Wasaaradaha Caafimaadka Itoobiya, DDS iyo Somaliland oo kulan ku yeeshay Wajaale

Masuuliyiin Kasocda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyay heegan ka hortag iyo u diyaargarow Cudurka CORONAVIRUS ku jiray, kormeerona ku marayey meelaha dalka laga soo galo ee cirka, badda iyo dhulka ayaa Magaalada xuduuddeedka Wajaale Kulan Kula qaatay Wasiiradda Caafimaadka ee Dawlada Federaalka Itoobiya iyo Wasiirka Caafimaadka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulankan ayaa Ujeedaddiisu ahayd sidii loo sii ambaqaaddii lahaa xidhiidhka Labada dhinac, iyadoo mahmiyada xiligan ugu weyni ay tahay Iskaashiga ka hortaga Cudurka CORONAVIRUS oo halistiisa sidii looga hortagi lahaa ay dunidu iska kaashanayso.

Dhanka kale Masuuliyiinta Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ayaa iyana kormeer ku soo maray xuduudda badda ee laga soo galo Saylac.

Masuuliyiinta Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ayaa Kormeer kusoo maray xuduudda badda ee lagasoo galo Saylac.

Slået op af Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSLSøndag den 23. februar 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here