Wargeys Mareykan ah oo soo jeediyey taladii Nabi Muxamed SCW si loola dagaalamo Coronavirus

Dr Craig Considine

Wargeyska Newsweek ee dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray ku iftiimiyey in dhaqaatiirta adduunka ay bilaabeen inay ku baaqaan taladii uu Rasuulka SCW uu sheegay 1400 sano ka hor, taasoo looga hortagayo cudurada faafa.

Arrintaan ayuu wargeyska ku sheegay maqaal uu sameeyey cilmi-baare Mareykan ah oo lagu magacaabo Dr. Craig Considine, kaasoo sheegay in cudurka ka dilaacay adduunyada ee Coronavirus uu ku qasbayo dowladaha iyo aaladaha warbaahinta kala duwan inay bixiyaan talo sax ah oo ka caawineyso bulshada adduunka inay wax ka qabtaan cudurkaan faafayo ee khatarta gelinayo aadanaha oo dhan.

Cilmi-baarahaas ayaa intaas ku daray, in Coronavirus dartiis ay sare u kacday baahida loo qabo talada khubarada daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale seynisyahanada ku lugta leh daraasadaha cudurada faafa iyo saameyntooda.

Cilmi-baarahaan Mareykanka u dhashay oo soo xiganayo Dr. Anthony Fossey oo ku takhasusay cilmiga difaaca Jirka iyo Dr. Sanjay Gupta, oo ah wariye dhanka caafimaadka ayaa yiri “Joogteynta Nadaafadda, karantiilnimada, ama ku-dhaqanka kala fogeynta bulshada, iyadoo la rajeynayo ka-hortagga faafidda cudurrada faafa, waa tallaabada ugu waxtarka badan gaar ahaan waqtigaan hadda la joogo oo adduunyada la tacaaleyso Virus-ka cusub ee Corona”.

Considine, oo  horey u qoray laba buug oo uu kaga hadlayey Islaamka ayaa la  waydiiyey su’aal uu isku dayey inuu ka jawaabo oo aheyd “Ma taqaanaa cidda ku talisay nadaafad iyo karantiil marka uu dillaaco cudur faafa? wuxuu ku jawaabay isagoo leh ” Nabiga Islaamka Muxumed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee 1400 sano ka hor”.

Qoraaga ayaa hadalkiisa kusii daray “Inkastoo Nabiga Islaamka uusan aheyn khabiir dhanka arrimaha la xiriira cudurada dilaaga ah, haddana wuxuu bixiyey talo fiican oo looga hortagi karo faafitaanka cudurada faafa sida Virus-ka cusub ee Corona”.

Qoraaga ayaa sheegay in Nebi Muxammad SCW uu ku taliyay in laga fogaado kuwa cudurada faafa qabo si looga ilaaliyo kuwa caafimaadka qaba, sidoo kalo wuxuu sheegay in Nabiga SCW  uu ku booriyay aadanaha inay raacaan caadooyinka nadaafadeed ee maalin walba, taasoo awood u siineyso inay iska difaacaan cudurka isagoo soo daliishanayo dhawr xadiis oo la xiriira Nadaafadda.

Wuxuu intaas ku daray: “Nabi Muxamed SCW wuxuu yiri: Haddii aad maqasho dhul gaar ah oo uu ku faafay cudurka Daacuunka ha gelina, balse haddii uu cudurka ku faafo meel aad joogto haka soo bixin,  Wuxuu kaloo yiri: Kuwa cudurrada faafa qabo waa in laga ilaaliyaa dadka kale ee caafimaadka qaba.”

Qoraaga oo sii wado su’aal is waydiinta ayaa yiri “Haddiiba uu qof xanuunsado, waa maxay talada uu Nabi Muxammad SCW ku taliyey in la siiyo dadka xanuusan?  Qoraaga wuxuu ku jawaabay: Runtii wuxuu ku dhiirigaliyey inay raadsadaan dhakhaatiir iyo dawo” wuxuuna qoraaga soo daliishaday Xadiiska uu Nabiga ka wariyey Usaama Bin Sharik ee uu ku yiri ” Acraabi ayaa saruulka ku dhahay “Rasuulkii Allow miyaan is daaweynaa? Rasuulka ayaa yiri: Addoomihii Allow is daaweeya, Ilaahey ma keenin cudur illaa wuxuu u dajiyey daawo hal cudur maahane, waxay Rasuulka ku dhaheyn waa kee cudurkaas, wuxuu ku yiri ” duqnimada”

Qoraaga ayaa sheegay in Nabiga Islaamku uu ahaa mid ay ka buuxdo Xikmad isku dheeli tireyso Iimaanka iyo Caqliga, wuxuuna sheegay in asbuucyadii lasoo dhaafay ay qaarkood arkeen in Salaadda kaligeed ay awood u leedahay inay dadka ka ilaaliso Coronavirus, iyadoo aan loo hoggaansamin xeerarka aasaasiga ah ee go’doominta bulshada iyo karantiilka.

Dhammaadka maqaalkiisa ayuu qoraaga ku sheegay inay mudan tahay in lagu daydo qisadii uu soo wariyey Tarmadi ee uu ku sheegay in Maalin uu Nabiga u yimid nin reer baadiye ah oo Nabiga kala tashanayey arrin ku saabsan hashiisa: “Nin baa yiri, Rasuulkii Ilaahayow, hasheeda ma xiraa kadibna alle maku kalsoonaadaa, mise waa sii daayaa oo Alle ayaa ku kalsoonaadaa, wuxuu yiri: Xir kadibna Alle ku kalsoonow”.

Qoraaga ayaa sheegay inkasta oo uu Nabiga Maxamed SCW ku taliyay in diinta ay tahay dastuur dhameystiran oo dhanka nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale ku booriyay in taxadarka lagama maarmaanka ah la qaado si loo hubiyo xasilloonida, nabadgeliyada iyo wanaagga dhammaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here