Wararkii u dambeeyay daadad xooggan oo ku fatahay magaalada Qardho

daad qardho1

Warar hordhaca ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay daadadka ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ilo’ wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya dhimashada ilaa saddex ruux oo daadadku la tageen inkastoo ay jiraan dad kale oo aan weli nolol iyo geeri midna lagu hayn islamarkaana la baadi-goobayo.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu intaas ka badanyahay balse ma jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda iyo laamaha caafimaadka gobolka oo xaqiijsay.

Fatahadda daadadka ayaa xalay harqiyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Qardho kuwaas oo go’doomiyay dadweynaha Qardho islamarkaana burburiyay guryo fara badan.

Sidoo kale in ka badan 20 gaadiidka raaxada ah ayaa la soo weriyay in daadadkaas kala tageen bartamaha magaalada halka gaadiidka waaweyn qaarkoodna ay ku qallibmeen fatahaadda.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee ku sugan Qardho ayaa gurmad ballaaran u fidiyay qoysas badan oo ku go’doomay guryahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here