Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Itoobiya ee kacsan

banaanbax ethiopia

Maanta oo Khamiis aha ayaa fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa lagu aasay magaalada Ambo ee gobolka Oromada, kaas oo habeenkii Isniinta lagu toogtay maagaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dilka fanaankan ayaa waxaa ka dhashay rabshado xoogan oo weli ka socda Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysan, kuwaas oo ay dad badan ku dhinteen.

Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo milatari ah la dhigay meelaha ay ka socdaan mudaharaadyada.

Sidoo kale waxaa la xiray ku dhowaad 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed, tallaabadaas oo uga sii dartay xiisadda ka aloolsan Itoobita.

Hundeesaa oo 34 sano jir ahaa, wuxuu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururada Oromada sanadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka.

Wuxuu sidoo kale ahaa fannaan heesihiisa u adeegsada kacdoonnada ay dhigayeen dadka Oromada ah ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in uu laf dhuun gashay ku noqotay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xaaladda Itoobiya ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxaana la jaray Internet-ka, iyadoona sidoo kale la xiray dhaq-dhaqaaqa meelaha ay ka socdaan rabshadaha.

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga caanka ahaa ee kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada

Dibad-baxyo carro leh ayaa ka dillaacay magaalada Addis-Ababa iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey.

“Illaa iyo hadda waxaa dhintay 81 qof oo ay ku jiraan saddex ka mid ah ciidamada booliska gaarka ah ee gobolka Oromia,” waxaa sidaas yiri Ararsa Merdasa, oo ah madaxa booliska Oromia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here