da. Wiilka wuxuu sheegay in uu garanayo BBC. Waxaan u sheegay in aan ka walwalsanahay in ay waddadan ku noolaadaan iyadoo qabowgan ba’an uu jiro.

Qoraaga: Dadka badankooda waxay ku jiraan gudaha dhismayaasha.

Wiilka: haa, Anaga guri kuma jirno.

Qoraaga: Ma rabtaan in aad ku seexataan sariir guri dhex taalla?

Wiilka: Guri waa in la kululeeyo, bannaankanna waa la mid.

Hooyada: Haa! si la mid ah! (Waxay xoojineysay hadalkiisa. Waa soo afjaridda xaaladda, waxay u muuqatay in sidaa ay ula jeeday. Meel kasta waa in la kululeeyo, macno ma sameyneyso in aad guri ku jirto ama bannaan joogto.)

Qoraaga: Waa dhibaato marka uusan derbi dhisneyn, kululeeyana uusan kuu xirneyn?

Hooyada: Haa! waa isku mid!

Waxaan isku deyay in macluumaad badan aan u helo sida ay tahay nolosha kursiga, balse wiilka ma dooneyn in uu wax badan ka dhoho arrinta. “Maya, aad baan uga xumahay,” ayuu yiri isagoo dhoolla caddeynaya. Waan weydiiyay in ay Soomaliya ka yimaadeen, wuxuuna iigu jawaabay ‘haa. Wuxuu sheegay in muddo fog ka hor ay ka soo tageen Soomaaliya.

Waxaan ku kala tagnay isu dhoolla caddeyn iyo ereyo fiican, laakiin mid kasta uu ku wareersan yahay su’aalaha iyo jawaabaha.

Ka dib dhowr goor oo aan la sheekeystay, waxaan is lahaa English-ka si fiican uma garanayaa. Hadda waxaan aamin sanahay in fahamkooda uusan dhib ahayn. Taa bedelkeeda wuxuu walwalka yahay in aysan garaneyn sidii ay xaaladdooda u fahmi lahayeen, iyo waxyabaha diyaarka u ah.

Waxay ii sheegeen in nolosha bannaanka iyo midda guryaha ay isku mid yihiin xilliga qaboobaha. Iyo in meel kasta ay qabow tahay xilligaas. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya guri iyo kursi? Yaa u baahan sariir? way adag tahay in taas lagu murmo. Ma ogyihiin in qaabka ay u nool yihiin uu halis ku yahay cafimadkooda, waa walwal kale.

Saacad ka dib waxaan tagay kafateeriyada Al Jazeera oo ku taalla Streatham, halkaas oo Soomaalida ay ku badan yihiin. Kooxo rag ah oo suudad xiran oo qoorta ay maryo u saaran yihiin ayaa meesha fadhiyay. Waxay cabayeen kafee iyo shaah rinji ah.

Waxaa la ii diray Cabdicasiis Xaashi, oo ah nin sheekadooda si wanaagsan u garanaya. Wuu u tagay hooyada iyo wiilkeeda, balse wey diideen in ay dhageystaan, sida uu sheegay.

Bulshada Soomaalida waxay dareemayaan in kiiskan uu dhibaato u geystay. Waxay si joogto ah ugu casuumeen in ay guryahooda kula noolaadaan laakiin, si la mid ah wixii ay la kulmeen Golaha Deegaanka, Hooyadan iyo wiilkeeda way diideen.

Waxaa la i tusay warbixin Af Soomaali ah oo laga sameeyay oo la geliyay YouTube-ka. Waxaa lagu wareystay bulshada Soomaalida ee xaafadda Tooting.

Mid ka mid ah haweenka lala hadlay waxay tiri: “Aad baan ula murugooday arrintan. Wax kasta waan isku deynay – way diiday in ay dhageysato taladeena.”

Nin dadkaas ka mid ahna wuxuu yiri: “Waa ceeb weyn. Haddii bulshada Soomaalida ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, way xallin karaan.”

Ninkii ila socday madaxa ayuu ruxay. Ma jiro wax badan oo bulshada Soomaalida ay sameyn karto, ayuu yiri. Wuxuu ka walaacsan yahay saameynta qaabka ay u nool yihiin ay ku yeelaneyso caafimaadka maskaxdooda. “Haddii aniga aan ahaan lahaa oo noloshan aan ku jiri lahaa, mar hore ayaan dhiman lahaa. Ma garanayo sida ay ku badbaadaan.”

