Home Blog Page 653

Maxaad ka taqaanaa haweeneyda xijaaban ee madaxweynaha ka ah dal ay muslimiintu ku yar yihiin?

Taariikhda dalka Singapore waxaa marki ugu horreysay madaxweyne ka noqotay haweeney muslim ah, sida laga soo xigtay wargayska Huffpost.

Xalima Yacquub, waa haweenay Muslim ah oo xirato xijaabka ayaa noqonaysa madaxweynihii Sideedaad ee dalka Singapore.

Xaliima ayaa ahayd musharaxa kaliye ee buuxiyey shuruudaha qofka xilka qabanaya xilka madaxtinimo lixda sanno ee soo socota.

Doorashadan ayaa gaar ahaan waxa isugu soo haray musharixiin ka soo jeeda qaybaha bulshada ee laga tiro badan yahay.

Qowmiyadda Malay ee ay ka soo jeeddo Xalima ayaa ah 13% boqolkiiba marka la barbardhigo shacabka dalka oo gaaraya 3.9 milyan.

Xalima waxay si rasmi ah ku noqoneysaa madaxweynaha iyada oo aanan doorasho la qaban, arrintaasi oo muran badan ka dhex abuurtay bulshada dhexdeeda.

” Waxaan kaliye balanqaadayaa inaan sameyn doono wax walba oo bulshada u wanaagsan taasina ma badelayso inay doorasho dhacdo ama aysan dhicin,” Xalima ayaa tiri, sida lagu xusay wargeyska Channel News Asia.

Halimah Yacob

Waa Tumaa Xaliima Yacquub?

Xaliima Yacquub oo hadda ah madaxweynaha dalka Singapore waxay dhalatay 23-ka August 1954-kii. Horayna waxay uga soo tirsaneyd xisbiga APP.

Iyada oo soo qabatay xilalka ay ka mid yihiin guddomiyaha baarlamaanka dalka Singapore inta u dhaxeysay 2013-2017.

2001-2015-kiina waxay ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi iyada oo mataleysay goob doorashada Jurong.

Haddaba Xaliima 7-da bisha Augsut 2017-dii waxay iska casishay xilki guddoomiyaha baarlamaanka, xildhibaannimadii iyo xubinnimadi xisbiga PAP, si ay isugu soo taagto doorashada madaxweynanimada dalka Singapore ee dhaceysay 2017-kii.

Doorashadi madaxweynanimadana Xaliima Yacquub wey ku guuleysatay waxaana loo dhaariyey xilki madaxweynanimada isla sanadki 2017-kii.

Waaliddiinta Xaliima, aabaheed wuxuu ka soo jeedo Muslimiinta Hindiya halka hooyadeedna ay ka soo jeeddo Malay.

Haweenaydan oo ah 63 jir ayaa ah Guri-dambeys qoys ka kooban shan qof, waxa la sheegay inay hooyadood ay soo korisay aabo la’aan.

Aabbaheed oo ahaa waardiye wuxuu u dhintay wadna xanuun iyada oo 8 jir ah, kaddib iyada iyo afar carruur ah ay wada dhasheen waxaa rajanima ku soo korisay hooyadeed.

Noolasha qoyskooda oo aad u adkaa awgeed waxay Xaliima suuqa ku iibin jirtay bariis si ay hooyadeed iyo carruurta ka yaryar ay u gacan qabato.

Dugsiga hoose ee waxbarashada waxay ku soo qaadatay dugsiga Singapore Chinese Girls School, dugsi sarana waxay kaga baxday Tanjong Katong girls, waxbarashadeeda sarana waxay ku soo qaadatay jaamacadda Singapore iyada oo baratay culuunta Sharciga shahaadada koobaad iyo tan labaadba ka qaadatay.

Inta ay siyaasadda ku biirinna waxay ku soo shaqeyn jirtay sharci yaqaan, 1992 waxay agaasime ka noqotay machadka daraasaadka arrimaha shaqalaha Singapore.

