Wararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida Coronavirus ugu geeriyootay Ingiriiska

Coronavirus

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegayo inuu halkaas cudurka Coronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Salaad.

Marxuum Maxamed Salaad ayaa la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, waxaana ugu dambeyntii la xaqiijiyey inuu u geeriyooday cudurkaas.

Waa muwaadinkii afaraad oo u dhashay Soomaaliya oo dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurkan Coronavirus oo dhibaato xoog leh ku hayo Adduunyada.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in xaaska marxuumka geeriyooday iyo carruurtiisaba ay la xanuunsanayaan cudurkaas inkastoo dhakhaatiirta ay sheegeyn in caafimaadkooda uu fiican yahay.

Guud ahaan tirada Soomaalida la xaqiijiyey ee ku nool ingiriiska kuwaas oo la xanuunsanayo cudurkaan ayaa la sheegay inay gaarayaan illaa 16 qof.

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wiil uu dhalay oo Daahir lagu magacaabo ayaa ka mid ah Soomaalida London ku nool, ee uu soo ritay Coronavirus.

Boqortooyada UK ayaa laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 11,658 oo caabuqa COVID-19 ah, waxaana ugu dhimatay 578 qof, shalay oo keliyana waxaa ugu geeriyootay 113 ruux.

Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here