Wararkii ugu dambeeyey Al-Shabaab oo caawa weerar ku galay xerada Hiilweyne

alshabab somalia

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxay caawa weerar saf ballaaran ay ku qaadeen Xerada Hiilweyne, oo ku taala duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xoogaga Al-Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan ayaa dhawr jiho ka weeraray Xerada Hiilweyne, oo saldhig ciidan u ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Halka uu dagaalka ka socdo iyo deegaanada ka fog fogba ayaa waxaa maqlayaa hubka ay labada dhinac dagaalka isu adeegsanayaan, waxaana soo baxaya warar sheegayay in halkaasi laga maqlay qaraxyo xoogan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo qaar saxaafada ka mida la hadlay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu jiro, balse waxay ka gaabsadeen in tafaasiil intaasi dheer ay ka bixiyan.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah oo maleeshiyada Shabaabku ku qaadaan Dugsigii Tababarka ee Hiilweyne, tan iyo markii aaggaasi laga sifeeyay horaantii sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here