Wasaarada Caafimaadka S/land oo kulan ugu yeertay Hay’adaha kala shaqeeya Caafimaadka

wasiirka whc sl

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay hayadaa kala shaqeeya arimaha Caafimaadka si ay uga arinsadaan ka hortaga cudurka halista ah ee CORONAVIRUS.

Kulankan waxaa gudoominayey Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Mudane Cumar Cali Candlaahi, waxaana ka qaybgaley Gudiga Gurmadka Degdega ah (Emergency Committee) oo ka kooban masuuliyiinta sarsare Wasaaradda iyo khuburo Cafimaad.

Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay heegan buuxa oo ay kaga hortegayso in caabuqa khatarta ah ee sida fudud u faafa ee CORONAVIRUS uu Somaliland ku soo faafo, iyagoo goobaha dalka laga soo galo dhigay Khuboro iyo qalab caafimaad ee lagu fiiriyo bedqabka dadka Somaliland soo gelaya.

Ujeedada Kulanka ay Wasaaradu ugu yeertay Hay’addaha ayaa ahaa sidii loo dhaqan gelin lahaa Barnaamij siyaasadeedka Wasaarada ee ka hortaga iyo xakamaynta xanuunada faafa, gaar ahaan khatarta caalamka ka soo foodsaartay caabuqa CORONAVIRUS, akhriso dalalka uu ilaa hadda ku faafay.

FAAFIDA CUDURKAN WAXAA LOOGA HORTEGI KARAA NADAAFADA OO LA ILAALIYO IYO FARAXALKA AMA GACMAHA OO LA MEYRO.

DAAWO SIYAABAHA LOOGA HORTEGI KARO

DAAWO KULANKII WASAARADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here