Waxaan weydiiyay, waxa la sameyn karo. Si degdeg ah ayuu u jawaabay wuxuuna yiri: “”Waxay ahayd in halkan laga raro si bini-aadamnimo ah. Dadka way xanuunsan yihiin runtii.”

Short presentational grey line

Maxay tahay sababta uu qof guri la’aan ah u diidayo in meel uu ku hoydo la siiyo?

Waxaa suuragal ah in wax yaabaha loo soo bandhigay “aysan buuxin karin bahidooda” ayey tiri Hannah Gousy, maamulaha arrimaha sharciga ee hay’adda Crisis.

Waxaa suuragal ah in ay noloshan dhibka ah ka doorbidayaan in guri ay la wadaagaan qof kale oo suuragal ay tahay in walwal ay ku abuurto. Waxaa dhici karta in aysan aaminsaneyn dadka kale ee guri la’anta ah iyo hay’adaha u sheegaya in ay caawinayaan.

In meel ay iyagu leeyihiin ay helaanna, waxaa suuragal ah inay dhib ku noqoto kuwa soo dhoweynaya dad la qabsaday nolosha waddada.

Waa inaad lacagta korontada iyo kuwa kale bixisaa. Waa in bedelkooda aad hesho. Waa in aad u hoggaansanto shuruucda. Tallabada ugu fiican waa in marka hore aad guri dejiso, ayey ku dooday Gousy.

Man and woman living on a bench

Su’aal kale ayaa taagan oo ah, Hooyadan iyo wiilkeeda ma sharciga ayey jebinayaan? Qareenno ayaa ka jawaabay, waxa dhici kara haddii aan ku noolaado kursi waddada dhankeeda ku sameysan?

Gary Rycroft, oo ah sharci yaqaan ayaa yiri: Waa xadgudub haddii guri qof kale oo aan laguu fasixin ku noolaato.” Balse kursi dadweynaha ka dhexeeya, ma loo arki karaa hanti uu qof kale leeyahay? “Markasta waxaa jiro qof leh dhulka. Haddii uu kursi dheer ku sameysto qof kale, waa in uu dareemo in dhulkaas uu xaq u leeyahay. Dhulka ka dhexeeya dadweynaha, wuxuu noqon karaa mid uu maamulka deegaanka leeyahay ama qeyb ka ah waddo dadweyne.

Xeerarka hoyga. Lataliyahooda sharciga wuxuu yiri ma ahan”dembi ama ku xadgudub sharci in aad alaabtaada iyo qoyskaada geyso beer dadweyne ama kursi ku dhex yaalla. Sidoo kale in ad teendho ka dhisato waddada dhinaceeda ma ahan dembi laga galay Golaha Deegaanka – Waxaa dhici karta in uu jiro sharci gudaha ah oo taas mamnuuci kara”.

Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in xaasidnimo ay noqoneyso in qoyskan laga kexeeyo halkan. Hooyadan iyo wiilkeeda waxaa suuragl ah in si fudud ay u helaan kursi kale. Marka Golaha Deegaanka Wandsworth waxay raacayaan dhabaha dulqaadka in kastoo cashir ay ka barteen kursigii hore ee meeshii uu yaallay ay ka saareen.

Hadda waan ogahay in aysan dooneyn in meeshooda laga kexeeyo, aysanna dhib ku ahayn sharciga. Waxaa jirto su’aal kale oo ah, Ma awoodaan in go’an iyaga u wanagsan ay gaaraan?

Sida sharciga UK uu yahay, qofka maskaxdiisa ma shaqeyneyso haddii uusan raaci karin afartan arrin: Faham, xusuusasho, hadlid, iyo qiimeynta macluumaadka.

Waxaan la hadlay laba dhinac oo kala duwan. Waxay sheegeen in qoyskan aanan lagu arak wax halis ah oo la xiriira xanuun dhanka maskaxda ah. Kursigan dadweynaha ka dhexeeyana waxay u arkaan sida guri ay iyagu leyihiin.

Man and woman living on a bench

Golaha deegaanka ee Wandsworth warqad ay xoogaa ka dib soo direen waxay ku sheegeen in hooyada iyo wiilkeeda, “uu Goluhu siinayay meel ay degaan kuwaas oo la qalabeeyay, lana qurxiyay, oo ay ka mid tahay meeshii ay degganaan jireen, way diideen dhammaan xitaa iyagoo aan soo arag.”