Xaliimo waxay guursatay oo ay shan carruur ah u dhashay Mohammed Abdullah Alhabshee oo Malay iyo Carab iska dhal ah.

Dalka Singapore, ra’iisul wasaaraha ayaa ah qofka ugu awooda badan dalka, madaxweynaha awood sidaas u weyn ma lahan, hase yeeshee waxa uu leeyahay awoodo muhiim ah.

Baarlamaanka dalka Singapore ayaa 2016-kii go’aansaday in xilka madaxweynaha la siiyo qowmiyado gaar ah haddii muddo 30 sano ka badan aysan u helin fursad ay ku noqdaan madaxweyne. Markii ugu danbaysay ee uu qof ka soo jeedo qowiyadda Malay uu madaxweyne ka noqdo dalka Singapore ayaa aheyd sanndkii 1970.

Wargeyska Foreign Policy : Muslimiin badan oo qaadacay Xajka Maxamed Bin Salmaan Awgiis

mohamed bin salmaan

Inkasta oo dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan uu isku dayayaa in uu wanaajiyo wajiga iyo fikradda laga heysto boqortooyada Sucuudiga, balse ma ahan arrin ku filan in ay qanciso dad badan.

Dad muslimiin ah oo tiradooda isa soo tarayso ayaa ku baaqaya in la qaadoco aaditaanka xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka, sababtoo ah waxa ay ku doodayaan in lacagta uu Sucuudiga ka sameeyo xajka uu u isticmaalo dagaalada Yemen ee dadka badan ku dhamaadeen iyo meelo kale.

Sida ay qoreyso majaladda Foreign Policy, dadka ku baaqaya waxaa ka mid ah mustiga reer Liibiya ee suniyiinta dalkaas madaxda u ah Sadiiq Al-Qariyaani iyo Sheekh Yuusuf Al-Qardhaawi.

Sheekh Qardhaafi ayaa yiri “Quudinta muslimiinta baahan, daweynta bukaanka, iyo siinta hoyga ee dadka ayaa xag Alle ku qiimo badan halkii lacagta Xajka lagu bixin lahaa”.

Mid ka mid ah waxyaabaha muslimiinta sida weyn uga xumaadeen ayaa ah dilkii foosha xumaa ee loo geystey wariyihii Jamaal Khaashuqji.

Awoodda Sucuudiga oo kaliya kuma tiirsana shidaalka iyo quwadda militari ee ay leedahay, balse sidoo kale waxa ay ka heleysaa saameynteeda diimeed, iyada oo sannad kasta ay dalkaas xajka u tagaan labo malyan iyo saddex boqol oo kun oo muslimiin ah iyo kuwa kasii badan oo u taga cumrada.

Tan waxa ay keentay in muslimiinta adduunka intiisa badan ay Sucuudiga ugu tiirsanaadaan fatwooyinka diinta iyo waliba faafinteeda.

Markii uu kacaanka islaamka ka dhacay Iran 1979-kii, Sucuudiga waxa ay biloowday mashruuc balaaran oo ay adduunka ugu faafinayso mad-habteeda iyo fahamkeeda gaarka ah ee diinta Islaamka, waxaana ku baxday balaayiin doolar.

Sidoo kale Sucuudiga waxa ay muddo dheer isku dayaysay in ay noqoto dalka ugu awoodda badan ee Bariga Dhexe, balse waxaa taas lid ku noqday dowladda Iran oo kaliya.

Gabood falada uu Sucuudiga geysto ayaa keenay in Maraykanka iyo Ingiriiska ay wax ka badelaan heshiisyadii ay hubka uga gadayeen Sucuudiga, gaar ahaan hubka casriga ah.

Fatwada Sheekh Al Qaryaan wax badan ayay kaga duwantahay kuwii hore, waxa hadda si wadajir ah u aqbalaya dad ku kala duwan madaahiibta islaamka, oo sunni iyo shiicaba isugu jira.

