Wararkii ugu dambeeyey dagaal xoog le oo ka socda Beled Xaawo

ciidamada somalia

Weli waxaa rasaas xoogan laga maqlayaa degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyo ka amar qaata Axmed Madoobe oo aan Dawladda Soomaaliya aqoonsanayn.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Beled Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in laysu adeegsaday madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la sheegayo in tiro madaafiic ahi ay ku dhaceen gudaha Beled-Xaawo.

Dagaalka ayaa inta badan ka socda xerada ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ee BP1, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar culus ku qaadeen xeradaasi, waxayna ciidamada dowladda la beegsadeen saldhiggaasi madaafiicda hoobiyeyaasha.

Wuxuu dagaalku saameyn ku yeeshay xuduudka Somalia iyo Kenya, siiba barta koowaad ee -Border Point One, iyadoo rasaastu gaartay dhinaca Mandheera, Kenya.

Cabdirashiid Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa degan magaalada Mandheera, iyagoo halkaasi ka maamulaya dagaalka.

Dadkii Magaalada joogay ayaa isaga barakacay saakay hore, kadib markii ay dareemeen saan saanta colaada ka taagan Degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here