Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland

Deni iyo Madoobe

Waxaa Maanta Warmuriyeed laga soo saarey Shir wadatashi ah oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland muddo laba Cisho ah uga socdey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Shirka oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa laga soo saarey Warmurtiyeed ka kooban  16 Qodob oo u badan iskaashi ay ka sameynayaan labada Maamul dhinacyda Amniga iyo horumarka.

Waxaa ay Warmuriyeedka eedeyn ugu jeediyeen dowladda Federaalka oo ay shegeen inay ku Shaqeyneyso qodobo dhaawacaya nidaamka Federaalka oo loo baahnaa in lagu Shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa ay Madada Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inaysan diyaarin jawi ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah, iyada oo aan laga heshiin nidaamka doorashooyinka, waxaana ay dalbadeen inay shir wadatashi ah yeeshaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxaa ay kasoo horjeesteen Sharciga Saxaafada iyo kan Shidaalka oo ay ansixiyeen Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo sheegay, waxana ay ka digeen in la siyaasadeeyo mashaariicda dalka laga fulinaayo.

Hoos Ka Akhriso War-Muriyeedka oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here