Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Balcad oo saaka ay weerareen Al-Shabaab

shabaab2

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii degmadaasi ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada.

Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca toddoba qof oo shacab ah.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada, balse si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashadaas.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay magaalada.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan tahay.

“Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd kooxda Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan.

Maamulka degmada ayaa marar badan dowladda federaalka ka codsaday inay soo dirto ciidamo magaalada iyo gobolkaba ka xoreeya Al-Shabaab, balse cidna ma dhageysan baaqooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here