Wargeyksa Africa Intelligence oo qoray in Turkigu ay doorashada ka taageerayso M Farmaajo

farmaajo press

Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wargeyks ayaa qoray in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo saameyn xooggan ku leh Soomaaliya uu si joogto ah taageero u siiyo madaxweyne Farmaajo.

Sida warbixinta lagu sheegay, Turkiga ayaa waxaa taageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qatar oo markii horeba mas’uul ka ahayd doorashada Farmaajo, islamarkaana taageereysay wixii ka dambeeyey guushiisii 2016.

Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr taageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca dowladda, taasi oo si dadban u ah olole doorasho.

Waxaa ka mid ah baabuurta dagaalka oo bishii Augusta ay siiyeen ciidamada Soomaaliya, ciidamo badan oo dhowaan ku qalin jebiyey xerada Turksom ee Muqdisho, iyo dib u cusbooneysiinta heshiiska shirkadda Turkiga ee Albayrak ay ku maamusho dekedda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here