Olole laga bilaabay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa hal qabsi looga dhigay #HalaQaadocoXajka, waxaana lasii faafiyay wax ka badan 16 kun oo jeer.

Bishii June, ururka suniyiinta dalka Tunisia ayaa ku baaqay in la qaadoco xajka, iyaga oo ku dooday in lacagta cibaadada lagu soo guto ay ku dhacdo jeebka boqortooyada, waxayna doontana ay ku samayso.

Sannad kasta waxaa boqortooyada Xajka kasoo gala $12 bilyan oo doolar, taas oo ah boqolkiiba 20% daqliga dalkaas ee aanan shidaalka ka imanin.

Sucuudiga laftiisa ayaa siyaasadaynaysa arrimaha xajka, waxayna dhowaan Makka ka hor istaagtay muwaadhiniinta Qatar iyo Iran kadib khilaafkii dublamaasiyadeed ee dalalkan ka dhex qarxay.

Mid ka mid ah Imaamyada Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ayaa isaga oo khudbad jeedinaya sannadkii hore sheegay in aysan banaanayn in dadka muslimiinta ah ay ka hor imaadaan dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan.

HRW: Booliiska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay 21 ruux

booliiska kenya

Booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay 21 ruux oo oo ay ku eedeeyeen in ay dambiileyaal yihiin, arrintaasina waxay dhacday tan iyo bishii Agoos ee sannadkii hore, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch oo waraysiyo la yeelatay qoysaskii dadkaas iyo dad goob joogeyaal ah.

“Booliiska ayaa xira dad aan hubaysnayn ka dibna toogta, booliiska iyo waaxda daba gashagasha ficillada booliiskuna wax badan kama qabtaan sidii arrantaas loo joojin lahaa,” ayay tiri Otsieno Namwaya oo ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch.

Billawgii sannadkan BBC ayaa barnaamij ka diyaarisay koox looga shakiyay in ay dadka laayaan oo booliiska Kenya ka tirsan, waxaa lagu eedeeyay in ay Facebook-ga isticmaalayeen si ay u bartilmaameedsadaan una dilaan dhallinyarada ay rumaysan yihiin in ay ka tirsan yihiin burcadda.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch waxay sheegtay in ay ogaatay in saddex maalmood gudahood ay booliisku ku dileen 7 ruux oo ay sheegeen in ay falal dambiyeedyo ka wadeen deegaanka Mathare ee caasimadda ka tirsan, arrintaasina ayaa dhacday bishii Abriil.

Afhayeenka booliiska Charles Owino ayaa HRW u sheegay in ay tahay in waaxda dusha kala socota shaqada booliiska ay baaritaan ku samayso eedaymaha la soo jeediyay.

“Askari kaste oo sharciga jabiya waxaa waajib ah in uu shaqsi ahaan u wajaho cawaaqibka dambigii uu galay” ayay ka soo xigatay hay’dda Human Rights Watch.

Hoos ka daawo warbixin ay horay u diyaarisay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

DAAWO BBC SOMALI:

Somaliland: Aqbali mayno in dhoofinta xoolaha la hoos geeyo Soomaaliya, Sacuudiga ku wargeliyeen

yaasiin furedoon

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay.

Sacuudiga ayaa dhowaan soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ka cadheysiisey xukuumadda Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin inay hoos-tagto Soomaaliya, ayna arrintaas ku war-geliteen boqortooyada Sacuudiga.

“Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Soomaaliya la inama yidhaahdo, Soomaaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Soomaaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan” ayuu yiri Faratoon.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku eedeeyey dawladda Soomaaliya aanay diyaar u ahayn wada hadallada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan.

“Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Soomaaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Soomaaliya wey ka meermaraysaa” ayuu yiri Faratoon.

“Farmaajo midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay, garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah,  Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada, Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”.

Xidhibaanka Soomaaliga ee loo doortay baarlamaanka Yurub oo laga codsaday inuu dibadda u baxo

majid majid

Xildhibaanka xisbiga Green u matala baarlamaanka Yurub ayaa ku dooday in laga codsaday in dibadda uga baxo dhismaha baarlamaanka Yurub oo ku yaalla Strasbourg, iyada oo ay maalinti ugu horreysay uu soo shaqo galo ay u ahayd.

Majid Majid, oo 30 jir ah wuxuu xirnaa koofiyad iyo funaanad uu ku soo qoray ‘Faashistinimadu duf ha ku baxdo’ xilliga laga dalbaday inuu baarlamaanka uu ka abaxo.

Duqi hore ee Sheffield ayaa ka mid noqday lixda xildhibaan ee Yorkshire ee deegaanka Humber uga qayb galeyso midowga yurub.

Baarlamaanka Yurub wuxuu sheegay iney jirin cid ka mid ah shaqaalaha oo dhacdadaasi ku lug lahayd.

“Mr Majid wuxuu dhankiisa ka sheegay qofka ka codsaday inuu dibadda u baxo inuusan garaneyn qofka uu yahay, balse wuxuu sheegay inuu u maleynayo inuu qof mas’uul ahaa.”

“Wuxuuna sheegay inuu qofku uu weydiiyey inuu soo hababay, kaddibna wuxuu iga codsaday inaan baxo” ayuu yiri.

Boggiisa Tweetarkana wuxuu ku qoray: “Waan ogahay inaan anigu dadka ka duwanahay. Balse ma dooneyn inaan qariyo waxa aan ahay. Madow ayaan ahay magaceygana waa Magid.”

“Ma doonayo inaan isku dayo, balse waxaan rajeeynayaa inaan ku habboonaado.”

Ereyada aan isdhaafsannay wey badnaayeen, waxa ay dadku ka aaminsan yihiin siyaasiyiintana waa halkeeda laakiin anigu dhismaha inaan ka baxo la iga dalbaday kama bixin oo waan ku sii sugnaaday.

Afhayeen baarlamaanka Yurub u hadlay wuxuu sheegay: “Arrinta waan baareynaa si weyn ayeyna noo saameysay waxaanna si kalsooni leh aan u sheegi karaa inuusan dhacdadaasi wax lug ah ku lahayn shaqaala ka tirsan baarlamaanka.”

Mr Majid xilliga inuu baarlamaakna ka baxo la codsanayey wuxuu ka qayb galayey shirka furitaanka baarlamaanka midowga yurub oo muddo shan sana shaqeeynaya oo shaqadiisa billaabay, waloow ay ka sii mid ahaanshaha Britain ee baarlamaanka yurub ay su’aal ka taagan tahay.

Xubnaha UK u matalaya baarlamaanka Midowga Yurub waxay baarlamaanka ka sii mid ahaanayaan tani inta ay Britain si rasmi ah uga baxeyso Midowga yurub.

Sida uu ku yimid UK.

Waxa uu markii ugu horeysay magaalada Sheffield yimid isaga oo ay da’diisu ahayd shan sano jir. Waxaa uu xilligaas la socday hooyadii iyo 5 walaalihiisa ah, waxayna si qaxootinnimo ah ku galeen dalka Britain.

Maajid iyo qoyskiisa ayaa ka hor inta aysan UK imaan, waxay muddo lix bilood ah ku jireen xero qaxooti oo ku taalla dalka Itoobiya. Maajid Maajid wuxuu ku dhashay magaalada Burco.

Waxaana Mr Magid laga soo doortay Broomhill iyo Sharrow 2016-kii, wuxuuna noqday ninki ugu da’da yaraa oo magaaladaasi mmaayar ka noqda 2018-kii.

Maajid ayaa mar uu wareysi bixiyay sheegay, in uusan wax badan ka xusuusan yaraantiisii islamarkaana uusan dib ugu laaban dalkii uu ku dhashay.

“Waxa aan xusuustaa in aan faraxsanaa oo aan iska ciyaari jiray si la mid ah caruurta kale,” ayuu yiri.

