Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Galmudug iyo Is-beddelada ku yimid

baarlamaanka galmudug.

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa xalay mar kale waqti kordhin cusub u sameeyay is-diiwaangelinta musharaxiinta.

Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga ayaa mar kale xalay shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is-diiwaangelinta musharaxiin, isagoo carabka ku adkeeyey in waqti kordhintan ay noqon doonto tii ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, haatana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii doorashada waqtigeeda loogu qaban lahaa.

Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta guddiga, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u sharaxanyihiin madaxweyne ku xigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here