Warbixin: Al-Shabaab oo bil gudaheed ku weysay 7 hoggaamiye oo sare

AlShabaab drone

Kooxda Al-Shabaab, ayaa muddo bil gudaheed ah weysay ugu yaraan 7 hoggaamiye oo sare, kuwaas oo qaarkood la dilay ama la qabtay, qaarna ay kooxda iska dishay, sida ku cad xog ururin ay sameysay Caasimada Online.

Dawladda Maraykanka ayaa maanta shaacisay in duqayn ay 2-dii bishan ka fulisay degaanka Bush Madina ee gobolka Bay lagu dilay Yuusuf Jiis, oo magaciisa oo dhameystiran uu yahay Yuusuf Nuur Sheekh Xasan.

Yuusuf Jiis, ayaa gudaha Al-Shabaab waxa uu ku lahaa magacyo kale oo ay ka mid yahiin Bashar iyo Macalin Sahal.

Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, waxa uu kolkii hore u qaabilsanaa dabagalka hey’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee gudaha dalka, balse waxa uu waayihii dambe Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Xisbada.

Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqaynta lagu dilay Yuusuf Jiis ee ka dhacday gobolka Bay, sidoo kale lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Yoonis Sheekh Daahir, oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsan dhanka sirdoonka.

Dilka labadan sarkaal ayaa kusoo beegmay toddobaadyo is-xig-xigay oo ay Al-Shabaab si joogto ah u lumineysay saraakiil sare.

3-dii April, Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-gallada gobolka Bakool.

Qoraal kasoo baxay ciidamada xoogga ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka fuliyay degaanka Ceel-cali degmada Xudur ee gobolka Bakool howlgal ay ku dileen horjoogahan oo lagu magacaabay (Aflaaw).”

21-kii March, Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in nolosha lagu qabtay madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellda Hoose, oo lagu magacaabo Xasan Suley (Xasan Ganey).

Laba maalin un ka hor qabashada Xasan Suley, 19-kii March, war kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen Maxamuud Yuusuf Maansuur, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka.

10-kii March, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye).

Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay “in Muuse Macallin xilli habeen ah oo saqdii dhexe ee 9-kii March ah lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.

Laba maalin un ka hor xilligaas, 8-dii March, Taliska Ciidamada Militariga dalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFIRCOM ayaa xaqiijiyey geerida Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoor-qaab, kaasi oo lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey.

“Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey,” ayuu yiri afhayeenka taliska Korneyl Chris Karns.

Qoorgaab oo dhashay sanadkii 1982, wuxuu xiriir dhow la lahaa hoggaanka Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kooxda ka hayey xilka abaanduulaha guud ee Al-Shabaab.

Qoorgaab ayaa waxaa lala dilay xaaskiisa, oo iyana xubin fir-fircoon ka ahayd Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahayd dhaq-dhaqaaqyo argagixiso oo kala duwan.

Waxaa la oran karaa in bishii tegtay ay Al-Shabaab u aheyd mid ka mid ah bilihii ugu xumaa ee soo mara, ayada oo weysay 7 sarkaal oo sare, taasi oo ay usii dheer tahay tobaneeyo maleeshiyaad hoose ah oo iyagana ku baxay duqeymaha Mareykanka iyo weerarada ciidamada xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here