Wasaarada Waxbarashada oo amaro ka soo saartay waxbarashada dalka

xildhibaan goodax barre

War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faray Bahda Waxbarashada oo ay ugu horeeyaan Dalladaha, Maamul Goboleedyada iyo Dugsiga Dalka in ay xogtooda kusoo gudbiyaan Xogta aan daabacneen ee (Online Database) oo ay kuwada shaqeynayaan.

Sidoo kale Wasaaradda sheegtay in ay joojisay in Dugsiyada laga soo qaado warqad ama Foomam Arday leeyahay oo sanadadii tagay la isticmaali jiray.

Dhanka Dalladaha waxa ay Wasaaradda Waxbarashada XFS fartay in ay ka sugeyso Tix ama Liis Arday oo Shabadeysan oo dugsi dugsi u xiran.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaraddu guud ahaan waxay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadyaddii tagay la isticmaali jiray, Wasaaraddu Dalladaha waxay ka sugaysa Tix ama Liis arday oo shabadaysan oo dugsi dugsi u xiran, Waxaa nidaamkan lagu bilaabay Gobolka Banaadir oo ilaa hadda 75% dugsiyadu si wanaagsan u wadaan shaqada”.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in aanu jiri doon hal arday iyo hal dugsi oo ka maqnaan doono nidaamka cusub ee Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here