Home Blog Page 654

Xuutiyiinta oo diyaarado ku duqeeyey garoon ku yaalla dalka Sacuudiga

gantaal xuuti

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xiriirka la leh Iiraan.

Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka daawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan.

Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah.

Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaadeyn kooxdaan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn.

Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asmuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas.

3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkaan waxa  ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdaan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Caruur oo lagu duqeeyey guryahooda.

Dad loo xiray dil London loogu gaystay wiil Soomaali ah

dil london

Labo ruux ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira ka dib markii nin lagu dhex tooriyeeyay dukaan.

Yuusuf Maxamed ayaa la weeraray isaga oo ku sugan Uxbridge Road, Shepherd’s Bush oo London ku taalla maalintii Arbacada ahayd ee taariikhdu ahayd 26 Juunyo.

Booliiska ayaa sheegay labo ruux oo lab ah dacwado lagu soo oogay ayna kala jiraan 17 iyo 18 sanno, kuwaas oo loo haysto dilkii Arbacadii dhacay.

Baaritaan lagu sameeyay maydka Maxamed ayaa muujiyay in uu u geeriyooday hal toori oo lagu dhuftay.

Daawo Xildhibaan Madaxmed Jaamac oo si adag u weeraray kooxda Cali Khaliif ee Harti Waqooyi sheegatay

xildhibaan maxamed jaamac

Xildhibaan Madaxmed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u weeraray koox sheegay Harti Waqooyi oo uu hogaaminayey Cali Khaliif, kuwaas oo isu diyaarinaya inay Hargeysa ka qadhaabtaan magaca.

Daawo

DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii Kenya una yeertay safiirka dalkaas

somalia kenya flag

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo.

Soomaaliya ayaa danjire Tumbo ku wareejisay qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Soomaaliya war lagu daabacay bogga Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

27kii Bishan  Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal.

Hadalkaas ayaa loo arkay inuu yahay culeys siyaasadeed oo ay Dowladda Kenya saareyso Soomaaliya.

Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya.

Kenya ayaa dhaleeceyn badan kala kulantay baraha bulshada markii ay adeegsatay weedha labada dal,waxaana ku xigtay warqadda maanta ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Cabashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu weli mugdi ku jiro  Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya ka xumaatay dacwadii ay Soomaaliya u gudbisay ICJ ee ku aadaneyd muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda ay Somalia u gudbisay Kenya 

War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
July 01, 2019

Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau.

Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.

Sawiro: Duulimaadkii ugu horreeyey ee Qatar Airways oo maanta Muqdisho yimid

qatar airways2

Mid kamid ah diyaaradaha  Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde, waxaana ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia, Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira  Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho.

Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya.

Tacsi Xildhibaan Nuux Xaaji Cabdilaahi Cawl oo ku geeriyooday

tacsi1

INAALILAAHI WA INA ILAYHI RAAJICUUUN, Allah ha u naxariistee waxaa dalka Maleeshiya ku geeriyooday Marxuum Nuux Xaaji Cabdilaahi Cawl, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka Berbera.

Osman Qawdhan Warsame wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegay marxuumku, sidoo kale wuxuu marxuum Nuux Xaaji Cabdilaahi Cawl illaahay uga baryeyaa inuu u naxariisto, dadkii uu ka tegay iyo qaraabadiisiina samir iyo imaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN

Maydka Maxamad Qanyare Afrax oo maanta lagu aasay Dayniile

aas qanyare

Boqollaal dadweyne ah ayaa ka qaybgallay aaska maydka marxuum Maxamad Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Maydka Marxuumka ayaa lagu aasay xabaalo ku yaala degmada Dayniile, waxana joogay wasiiro ka tirsan Dawladda Federaalka, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Aroornimadii hore waxa maydka Maxamad Qanyare salaadda janaasada lagula tukaday masaajidka madaxtooyada iyadoo ay ka qayb galeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo saraakiil sare oo ka tirsan dawladdiisa.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goor sii horraysay waxa uu salaadda janaasada ku tukaday marxuumka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.

Maxamed Qanyare wuxu ku dhashay degmada Ceel-Buur bishii Ogost 1941-kii, halkaas ayuu ku koray kana galay malcaamad Quraanka, ka dibna waxa uu tagay magaalada Xamar oo uu waxbarashada ilaa dugsiga dhexe uu ku dhamaystay.