“Dhowaan waxaan haynay guri iyaga loo diyaariyay, inagoo adeegsanayna kooxda arrimaha bulshada, waxaan isku deynay in aan ka dhaadhicino si ay u aqbalaan”.

Waa is-mari waa.

Short presentational grey line

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay wuxuu ahaa bishii February ee sannadkan. Hooyada way qosleysay iyadoo qoraxda fadhida, waxaana ka wada sheekeysanay cimilada wanaagsan.

Waxaan weydiiyay in ay nolosha halkan ku faraxsan tahay. Wax u eg diidmo ayaa buuxiyay wejigeeda. Dhib miyaan geysanayaa? ayey tiri, kumana aysan hadlin English. Ka dibna waan is macsalameynay.

Waxaan doonayay in xal loo helo waxa nolosha ah ee ay doonayaan, balse way sii adkaaneysay in la fahmo.

Waxay u muuqdaan in ay ku faraxsan yihiin nolosha kursigan. Dhaqankoodu ma ahan mid bulshada dhib ku ah, maamulkana way aqbaleen in halkooda ay deganaadaan, iyo wax kasta oo bulshada deegaanka ay u diyaariyaan in ay noqoto in si wanagsan loola dhaqmo, loo naxariisto, loona dulqaato.

Markii Golaha deegaanka uu meesha ka qaaday kursigii ay degganaayeen 2014-kii, waxay sheegeen in iyaga dartood ay u sameeyeen. Balse hadda waxay ogaadeen in midda ay doonayaan ay tahay in faraha looga qaado sida ay u nool yihiin. Waa xushmeynta go’aankooda.

Haddii hooyada ama wiilkeeda ay aad u xanuunsadaan ama ay dhintaan, waxaa dhab ah in bulshada ay isku eedeynayaan in waxba ay u qaban waayeen. laakiin hadda taas waxay ku kooban tahay dadka meesha ku cusub oo keli ah oo la yaabaya bacda buluugg ah ee ay ku hoos jiraan.

BBCSOMALI

Madaxweynaha Koofurgalbeed oo la kulmay Wakiil ka socda Qaramada Midoobay

laftagareen iyo Virginia Gamba de Potgieter

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Virginia Gamba oo booqasho ku timid dalka Soomaaliya ayaa kulankii ay la yeelatay Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaa ay ugaga hadleen sidii loo joojin lahaa askaraynta carruurta.

Haweeneydan Virginia Gamba ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay waxayna bogaadisay dedaalada Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed ee ku aaddan dib-u-habeynta ciidanka.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen, ayaa u sheegay wafdigii ay horkacaysay Virginia Gamba in maamulkiisu uusan raali ka ahayn in carruurta la askareeyo.

Virginia Gamba ayaa sheegtay in safarkooda Soomaaliya uu yahay sidii ay u ilaalin lahayeen Xuquuqda Caruurta iyo Haweenka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in kulanka muhiimadiisa uu ahaa sidii looga hortagi lahaa Al shabaab oo uu sheegay in ay Askareeyaan Caruurta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u direy Madaxweynaha Turkiga

farmaajo2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo Dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, isagoona uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen l shacabka Soomaaliyeed.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu gaaray heer aad u sarreeya oo ku dhisan is-aaminid, is-ixtiraamid iyo dhaqan qoto dheer oo saxiibtinimo oo ay leeyihiin labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan, shacabkiisa iyo Madaxda dalkaas caafimaad, farxad joogta ah iyo horumar waara

Maxaad ka ogtahay eeygii loo adeegsaday dilka Al Baqdaadi iyo Bin Laden?

eey k 9

Waxaa maalma kahor la dilay hogaamiyihii kooxda ISIS, Abubakr Al Baghdadi oo ay ciidamada Mareykanka ku weerareen deegaan ku yaala waqooyiga dalka Suuriya.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Al Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ku yaala, ka dib markii ciidamada ay gudaha usoo galeen gurigii uu deganaa. Al Baqdaadi ayaa horay u kaxeysaty saddex caruur ah oo dhintay markii uu is qarxiyay.

“Wuxuu tegay halkii ugu dambeesay ee godka, waxaana eryanayay eeyga, wuxuu qaraxiyay jaakadii uu xirnaa, waxaana halkaas sidoo kale ku dhintay saddexdii caruur iyo isaga, jirkiisa waxaa gogooyay qaraxa,” ayuu yiri Trump oo fahfaahinayay qaabkii uu u dhintay Al Baqdaadi.

