Wararkii ugu dambeeyey maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhex dagaalamaya hotel SYL

war deg deg

Is-rasaaseyn xooggan ayaa ka socota hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia, halkaasi oo la rumeysan yahay inay galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo kasoo baxsaday hotelka uu u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay soo galeen hotelka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiro khasaare xooggan, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah.

Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay galeen hotelka, kana dhex dagaalamayaan.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada Hotelka ayaa la tacaalaya weerarka oo ka socda gudaha Hotelka.

Gudaha Hotelka ayaa laga maqlayaa rasaas xoog leh iyo Bambo gacmeed ay isku adeegsanayaan askarta iyo dagaalyahanada gudaha u galay Hotelka.

Ragga galay Hotelka oo aan wali la xaqiiji karin tiradooda ayaa la sheegay inay xirnaayeen Tuutaha ciidanka booliska Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in hotelka ay casho ku lahaayeen waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Habar-Gidir oo maanta Muqdisho ku caleemo saaray guddoomiyaha cusub ee beesha Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here