Wararkii ugu dambeeyey doorashooyinka 2020-ka iyo arrimo ku soo kordhay

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddoomiyaha guddiga dooraashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ka war bixisay halka ay marayaan arriamaha u diyaar garowga doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.

Guddoomiye Xaliimo Yrey oo u warantay laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtay inay rajo weyn ka qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isla markaana ay gobollada dalka ka wadaan diiwaan gelinta dadweynaha .

Xaliima Yarey waxay sheegtay in haatan ay gabagabo u mareyso diyaarinta goobaha cod bixinta oo laga hir gelinayo magaalooyinka xorta ah ee la tegi karo. Warbaahintana ay ka bilaabeen wacyi gelin ku aadan in dadka la baro waxa ay tahay doorasho.

Sidoo kale guddoomiye Xaliima Yarey ayaa sheegtay in hey’adaha caalamiga ah ay ka dalbadeen qalabka diiwaan gelinta lagu sameeyo oo ay sheegtay in meel fiican ay howshiisu u mareyso.

Xaliima Yarey ayaa sheegtay in guddi loo magacaabay kasoo tala bixinta sida loo dhigayo doorashada dhinacyada golaha Aqalka Sare, Somaliland, gobolka Banaadir iyo qorshe u sahlaya haweenka inay doorashada kusoo baxaan si loo dhowro qoondadooda.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa sheegtay in guddiyadaas isku dhafka ah ee la magacaabay looga fadhiyo in ay kasoo baaraan degaan sidii la isku waafajin lahaa awood qeybsigii hore ee 4.5 iyo nidaamka la doonayo in ay doorashadan ku dhacdo ee xisbiyada badan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliima Yarey ayaa sheegtay in guddigeedu uu ku shaqeyn doono shuruucdii arrimahaas sida loo wajahayo uu kasoo saaro guddiga isku dhafka ah ee uu kol hore magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bishii hore saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka, kadib markii ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here