Tacliintii dugsiga dhexe markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay.

Marxuumku wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii. Waxaanu mar labaad halkaa dib uga bilaabay wax barashadiisii oo uu ku bartay cilmiga maamulka iyo maraaraynta, sida uu sheegay kaaliyihiisii gaarka ahaa.

Cabdillaahi Sheekh Daahir oo muddo 20 sannadood iyo dheeraad ah kaaliye u ahaa marxuumka oo ka waramayey taariikhdiisii siyaasadeed ayaa yidhi “markii wadanku qalalaasaha galayna waxa uu wax ka aasaasay ururkii SNM, aasaseyaasheedii ayuu ka mid ahaa. Wuxu u wareegay hadana markii dambe oo la is qabtay, wuxu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka USC.”

Maxamed Qanyare Afrax waxa uu ka mid noqday xukuumaddii Cabdiqaasin Salaad Xasan oo uu noqday wasiirka kalluumaysiga.

Hase yeeshee markii dambe waxa uu ka mid noqday hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho u kala qaybsanayd. Waxaana saldhig u noqtay xaafadda Dayniile.

Sannadkii 2006-dii waxa uu Maxamed Qanyare Afrax ka mid noqday isbahaysigii la dagaallanka argagixisada ee ay samaysteen raggii hogaamiye kooxeedyada ahaa.

Waxa uu ka mid noqday xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu ka qabtay xilka wasiirka amniga, markii xarunteeda ku meel gaadhka ahi ahayd magaalada Baydhaba.

Xamar ayuu dib ugu noqday waxaanu ka mid ahaa raggii loo diiday in ay ka mid noqdaan xildhibaannadii baarlamanka la soo xulay ee doortay xukuumaddii talada qabatay ee uu madaxweynaha ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshii markii dambe waxa u suurto gashay in uu noqdo xildhibaan ka tirsan golaha baarlamanka.

Waxa ku soo booday xanuun uu dareemay in aanu hawshii xildhibaannimo wadi karin, waxaanu kursigiisii u banneeyey wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ilaa haatan ah xubin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Sixid qoraal hore: Musuqmaasuqa maxkamadaha Gobolka Sool

saxid qoraal

Shebekadda Xaysimo.com waxay dib u saxaysaa khalad madbaci ah oo ku jiray qoraal aanu kaga hadalay Musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Sool iyo hayadaha xadhkaha goostay, kaas oo aanu halkii maxkamada Gobolka Sool, aanu ku khaladnay Maxkamada degmada Laascaanood halkan ka akhriso qoraal

saxid qoraal

Inkastaa ay xaalada maamul xumo ee Gobolka ka jirta ay tahay CADAABI MEEL QABOW MA LEH oo meel meel dhaantaa aanay jirin, haddana Qoraalka saxda ahi waa;

Maxkamadda Gobolka Sool waxaa mudo dheer joogay nin dadku ku tilmaameen in lagu ilaaway oo shacabka dhibay, cadaalad looma doonto ee jeebkaaga ayaad ku talogelaysaa, dulmiga meeshaas ka jiraa waa mid aan la cabiri karin, Rafcaanka waxaa loo qaataa mid kale oo ay wada shaqaystaan oo xisaabtiisa uu kan degmadu soo qaado, masuul si hoose u tegay wuxuu sheegay in aanay jirin meel la mid ah xaqdarada iyo musuqmaasuqa ka socda.

Madaxweynaha Puntland oo magacaaabay taliyaal iyo masuuliyiin kale oo cusub

madaxweyne siciid deni3

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreetooyin is-xigay oo uu Sabtida maanta soo saaray ku magacaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub.

Madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland u magacaabay, S/Gaas yaasiin Cumar Dheere, halka uu taliye  xigeenka labaad ee Daraawiishta  u magacaabay, S/guuto Axmed Cali Salaad.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay, Siciid Maxamed Faahiye, halka uu guddoomiye ku xigeenka gobolka u magacaabay, Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir, isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay, G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda Hooballada waaberi Puntland u magacaabay, Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u  magacaabay, la-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta madaxtooyada Puntland.

Qareenada Kenya oo dalbaday in dib loo dhigo dacwadda badda ee Kenya iyo Somalia

badda somalia

Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ.

Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi.

Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi.

Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriiray kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya.

Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY