Warbixin: Cali Khaliif iyo maalmihii ugu dambeeyey ee Hargeysa

muuse tacsi

Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr markii Muqdisho diiday inay maamulkiisii taageerto, wuxuu go’aansaday inuu raadiyo Somaliland la wada leeyahay, taas oo ku kaliftay inuu mudo 4 sano ah uu hargeysa u fadhiyo, isagoo u maray cidkasta iyo dariiq kasta oo macquul ah, nasiibdarose uu ku guuldaraystay.

KULANKII CALI IYO ANIGA.

Prof Cali Khaliif iyo Anigu waxaan wadashaqayn bilownay sanadkan 2020 bilowgiisii, kadib markii ay ii muuqatay in taageeradayda iyo talooyinkaygu ay ka caawin karaan inuu si dhacso ah uga gun gaaro fekerkiisa iyo heshiiskii uu Somaliland la galay, waxaana siiyey talooyin badan oo u fududeeyey inuu si dhaqso ah uga quusto waxaan u soo socon oo uu mudo 3 sano ah sugayey, kulankii ugu horeeyey ee aanu ka wada qaybgalo wuxuu ahaa martiqaad uu noo sameeyey Wasiir Maxamed Muuse Diiriye

QUUSTII CALI

Prof Cali Khaliif dhowr bilood ka hor ayuu ka quustay Somaliland lawada leeyahay iyo heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, balse wuxuu soo jeediyey intii layna odhan lahaa waa deg degeen, aan dhowr bilood oo dambe dulqaadano oo sugno.

MAXAY MUUSE BIIXI IYO CALI KHALIIF KALA AAMINSANAAYEEN?

Cali Khaliif: Wuxuu aaminsanaa saamiga reer Khaatumo ee Somaliland inuu ka bilowdo ugu yaraan 20% goleyaasha iyo qaybaha kale, sidoo kale wadalahaansho dhaba iyo talo wadaag.

Muuse Biixi: Wuxuu aaminsanaa in Cali Khaliif keligiis yahay, wax taageero ahna aanu ka haysan degaamada Khaatumo, Soomaaliyana ay horey u soo kala dhinteen, sidaasdarteed lagu sharfo xuquuqda Madaxweyneyaasha hawlgabka ah ee Somaliland (Guri, Gaari iyo nolol), taasoo ahayd waxaan Cali u qalmin oo uu diiday.

XUBNAHA GOLEYAASHA IYO KAALINTOODII DAGAALKA CALI

Xubnaha Goleyaasha iyo Wasiirada ee ka soo geeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ahaayeen hubkii ugu weynaa ee Cali Khaliif loo adeegsaday, marka laga reebo Wasiirka hawlaha Guud ee Somaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi oo markasta Ixtiraam iyo Odaynimo u muujin jiray.

U DIYAARGAROWGA KA TEGISTA SOMALILAND IYO CABSIDA NA SOO FOODSAARTAY

Markii aanu ka quusanay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Cali waxaa soo foodsaartay welwel xoog leh oo ka badan kii aan qabay.

Marka kowaad waxaa culeys ku noqotay siduu Reer Khaatumo masiirkoodii ugu celin lahaa, maadaama fekerkiisii iyo taladiisii fashilmeen, iyadoo uu bilihii ugu dambeeyey rogrogayey siduu ugu dhowaaqi lahaa.

Mida labaadna waxay noqotay sii joogista hargeysa iyo amaankayaga, waxaan soo qaadanay waxkasta oo dhici kara sida Odayaashii Reer SSC ahaa ee Somaliland aaminsanaa ee Ciilka u dhintay, Garaad Cabdi Qani iyo Sarkhaan, wixii ku dhacay Fuaad Aadan Cadde iyo Cismaan Dhalac, sidoo kale Xildhibaan Dhakool.

Bishii ugu dambeysay welwelka Marxuum Cali Khaliif ugu weynaa wuxuu ahaa in intuu hargeysa joogo tii alle u timaado oo ragii xumeeyey ka dul ooyaan, ilaahay beryadiisii waa ka aqbalay oo si sharaf leh ayuu u geeriyooday, si sharaf lehna waa loo aasay.

DIIDMADDII XAMAR IYO MADAXWEYNE FARMAAJO

Cali Khaliif wuxuu diidanaa inuu Muqdisho tago, inta Madaxweyne Farmaajo ka talinayo, wuxuu yiri;

“Xamar ma tegayo inta uu ka talinayo ninka liidnimo darteed Muuse Biixi ka yeelay in aanu qof Reer Waqooyi wadahadaladda ku soo darin, Madaxweynaha Puntland wuxuu ku laaluushi doona in kuraastii Reer Khaatumo Garoowe la geeyo.” waa sababta uu u go’aansaday inuu Jigjiga ka maamulo sidii uu dadka taladoodii ugu celin lahaa.

CALI IYO TODOBAADKII UGU DAMBEEYEY EE HARGEYSA

Cali todobaadkii ugu dambeeyey kulamdii uu yeeshay wuxuu ku muujinayey inuu quustay, wuxuuna la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Madax Xisbi iyo Xildhibaano sida Faysal Cali Waraabe, Siciid Sulub iwm.

Labadayadu kulankii ugu dambeeyey ee aanu cid la yeelano wuxuu ahaa kulan quraac ah oo aanu la yeelanay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi.

GEERIDA IYO TACSIDA CALI SIDEE HARGEYSA LOOGA DAREEMAY?

Geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxay si isku mid ah u saameysay dhamaan geyiga Soomaalidu degto, marka laga reebo magaalada hargeysa oo aanay jiray meel keliya oo laga xusay.

Madaxweyne Muuse Biixi si macno leh uguma uu tacsiyeynin, wuxuu bilaabay socdaal u muuqday damaashaadka geerida Prof Cali Khaliif, dhowaana wuxuu tegi doonaa Magaalada Laascaanood, halkaas oo uu doonayo inuu caalamka ku tuso inaan Cali Khaliif tol iyo taageerayaal toona lahayn, wuxuuna cadeeyey qiimaha iyo maqaamka ay reer Khaatumo ka joogaan.

Cismaan Ibraahim Warsame (Qawdhan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here