Maaid wuxuu ka baxay jaamacadda Hull ee ku taalla dalka UK.

Wuxuu sheegay in noolashu ay adkayd markii isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen UK, sida barashada luuqadda iyo in ay nolasha cusub la qabsadaan.

Trump ayuu ka mamnuucay Sheffield

Maajid Maajid ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu magaaladiisa uu Duqa ka yahay ee Sheffield uu “ka mamnucay” madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump in uu soo booqdo xilli uu safar ku joogay Britain.

Maajid ayaa ku dhawaaqay go’aankan mar uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield “taasi oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan” ee Sheffield.

Balse waxaa xilligaa ka so horjeedsaday qaar ka mid ah golaha deegaanka magaalada Sheffield oo sheegay in uusan lahayn awood sharci oo uu Trump kaga mamnuuci karo booqashada magaalada.

In kastoo ka mid ahaanshiyahiisa baarlamaanka Yurub ay waqti kooban ahaan doonto maadaama Britain ay ka baxayso Yurub 31 October – ayaa hadana Maajid Maajid waxay u tahay fursad dheer iyo horumar.

Gabadh Soomaali ah oo laga jilay film heer caalami ah (A girl from Mogadishu)

Ifrax Axmed girl from mogadishu

Bandhig aflaanta ah oo dhawaan lagu qabtay Jamhuuriyadda Ireland ayaa waxaa lagu soo bandhigay filim magaciisu yahay “girl from Mogadishu”, (Gabadhii Muqdisho) kaas oo taabanayay sheeko dhab ah oo la xiriirta Ifrax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa sidii loo joojin lahaa xadgudubka gudniinka.

Magaca filimka Muqdisho ayaa u muuqdaa mid sahlan hasayeeshee waxaa uu ka hadlaya kartida iyo geesinimada banii’aadanka.

Filinka waxaa uu ku saabsan yahay taarikhda Ifrax Axmed oo ah gabadh soomaali ah oo kasoo qaxday dagaalladii Soomaaliya, waxay joogta dalka Ireland.

Ifraax markii ay gaartay Ireland waxay ogotaay dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay gudniinka fircooniga iyo saameynta ba’an ee uu ku reebay nolosheeda, waxay arrintani ku khasabtay inay u ololeyso in gudniinka fircooniga ah aanan lagu sameyn gabdhaha.

Inkasta oo bulshada Ireland aysan gudin gabdhahooda, haddan Ifraax waxay dooneysaa in dadkaas ay fahmaan ‘waxa uu yahay gudniinka’ si dalka uu mamnuuco gudniinka si loo badbaadiyo gabdhaha qaxootiga ee laga yaabo in waalidkooda ay doonayaan inay kusoo gudaan dalalkii ay kasoo jeedeen.

Filimkan oo loogu magac daray ‘Gabadhii Muqdisho’ waxaa uu ka qeyb qaadanayaa wecyigelinta la doonayo in dunida looga ciribtiro gudniinka fircooniga.

Soomaalida qurbaha ku nool ayaa waxaa si weyn looga wacyigeliyaa dhibaatada gudniinka fircooniga ah, kaasoo inta badan mamnuuc ka ah dalalkaasi.

Mary McGuckian oo soo saartay filimkan ayaa waxay sheegtay in Ifraax ay joojisay ka aamusnaanta dhibaatooyinkii ay soo martay si ay u joojiso gudniinka iyadoo u adeegsaneysay sheekada nolosheeda.

.

“Waxaan aad uga helay sheekada Ifraax, waxay joojisay aamusnaanta oo inta ay nooleyd fahantay quwadda ay leedahay ka hadalka marxaladda ay soo martay kaliya ah ma ahaan si ay nafteeda ugu dhawaaqeyso balse si ay joojiso ka aamusnaanta arrin muhiim ah iyadoo isticmaaleyso sheekada nolosheeda” ayay tiri Mary.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlaya filimkan dhibaatooyinka soo wajaho dadka qaxootiga ah marka ay gaaraan dalalka Yurub sida luqadda oo ku adag.

Dad badan oo daawaday filimka ayaa soo dhaweeyay waxyaabaha uu ka hadlay balse Ifraax waxay ku rajo weyntahay in filimkeeda uu horseedi doono saameyn ballaaran oo joojinta karta gudniinka fircooniga ah.

Dr Abiy: Illaa 7 jeer ayaa la isku dayay in la i afgambiyo

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’isul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay.

Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay.

Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan.

“Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.”

“Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.”

“Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.”

“Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.”

Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay.

Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale.

“Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.”

“Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .”

Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid.

Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen.

Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yiri Dr Abiy

Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee.

Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo.

Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa.

“Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”.

“Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yiri.

“Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya.

Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego.

July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo.

Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen.

Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay.

Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen.

Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan.

Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan.

Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin.

Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay.

Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog.

Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado.

Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato.

Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen.

Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya.

Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto.

Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen.

Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo.

Mareykanka oo ku dhawaaqay inay dib u bilaabayso taageerada Ciidamada Soomaaliyeed

safiir usa Donald Yukio Yamamoto farmaajo

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib u billaabeyso taageerada maaliyadeed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay siin jirtay, kadib markii hay’adaha maaliyadda iyo dabagalka Mareykanka ku qanceen dib-u-habeynta lagu sameeyay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay December 2017, taageero dhanka mushaaraadka iyo saanadda ah oo uu siin jiray ciidamada Xoogga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada shabeellooyinka, iyada oo sabab looga dhigay musuqmaasuq baahsan oo ka jiray tirada ciidamada dhabta ah ee deegaannadaas ku sugan.

War qoraal ah oo ka soo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qeyb ahaan taageeradaan dib loo fasaxay si loogu dhiso kalsoonida ay deeqbixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka Soomaaliya.

“Dib-u-soocelinta kaalmadaan, waxay muujineysaa kalsoonideenna ah in dowladda Federaalka iyo Ciidankeeda Xoogga ay sii wadaan qor u qaadista isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo gebo gabeysay wajiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka koobnaa, diiwaanngelin ciidamada lagu sameeyay oo loo adeegsaday habla keydinta xogta ee casriga ah, taas oo lagu ogaaday in ka badan 9kun oo magacyo been-abuur ah oo ku jiray liiska ciidamada.

Sidoo kale xukuumadda ayaa nidaamka mushaar bixinta ciidamada u beddeshay xisaabta bankiyada halka markii hore ciidamada gacanta laga siin jiray.

Dowladda ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday wejiga labaad ee di-u-habaynta ciidamada oo xog dheeraad ah looga uruurinayo askarta, laguna qiimeynayo baahayaha ciidamada ee dha walbo leh.

Xuutiyiinta oo diyaarado ku duqeeyey garoon ku yaalla dalka Sacuudiga

gantaal xuuti

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xiriirka la leh Iiraan.

Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka daawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan.

Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah.

Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaadeyn kooxdaan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn.

Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asmuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas.

3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkaan waxa  ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdaan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Caruur oo lagu duqeeyey guryahooda.

Dad loo xiray dil London loogu gaystay wiil Soomaali ah

dil london

Labo ruux ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira ka dib markii nin lagu dhex tooriyeeyay dukaan.

Yuusuf Maxamed ayaa la weeraray isaga oo ku sugan Uxbridge Road, Shepherd’s Bush oo London ku taalla maalintii Arbacada ahayd ee taariikhdu ahayd 26 Juunyo.

Booliiska ayaa sheegay labo ruux oo lab ah dacwado lagu soo oogay ayna kala jiraan 17 iyo 18 sanno, kuwaas oo loo haysto dilkii Arbacadii dhacay.

Baaritaan lagu sameeyay maydka Maxamed ayaa muujiyay in uu u geeriyooday hal toori oo lagu dhuftay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY