Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Itoobiya iyo masuul ka hadlay

ethiopia map

Dowladda Itoobiya ayaa iska sii fogeyneysa in dambi looga dhigo hawlgal militari oo la filayo iney ku qaado caasimadda Tigray ee Mekelle sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda.

Bikila Hurisa wuxuu idaacadda BBC-da u sheegay in hawlgalka lagu qaadayo gobolkaas lagu bartilmaameesanayo hogaamiyayaal khiyaanay qarankooda, waxeyna doonayaan iney soo afjaraan gabi ahaanba hawlgalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ugu baaqay shacabka gobolkaas iney guyahooda iska joogaan, isla markaana ay ciidamada kala hadleen sidii ay shacabka ku nool deeganaadaas dhibaatada uga ilaalin lahaayeen.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay iney bilaabi doonaa wajigii ugu dambeeyay hawlgalka ay ku qaadayaan gobolka Tigray, inkastoo aysan saxaafadda banaanka wali ogaanin inuu bilowday iyo inuusan bilaaban.

Hay’adaha caalamka waxey ka digeen weerar lagu qaado caasimadda gobolkaas ee Mekelle, waxeyna aaminsan yahiin in dadka rayidka ah ay waxyeello badan kasoo gaari karto dagaalka.

Sidoo kale waxey ka digeen tacadiyo ka dhaca gobolkaas kuwaas oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here