Wararkii ugu dambeeyay ee dhalinyaro lagu diley deegaanka Gololey

xasuuq gololey

Waxaa Maanta la filayaa in deegaanka Gololey ay ka bilaabato baaritaan ku aadan cidda ka dambeyso dil wadareedkii halkaas loo geystay sagaal ruux oo u badan dhalinyaro ka howlgalaysay xarun caafimaad oo ay ku leedahay hay’ada Zamsam.

Sida ay Wararka sheegayaan waxaa Xalay degmada Balcad ku hoyday Mas’uuliyiin ay ka kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Waaxda Baarista Dambiyada si ay baaritaanno dhab ah ugu sameeyaan sida dhacdadaas u dhacday iyo cidda ka dambeysa.

Ehelka dadka la dilay ayaa dhanka kale dalbaday in ay cadaalad u helaan carruurtooda dil wadareed loo geystay, iyada oo ku howlan samafalka dadka deegaanka sida ay hadalka u dhigeen.

Meydadka sagaalka qof ayaa la keenay magaalada Muqdisho Iyadoo illaa iyo hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda ka dambeysay dilka dhalinyaradan hase ahaatee Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Cali oo degen degmada Balcad ayaa sheegey in 7 ka mid ah dadka la diley ay ahaayeen shaqaalaha MCHka Zamsam ayna qafaasheen ciidamo milatari ah ayna ku dileen duleedka deegaanka Gololey.

Hase yeeshee afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ku eedeeyay dilka raggan ururka Alshabaab isagoo beeniyay inay ka dambeeyeen ciidamo Milatari ah.

Halkan ka aqriso Magacyada dadkan la diley.

1- Cumar Xuuti Maxamud.

2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle.

3- Cali Axmed Cali.

4- C/saaq Cabdulaahi Qooble.

5- Maxamed Cumar Boore.

6- Abuukar Muuse Maaxi.

7- Yuusuf Ayuub.

8- Iyo Nuur Xaaji Gaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here