Eeyga ka qeyb qaatay hawlgalka ee dhaawacmay ayaa ah nooc ka mid ah eeyda lagu magacaabo K-9, kaas oo markii uu dhaawacmay ay dib ula soo noqdeen ciidanka Mareykanka.

Muxuu yahay eeyga loo adeegsaday howlgalka?

Eeygan oo lagu magacaabo Cairo ayaa ah xayawaan u tababaran sida ciidamada kumaandoosta, wuxuuna awood u leeyahay in uu uriyo qaraxyada iyo waxyaabo kale.

Ciidamada Mareykanka ayaa eeygan u adeegsaday weerarkii ay ku dileen hogaamiyaha kooxda la baxday Khilafada Islaamka, Al Baqdaadi. Waa nooc ka mid ah eeyda loo adeegsaday hawlgalkii ciidanka Mareykanka ee loo yaqaano Belgian Malinois.

Ron Aiello, oo ah sarkaal hawlgab ah, horayna uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka, haatanna madax ka ah shirkad carbisa eeyda dagaalka loo adeegsado ayaa wargeyska the New York times u sheegay in K-9 ay yihiin laba nooc oo kala ah German shepherd iyo Belgian Malinois, kuwaas oo inta badan loo adeegsado hawlgalada ammaanka ee ay qaadaan ciidamada militariga.

.
Eeyadan noocan oo kale ah ayaa waxaa loo adeegsadaa hawlgalada ammaanka

Eeydan ayuu sheegay in ay yihiin kuwa awood u leh in ay uriyaan qaraxyada, kana qeyb qaadan karaan hawlgalada sida ciidanka kumaandoosta ah oo kale.

“Haddii ay ciidanka Mareykanka qaadayaan hawlgal, waxay u baahan yihiin eey urin kara qaraxyada, sidoo kalena wax iska dhicin kara.” Ayuu yiri Mr Aiello.

Eeyda noocan oo kale ah ayaa heysta tababar heer sare ah, waana kuwa fulin kara weerarro, sidoo kalena qofka ku dili kara daqiiqado.

Sanadihii dambe waxaa aad looga deyrinayay tirada eeyda u tababaran qaabka ciidamada gaarka ah, kuwaas oo la sheegay in ay aad u yar yihiin, si weynna loogu baahan yahay, maadaama dunida ay kusoo bateen weerarada ay qaadaan kooxaha lagu tilmaamo argagixisada.

Donald Trump ayaa ka hadlay eeyga loo adeegsaday howlgalka wuxuuna sheegay in ay qabtay “shaqo culus oo ah qabashada iyo dilka hoggamiyaha Abu Bakar Al Baqdaadi”.Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump

We have declassified a picture of the wonderful dog (name not declassified) that did such a GREAT JOB in capturing and killing the Leader of ISIS, Abu Bakr al-Baghdadi! pic.twitter.com/PDMx9nZWvw— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) 28 Bisha Tobnaad 2019

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Qiimaha mid ka mid ah eeyda noocan oo aan tababarneyn ayaa lagu sheegaa in uu ka badan yahay 25 kun oo doolar, waxaanna ku rakiban qalab militari oo kala duwan oo ay ka mid yihiin jaakado ka celiya biyaha, leyrarka iyo kaamerooyinka sahlaya in qofka hagayo uu la socdo hawlgalka ay sameynayaan.

Wargeyska The Bloomberg ayaa kusoo warramay in mid ka mid ah eeyda K-9 ee aad u tababaran, qalabkiisana uu u dhameystiran yahay uu qiimahiisa gaarayo 283 kun oo doolar.

.
Eeyga loo yaqaano Cairo

Eeydan ayuu Mr Aiello sheegay in marka si wanaagsan loo tababaro ay ban’iaadamka kaga wanaagsan yihiin xagga ammaanka ee urinta walxa qarxa iyo qalabka casriga ah ee loo farsameeyo in ay ogaadaan qaraxyada iyo waxyaabaha amni darrida keeni kara.

“Anagu ma sameyn karno waxa eeydaas ay sameynayaan”, ayuu yiri Aiello, oo 1966-dii qeyb ka ahaa askar Amerikaan ah oo la geeyay dalka Vietnam, kuwaas oo watay eeyda dagaalka.

