WARARKII U DAMBEEYEY EE BOOSAASO

maleeshiyo cali saleebaan

Maanta duhurnimadii waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo.

Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Punttland iyo maleeshiyo beeleed waxaa watay Ciise Yulux, waxayna doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ciidankii kantaroolka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacaas, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo 20 gaari oo 16 kamid ah yihiin kuwa dagaal watay ayaa markii dambe loo ogolaaday in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, waxayna markii ay gaareen dageen xarunta shirkadda PDG.

Shirkadda PDG ayaa taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, waxaana muddooyinkii u dambeeyey taagnaa khilaaf iyo muran u dhaxeeyey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda.

Ciise Yulux ayaa ka mid ah ragga saamiga ku leh shirkadda PDG oo tan iyo 2011 taakulaynta u qaabilsanayd ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciise Yulux oo ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida ayaa tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, wuxuuna ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda caadi ah, mana jirto cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here