Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo 29 kadib yeelatay xoghaye rasmi ah

Xog joogtada wasaaradda a dibadda

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa yeelatay xoghayaha joogtada wasaaradaasi, kaas oo loo magacaabay Danjire Maxamed Cali Nuur oo noqonaya xoghaye rasmi ah, wixii ka dambeeyey 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii oo xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

Maxamed Cali Nuur ayaa horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, isagoona xilka kala wareegay Maxamed Isaaq Aadan oo si KMG ah u hayey jagadaasi.

Sidoo kale waxaa Maxamed Isaaq Aadan ka horreeyey illaa sideed xubnood oo xilkaan iyaguna  si KMG ah u soo qabtay, tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-dii, kuwaas oo kala ahaa: 1- Danjire Maxamed Shariif Maxamuud, 2- Danjire. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liiban “Dhabancad”, 3- Avv. Xirsi Xaaji Culosow Xirsi, 4- Cabdi Ciise Diirshe, 5- Cabdullahi Dool Maxamed, 6- Sheekh Yuusuf Cali Maxamed “Yuusuf Afgooye”, 7- Danjire. Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali”, iyo 8- Danjire. Saciid Xaaji Maxamuud Faarax.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wasiiru dowladaha Wasaaraddaasi Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi ayaa xilka u kala wareejiyey Danjire Maxamed iyo xoghayihii hore ee KMG ahaa, kadib munaabad ka dhacday Muqdisho.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedka uu yahay in la dardar geliyo qorshooyinka shaqo ee horyaalla.

Illaa dib-u-soo-nooleynta shaqadii iyo howlihii wasaaradda arrimaha dibadda xilligii dowladihii KMG ahaa waxaa maareyn jiray agaasimeyaasha wasaarada, balse haatan waxaa si rasmi ah shaqadaasi u qaban doono xoghayaha cusub ee xilka la wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here