Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sii deysay qoraal Afka Ingiriisiga oo 2 bog ka kooban

astaanta soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa hadda sii deysay warsaxaafadeed ka kooban Labo bog oo lagu qoray Afka Ingiriisiga.

Qoraalka waxaa lagu cadeeyey in Hanaanka doorashada lagu heshiiyey 17-kii September 2020-ka, laakiin ay jiren mar kasta darafyo wax soo celinayay oo kamid ah saxiixayaasha.

Kulanka u dambeeyey ee la iclaamiyey 17-kii bishan ayay wasaaraddu sheegtay in Madaxda dawlad gobaleedyada intooda badan yimaadeen, marka laga reebo 2 xubnood oo loo rajeeyey in ay kusoo biiraan shirka.

Dawladdaha iyo Ururada ka xumaaday dhacdooyinkii u dambeeyey ayaa loogu sheegay qoraalka in ay dareensan tahay Soomaaliya muhiimadda nabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here