Waxaa kale oo uu sheegay in eeydan ay sidoo kale u tababaran yihiin in ay badbaadiyaan nafsadda qofka ban’aadamka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu shaqo wanaagsan qabtay eeyga lagu magacaabo Cairo ee ka qeyb qaatay dilkii hogaamiyaha kooxda IS.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama oo hadlay bilo ka dib dilkii hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden, ayaa sheegay in uu doonayo in uu la kulmo eeygii ka qeyb galay hawlgalkii lagu dilay dilka Osama Bin Laden, kaas oo markii dambe uu la kulmay.

BBCSOMALI

Itoobiya oo buufineysa Ayaxii ku habsaday Dowlad Deegaanka Soomaalida

ayax

Wasaaradda beeraha ee dalka Itoobiya ayaa bilaawday howlgal lagu xakameynayo Ayaxa ku baahay qeybo kamid ah dalkaas kaas oo saameyn ku reebay beeraleyda, sida ay ku warrantay warbaahinta taabacsan dowladda ee Fana.

Ayaxan ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo duulay Bariga Dhexe gaar ahaan Yemen, waxaa uu baab’iyay dhul beereed ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida, gobolka Tegreega, gobolka Canfarta iyo Amxaarada.

Waxay dowladda Itoobiya u daabushay deegaanadaas dhowr baabuur oo ay saaran yihiin kooxaha wax buufiya iyo labo diyaaradood oo buufinaya Axaya la wareegay halkaas, sida uu sheegay wasiirka beeraha Itoobiya, Sani Redi.

Ayaxan ayaa ku faafay qeybo kamid ah dhulka Soomaalida, waxay shacabka walaac ka muujinayeen dhibaatooyinka uu ku reebay beerahooda iyo deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

baladweyne fatahaad

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ee ku sugnaa isaga barakaceen.

Tuulooyin ku dhow 10 Tuulo ayuu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne, sidoo kale xaafado ka tirsan degmada Mahadaay ayuu wabiga ku soo fatahay.

Guddoomiyaha Tuulada Buurfuule C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in illaa 300 oo qoys ay ku barakaceen fatahaada, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle in gurmad degdeg ah lala soo gaaro qoysaska ku barakacay fatahaada.

Waxaa laga cabsi qabaa in fatahaada wabiga ay goyso wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaddib markii daadadka ka dhashay fatahaada wabiga ay gaareen duleedyada magaalada Jowhar.

Fatahaadaha Wabiga Shabelle ayaa ka dambeeyay roobabka xilligan da’aya iyo wabiga oo biyo badan keenay, taasoo keentay inuu karkaarka jabsado oo uu ku fataho deegaanada uu maro oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Masjid ku yaalla Faransiiska oo weerar lagu qaaday

masjid france

Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay.

Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey nin 84 jir ah, qiyaastii 3:15 pm, waxaana uu masjidka rasaasta ku furay xilli ay dadka dukanayeen salaadda casar.

Labada qof ee weerarka lagu dhaawacay ayaa ahaa laba qof oo waayeel ah, kuwaasi oo loola cararay isbitalka magaalada Bayonne, waxaana la sheegay in dhaawacooda uu halis yahay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu xiriir la leeyahay kooxaha midigta-fog ee neceb muslimiinta iyo soo-galootiga.

Magacyada mas’uuliyiintii ku dhintay doontii ku degtay Beledweyne oo la shaaciyey

baladweyne fatahaad

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dooni saaka mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle kula degtay magaalada Beledweyne oo uu fatahaad ka geystay wabiga Shabelle ee mara halkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhacdadaasi ay ku dhinteen illaa todobo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad shacab ah.

Sidoo kale agaasime Kulmiye ayaa shaaciyey magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay shilkaasi, kuwaas oo kala ah, Dahabo Xasan Axmed  oo aheyd la-taliyaha dhinac haweenka ee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd gabar u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada.

Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne, Safiyo Xasan Sheekh Cali iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, walow la soo badbaadiyey labadaasi mas’uul.

Xaaladda ka jirta Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana saameyn daran ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka geystay gudaha magaaladaasi.

Fataahadan ayaa sidoo kale saameysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo gabi ahaan xirmay, taas oo uga sii dartay dhibaatada ka jirta halkaasi.

Dhowaan dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ayaa guddiyo ka tirsan labada dhinac u magacaabay gurmadka fataahadah ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY