Home Blog Page 636

RW Kheyre oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

kheyre soo degis

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  iyo wafdi uu hogaaminayay  ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii safar qaatay inkabadan bil uu ugu maqnaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole.

Mudadii uu booqashada ku joogay deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas.

Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu ku guuleystey in heshiis ay la gaarto dowlada federalka ah iyo ururka Ahlu Sunna, isla markaana ay dowladu la wareegto ciidamadii iyo hubkii ururka Ahlu Sunna, iyadoo boqolaal ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna ay ku biireen ciidamada dowlada federalka.

Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli maanta la sugayay in la keeno dalka meydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Daawo Qurbajoogta Garxejis ee UK oo taageeray Korneyl Caarre baaqyona u diray Beelaha kalena

gen caarre

Qurbajoogta Beelweynta Garxejis ee UK ayaa balanqaaday inay taageero hiil iyo hooba isla garab taagayaan Jamhadda Dulmi-diid ee uu hogaamiyo Korneyl Caarre, sidoo kalena baaqyo u diray Beelaha kalena Somaliland iyo Ciidamadda.

DAAWO:

Messi oo muddo 3-bilood ah laga ganaaxay kubadda cagta ee caalamiga ah

red card messi

Kabtanka kooxda qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa muudo 3 bilood ah laga mamanucay cayaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, ka dib markii Koobka Qaramada Ameerica uu ku tilmaay mid musuqmaasuq daashaday.

Weeraryahankan Barcelona u dheela ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay balse Messi ayaa markii dambe yiri ” koobka Brazil ayaa iska leh”

32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay ku ganaaxeen lacag dhan 50 oo doolar.

Messi ayaa haatan haysta toddobo maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo go’aanka looga mamnuucayo cayaaraha.

Mamnuuciiddan ayaa waxay sababaysaa in Messi uusan ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la dheeli doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kulamadaasi oo la cayaari doono bilaha September iyo October.

Ka dib kulankii nus-dhamaadka ee Brazil 2-0 kaga badisay Argentina, ayay Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina ka anadacoodeen khaladaad dhanka garsoorka ah.

Balse baaritaan ka dib ayaa la sheegay in eedeymahaasi su’aasha galiyay sharfta Koobka Qaramada America ay yihiin waxaba kama jiraan.

Ka dib markii Messi uu daqiiqaddii 37-aad la siiyay kaarka casaanka ah ayuu yiri:

“Ma ahan in aanu ka sii mid ahaano musuq-maasuqan, waxay inoo muujiyeen xushmad darro intii uu tartankaan socday”.

“Waa nasiib darro, musuqmaasuq iyo garsooreyaasha in ay dadka ay u ogolaan waayaan in ay raaxaystaan kubadda cagta”, ayuu yiri Messi.

Daawo Xukuumadda Muuse oo si weyn uga damqatay hadalkii Gudoomiye Cirro

maxamed muuse diiriye wwsl

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si weyn uga damqatay dhaliilo uu u jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Daawo:

Trump oo ka laabtay ninkii uu u xushay agaasimaha sirdoonka Maraykanka

trump john ratcliffe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula laabtay musharraxii uu doonayay in loo anxisiyo jagada agaasimaha sirdoonka qaran ee dalkaasi, John Ratcliffe, kadib markii lagu dhaliilay in ninkaasi aanu u qalmin xilkaasi.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu u sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono “mid dhib badan” maadaama ay warbaahintu si xun uga hadashay mudanahaasi Congress-ka ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas.

Mr Ratcliffe oo u mahadceliyay madaxweynaha ayaa sheegay inaanu dooneyn in shaqadaasi ay noqoto “mid siyaasadeysan oo ay xisbiyada isku qabsadaan”.

Dadka diiddan Mr Ratcliffe ayaa ku eedeeyay inuu ka been sheegay aqoonta uu u leeyahay arimaha sirdoonka.

Mar uu weriyayaasha kula hadlayay dibedda aqalka cad, ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in Mr Ratcliffe ay “warbaahintu si xun ula dhaqantay” uuna rumaysan yahay in mudanaha uu qaatay go’aan sax ah.

Trump ayaa intaa ku daray in warbaahinta ay “qeyb ka tahay hannaanka hubinta” musharraxiinta, waxaana uu weriyayaashii goobta joogay ku yiri “inta badan shaqo wanaagsan ayaad qabataan”.

Agaasimaha qaran ee sirdoonka ayaa waxaa magacaaba madaxweynaha, balse waxaa ansixintiisa leh golaha senate-ka.

Jagadan ayaa la sameeyay kadib weerarradii 11-kii September 2001, waxaana uu agaasimaha madax u yahay 16-ka hay’adood ee uu ka kooban yahay sirdoonka Maraykanka.

Siyaasadda iyo agaasimaha sirdoonka qaran

Hawsha sirdoonka ayaa dalka Maraykanka ka ah mid aan ku xirneyn feker siyaasadeed, balse waxaa laf dhabar u ah dhexdhexaadnimada iyo u adeegidda danaha qaran.

Tusaale ahaan, Dan Coats oo ah agaasimaha xilka wareejinaya ayaa afkaartiisa siyaasadeed waxa ay u janjeertaa dhanka xisbiga jamhuuriga, balse taasi saamayn kuma yeelan hawshiisa ka hor inta aanu xilka qaban madaxweyne Trump.

Madaxweynaha ayaa doonayay inuu John Ratcliffe u magacaabo xilka uu banaynayo Coats, maadaama uu daacad u yahay. Hadda waxa uu raadinayaa qof cusub oo uu xilkaa u dhiibi karo, taasoo walaac ku haysa xubnaha sirdoonka Maraykanka.

Shaqaalaha sirdoonka Maraykanka ayaa isu arka kuwa aan xogtooda cidna ugu eexan, mar kastana runta ka sheega waxa taagan.

Daawo Gudoomiye Cirro oo shalay si adag u weeraray Madaxweyne Muuse Biixi

cirro8

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxaan Cirro ayaa shalay warsaxaafadeed uu Hargeysa ku qabtay si adag ugu Madaxweynaha daxweyne Muuse Biixi.

DAAWO HADALKII CIRRO:

Ciidamada DF Somalia oo la wareegay ammaanka Dhuusomareeb

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wadajir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa munaasabadda ka caddeeyay in maanta laga bilaabo si guud ciidamada dowladda federaalka ay mas’uul uga yihiin ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa fulinta Galmudug,  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka qaadatay guusha la gaaray ayaa ku bogaadiyay ciidamada amniga in ay ka shaqeeyaan ka guul gaaridda mas’uuliyadda xooggan ee dusha laga saaray,  isaga oo ballan qaaday in si buuxda ay ula shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa arrinta ku tilmaamay guul kale oo taariikhi ah oo lagu dhammeystirayo dib u yagleelidda maamulka Galmudug, waxa uuna ballan qaaday in xildhibaannada deegaanku ay qayb ka qaataan ka guul gaaridda dib-u-heshiisiinta

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabadaha shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa madasha ka sheegay in guddigu ku faraxsanyihiin guushaan taariikhiga ah ee laga gaaray dhammeynta shakigii bulshada Galmudug ay muujinayeen ammaanka Dhuusamareeb, waxa uuna uga baaqay reer Galmudug dhammaan in ay shir-weynaha kasoo qeyb galaan oo ay aayahooda ka tashadaan.

AKHRISO: KHUDBADDII MADAXWEYNE DENI KA JEEDIYAY MUNAASABADDA 1-DA AGOOSTO

siciid deni 182019

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda Federaalka
Guddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland
Golayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer Puntland
Madaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland,
Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida,
Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradaha
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka,
Isimadda, cuqaasha iyo culimada
Haweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Mudanayaal iyo Murwooyin,

Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU.

Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii.

Waxaa sharaf noo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad
guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland.
Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha
badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan
dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta
horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada. Waxaan
bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen
waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan
halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid
tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul
wanaag iyo sarraynta sharciga.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa aasaasayaashii Puntlnad; isimo,
siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo qurbojoog ba
intooda nool waxaan u rajayanyaa cimri dheer iyo cibaado suuban,
intoodii dhimatayna janno iyo naxariis ALLE.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddiga qabanqaabada xuska
sannadguurada 21aad oo runtii hawl adag qabtay, dhammaan shacabkii,
ciidankii iyo shaqaalihii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen
fardooleyda, ubaxa Punland, haweenka, xaafadaha, walaalaha Puntlnad,
ardayda, dhalinyarada, shaqaalaha caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, shirkadaha korontada, dabdamiska, ciidamada, taraafikada, asluubta, booliiska, difaaca xeebaha, ciidamada difaaca Puntland qaybahoda kala duwan sida daraawiishta, cigaaleyda, kumaandoosta iyo gaadiidka gaashaaman dowrkii waynaa ee ay kaga qayb qaateen damaashaadkii saaka kasoo bilowda bartamaha Magaaladda Garoowe, dhamaan dadweynaha reer Putnland ee ku
damaashaadaya gudaha iyo daafaha dunidaba, iyo dhamaan walaalaha
meelaha fogfog dalka guduhiisa iyo dibaddiisaba inoo ka yimid si ay
xuskaan inoo kala qayb galaan. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye K/X aqalka sare iyo
wafdiyadii la socday.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu
horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la
ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray
kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed
heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da
Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Haddii aan dib u milicsano geedi socodka dowladnimo ee Puntland
waxay inoo sawireysaa taariikh horumar iyo taariikh dowladnimo la
taaban karo. Tusaale ahaan 1998kii Puntland waxaa ka jirey 28 Iskuul
oo lagu kala dhigo dhowr iyo toban manaahij oo kala duduwan. Maanta
waxaa Puntland ka jira illaa 1,000 school oo dhammaantood ku
shaqeeya hal Manhaj oo midaysan.

Ardeyda ka qallin jebisa dugsiyada sare waxaa u diyaarsan oo ay kala
doordoortaan 13 Jaamacadood oo dhamaantood la aasaasey 20-kii
sanno ee la soo dhaafey. Waxaa sidoo kale Puntland ku soo kordhey 23
cisbitaal iyo dhowr-kun oo xarumo caafimaad oo loogu adeego bulshada
oo dhan. Waxyaalaha la taaban karo oo adeegyadaas ka dhashey waa
arin aad u farxad gelineysa dadka Soomaaliyeed oo dhan. 3% oo keliya
ayaa laga tallaali jirey cuduradda dilaaga ah caruurta ku dhalata
Puntland 1998-dii. Waa Ilaahay mahadiis ah in maanta la tallaalo 87%
caruurta ku dhalata Puntland waxaana idiin ballanqaadayaa in aanan ka
seexan doonin kor uqaadista horumarka Puntland oo ay Dowladeydu
nasiib u yeelatay in 21 Sano kabacdi aan hoggaanka u qabano
Puntlandta Maanta, una gaarsiino Puntlandta aan dhammaanteed wada
higsanayno.

Walaalayaal, waxaana guulahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo
badan ku gaarney wadajirka, iskutashiga iyo wadashaqaynta dowladda
iyo shacabka reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Dowladda Puntland ee aan hoogaanka u hayaa waxay leedahay yoolal
waaweyn oo ay tahay ineynu gaarno 4ta sano iyo dhowrka bilood ee soo
socota haddii Allaah idmo. Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad
aan siinay waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay
dowladda Puntland kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay
ugu horreyso ciribtirka Argagixisada, iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo
berriba. Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo
boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta
iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista
aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda.

Waxaa ka mid ah yoolasha aan higsanayno kobcinta dhaqaalaha gaar
ahaan dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muddadii
yarayd ee an joognay shaqooyin fiican nooga qabsoomeen annaga oo
qorshaynayna in waqti dhow ay bilaabaan mashaariic waawayn oo
iskugu jira dhisme iyo dayactir waddooyin halbowle ah, ballaarintii

Dekedda Boosaaso, dhismaha dekedda Garacad, Marsooyin laga
hirgaliyo magaalooyinka xeebaha ah, dhismaha Airport ka Gaalkacyo iyo
mashaariic kale oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha Puntlnad.
Waxay dowladdu xoogga saaraysaa sidii ay u horumarin lahayd
ganacsiga iyo maalgashiga gudaha iyo dibada. Waxaan umadda
Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu bishaareynayaa in ay Puntland u
furan tahay maalgashi iyo kala faa’iideysiga. Iyadoo taa la taabagelinayo
ayaanu qabanaynaa shirweynaha maalgashiga Puntland oo
dhici doona bartama Bisha Sibtembar ee foodda inagu soo haysa.
Mudanayaal iyo Murwooyin;

Waxaa kale oo ka mid ah Yoolasha aan taabbagelinayno adkayntla
midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland. Puntland waxaa
aasaastay shacabka walaalaha ah ee goboladii 5 ahaa iyo degmaada
Buuhoodle, maanta 21 sano ka dib waxay noqdeen 9 gobol oo
dhamaantood uu ka hanaqaaday hannaanka dawladnimu uuna gaaray
adeegyada kala duwan ee bulshada. Waa xaqiiq in gaabis iyo
isudheelitirnan la’aan dhinaca horumarinta ah ay jirtaan sabab kasta
hakeentee, dawladda aan madaxda ka ahay waxaan ballanqaadnay kuna
shaqo bilownay inaan caddaalad iyo sinnaan ugu adeegno dhamaan

bulshada reer Puntland gobol iyo degmo kasta ha joogeene. Si gooni ah
waxaan xoogga saarnaynaa in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan
difaac, daryeel iyo horumar dhaqaale iyo arrimaha bulshada. Waxaan
hirgalindoonaa hindise hormarineed oo ku aaddan Gobolada Sool,
Sanaag iyo Cayn si bulshada goboladaasi u helaan horumarka ay
mudanyihiin. Waxaan sidoo kale caawa halkaan idiin ka sheegayaa in
Magaaladda taariikhiga ah ee Taleex iyo Caasimadda Puntlnad aan
sannadkaan inta uusan dhamaan la daahfuridoono dhismaha waddo
isku xirta labadaas magaalo, iyadoo dhinaca kalana la daahfuridoono
waddo kale oo isku xiridoonta degmada Boocame iyo laamiga Garowe-
Laascaanood.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku
taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga
gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo
Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo
madaxda heerarka kala duwan ee maamulka. Inkastoo dadaal farabadan
lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin. Si aan korna ugu
qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, Waxaan gaarsiin

doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo
baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo
cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka
dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda.
Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono
Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan
gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa
dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad
badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku
dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doorto.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaa mandaqada Puntland ka soo jeeda geesiyaal badan oo u soo
halgamay naftoodana u huray u dagaalanka xorriyadda, dhismaha
qaranka iyo adkaynta midnimada Soomaaliyeed. Taasi waxay ka
turjumaysaa hadafyadii loo asaasay Puntland oo ay ka mid ahayd
ilaalinta wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Welina
taas ayey Puntland u taagan tahay.

Nasiib darro, dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii waxay keeneen in
la kala irdhoobo lana kala aamin baxo iyadoo dalkuuu ahaa hal magaalo9
ka-noool, markii ay duntayna dalkii oo dhan baa dumay, dhaqaalahiisii,
kaabayaashiisii iyo dowladnimadiisiiba Hadaba si taas xal loogu helo
waxaa mar kale la baadigoobay dowladnimadii Soomaaliyeed iyadoo
Puntland ay hormuud u ahayd hoggaan iyo shacabba. Waxaa xal loo
arkay in markaan lagu dhiso nidaamka Federaalka ah, maadaama lagu
guuldaraystay nidaamkii urursanaa. Maanta waxaa inoo dhisan
Caasimasdeenii Muqdisho oo kasoo kabanaysa lana soo laabanaysa
bilicdeedii si kasta oo nabad diidku u wiiqaan, Ceerigaabo, Boosaaso,
Laascaanood, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Beletweyn, Jowhar,
Baydhabo, Marka, Baraawe, Kismaayo, Baran, Garbahaaray, Hargeisa,
Borame iyo kuwo kale oo badan. Sidaasi awgeed waa in aynu fursad iyo
dadaalba gelinaa sidii si hufan loogu hirgelin lahaa loona horumarin
lahaa nidaamka federaalka aynu isku afgaranay.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Waxaan diyaar u nahay in aan qaadano doorkii hormuudnimo ee
bulshada ku dhaqan Puntland ka qaateen helitaanka xoriyadda iyo
midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaan marwalba diyaar u nahay in
aan kaalin mug leh ka noqono dib u dhiska dowladnimada

Soomaaliyeed, taas oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah, sarraynta
sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo
dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo
ah in la baalmaray hannaankii gindhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay
ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga
dhaqaalaha magaca Soomaaliya laguhelo, awood qaybsiga siyaaaadeed
iyo hannaanka dimoqoraadiga ah.

Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin
iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu
u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda
dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi,
walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha
dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii
soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in
dhibi gaarto.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Dhinace kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna
bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney
ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed .

Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo
mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey
nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay
falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga
jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii
dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan
waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee
Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku
dhaawacmeen, waxaan naxariis ALLE u waydiinaynaa intii dhimatay,
waxaana utacsiyeynaynaa ehelkood, caafimaad buuxa ayaana u
rajaynaynaa dadkii ku dhaawacmay.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka ah ee
Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan arrimaha masiiriga ah sida
dhamaystirka dastuurka oo waqti aad u dheer qaatay, amniga iyo
dhismaha cudud ciidan oo astaan qaran soomaaliyeed leh, hagaajinta
wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda
federaalka, wadashaqayntaas oo ku dhisan sharci, is-ixtiraam, faragelin
la’aan iyo wadatashi. Waxaan ugu baaqayaa inay ka daayaan faragelinta
arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Dhismaha Maamulada dalka waxaa laga soo maray dadaalo aad u dheer waxaana galay maskax iyo muruq badan, maanta uma baahna wiiqis iyo faragelin huwan Olole siyaasadeed ee waxay u baahanyihiin in laga taageero
baahidooda wixii ay ku filanyihiina lagu xurmeeyo.

Waxaan leeyahay haloo daayo dadka reer Jubbaland iyo Galmudug inay iyagu
go’aansadaan cidda talada ay u dhiibanayaan.

Mudanayaal: Gudoomiye iyo guddoomiye ku-igeen (Dowladda
Federaalka),

Waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ay labada aqal ee baarlamaanka
federaalka ah ka sugayaan dhameytirka iyo ilaalinta dastuurkii lagu
heshiiyey. Dhammaanteen waajib ayaa inaga saarran ilaalinta
sharciyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u
nahay in aan idin kaala shaqeyno dhameystirka dastuurka iyo sidii loo
heli lahaa hannaan hufan oo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah
sanadka 2020. Dhinaca kale, Mudane Guddoomiye, waxaan kaaga
mahadcelinaynaa kuguna bogaadinaynaa mawqifka hoggaanka
baarlamaanka federaalku ka qaatay samaynta sharci doorasho oo loo
dhanyahay. Waxaan xusid mudan inaan arrintaas muddo codsanaynay,
maantase baarlamaanku qaaday go’aankii ku haboonaa. Waxaan la
wadaagidoonaa talada aan hayno guddiga aad magacawday, sida aad
sheegtayna waxay wadatashi ugu imaandoonaan maamuladda dalka ka
jira. Waa muhiim doorasho xalaal ahi ku dhacdo waqtigii loogu talo
galay.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba inaynu
ka wada shaqayno dowladnimadeena, wadajirkeena iyo midnimadeena.
Waxaan ku soo gunaandayaa hadaylkayga Soomaali waa Soomaali,
Soomaliyana Soomaali baa leh.

Soomaaliya ha noolaato
Puntland ha noolato
Soomaaliyana ha is raacdo.
Waad mahadsantihiin dhamaantiin.

Sucuudiga oo haweenka u fasaxay inay safri karaan muxrim la,aan

rima bint bandar al saud

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah.

Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.

Sharciga waxaa uu haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada dhalashada carruurta, waraqadda guurka.

Waxay arrintani fursad u siineysa haweenka Sucuudiga inay shaqeysan karaan, sida ku xusan sharciga “Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga waxay xaq u leeyihiin inay shaqeysan karaan iyagoo wax gacan-bidxeyn ah aan la kulmin gaar ahaan in wax dhibaato ah loo geysan karin naafada, jinsiyadaha kala duwan ama da’da qofka.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas sannadka 2030-ka kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka.

Raisal wasaare Abiy: dhacadadi 22-kii June waxay ahayd mid khatarteeda leh

ethiopia R AbiyAhmed

a’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka jawaabay su’aala la xidhiidha afgambigii dhicisoobay, doorashada soo socota iyo arrima la xidhiidha xuquuqda aadanaha.

Ra’sal wasaare Abiy wuxuu sheegay “dadka fududeysanayo qulqulatooyinka dalka Itoobiya ka dhacay 22-kii June iney saxaan, wuxuuna intaa ku daray afgambiga xilligaasi dalka ka dhacay haddii ay dowladda si degdeg ah gacanta ugu dhagi lahayn waxay dalka oo dhan u horseedi lahayd khatar aad u weyn.”

Mar wax laga weydiiyey xaaladda askariga looga shakisan yahay inuu dilay abaanduulaha ciidamada Jeneraal Sacare Makonnin wuxuu sheegay “in askarigaasi dhuunta uu dhaawac ka soo gaaray oo haatan isbitaal lagu dabiibayo, dhaawaca soo gaaray dartii maadaamaa uu u hadli karin xogti isaga laga heli lahaa weli lagama helin”.

“Hase yeeshee, shaqsiyagan looga shakiyey dilka jeneraalka shaqsiyaadka uu taleefanka kula xiriirayey dowladda gacanta ayey ku soo dhagtay xog badanna waa ay ka heshay” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray “iney helaan xog intaa dheer oo ku saabsan in la doonayey in jeneraallo kale la khaarijiyo”.

Ra’isal wasaaraha su’aalaha la weydiyey waxaa ka mid ah dowladda wixi ka dambeeyey dhacdadi 22-kii June 2019-ka dowladda waxaa lagu eedeeyaa iney cadaadis xooggan ay saartay cabburinta? wuxuu ku jawaabay arrintaasi run ma aha dowladda ma dooneyso iney cadaadiso warbaahinta, weliba waxay dowladda dib u furtay warbahinta kala duduwan oo ay horay dowladda u xirtay.

Arrinta ku saabsan adeegga Interneetka.

Su’aalaha Ra’isal wasaaraha la weydiiyey waxaa ka mid ah markasta oo ay qayb dalka ka mid ah dhibaata amni darro ka dhacdo adeegga interneetka maxaa loo jaraa?

Ra’isal wasaaraha oo su’aashaasi ka jawaabayo wuxuu yiri, “dalka Itoobiya ma ahn inaan marwalba barbar dhigno waddamada horumaray, waddamada horumaray interneetka uma adeegsadaan in lagu gudbiyo farriimo qowmiyado ama qabiilo la isaga horkeenayo, waddamada horumaray interneetka waxaa loo isticmaalaa waxyaabo wanaagsan, marka haddii aan u aragno interneetka oo la jaro in naf iyo maal lagu badbaadin karo jaritaan mudda gaaban ma ahe haddii loo baahdo ilaa abid waan jareynaa” ayuu yiri.

Arrimaha ku saabsan xuquuqda aadanaha

Ra’sal wasaare Dr Abiy su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah, wakhtiyada ugu dambeeyey dowladda waxaa lagu cambaareeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, marka mowqifka arrintaa ay ka qabtay xukumaddaada maxaa iska beddelay? wuxuu ra’sal wasaaraha uu ku jawabay, “waxaan idiin sheegayaa inuu jirin qof ku xiran guri mugdi ah, dadku lama garaco, ciddiyaha lagama siibo, marka mowqifka xuquuqda aadanah ay xukumaddaydu ka aaminsan tahay xuquuqda aadanaha waxba iska beddelin, balse waxaan dooneynaa inaan nidaamka dimuqraadiyadda dalka si buuxda uga hirgelinno”.

Arrimaha ku saabsan xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritera

Ra’isal wasaaraha oo sheegay iney Itoobiya xiriir wanaagsan la yeelatay Eritrea, wuxuu sheegay iney dowladda Eritrea iyo shacabka Eritrea ay doonayaan iney wada shaqeyn la yeeshaan dowladda iyo shacabka Itoobiya.

Wuxuuna Ra’isal wasaaraha carrabka ku dhuftay in kasta oo ay labada dal xiriirkooda cusbooneysiiyeen, haddana arrima badan oo aan wanaagsaneyn oo dhaqanka iyo dhaqaalaha la xiriiro iney dhaceen ma qarin. Waxaanna hadda ka shaqeyn haynaa ayuu yiri sidii aan xiriirka labada dal u wanaajin lahayn taasoo laga yaabo iney wakhti qaadato.

Arrimaha ku saabsan codsiga ismaamul ee qowmiyadda Sidaama

Ra’isal wasaare Abiy Axmed mar wax laga weydiiyey arrinta la xiriirto codsiga ismaamulka ee qowmiyadda Sidaama wuxuu yiri, Shacab kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xuquuaha siyaasadeed uu leeyahay, codsiyada la xiriiro in ismaamul gaar ah in la noqdo xuquuqda siyasadeed ka sokoow waxaa jira arrima badan oo u baahan in laga shaqeeyo sida hanti qaybsiga, sharciyada iwm, si waafaqsan jadwalka uu dajiyey guddiga doorashooyinkana waxaa la qabanyaa afti shacab.

Arrinta ku saabsan dagaalka afka ah ee u dhaxeeya xibiyada ADP iyo TPLF

Ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay “dagaalka afka ah ee maalmahan dhexmaraya xisbiyada ADP ee Amxaarada iyo Xisbiga TPLF ee Tigreega marka xagga siyaasadda laga eego waa wax dhici karo, labada xisbina waxay si wada jir ugu soo wada halagameen sidi shacabku xaqiisa u heli lahaa.”

“Labada xisbi oo danaha shacabka u soo wada halgamay kana soo wada shaqeeyey iney mudda kaddib arrima noocan dhex maraanna waa wax dhici karo” ayuu yri.

“Waxaana la diyaarinayaa madal ay labada xisbi ee ka wada tirsan xisbul xaakimka dalka Itoobiya ee EPRDF ay kaga wadahadlaan khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY