Wasaaradda Awqaafta iyo A. Diinta oo war ka soo saartay baaqashada Muxaadaradii Sh. Umal

sheekh umal2

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay muxaadaradii baaqatay ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qaban lahaa maalinta berri Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow, iyadoo muxaadaradaas ay hareysay muran iyo dood ay ka keeneen Culimada Dariiqada Suufida.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in soo jeedin ka timid Sheekh Umal lagu baajiyay Muxaaradaas, ayna ku waafaqday Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa waxay ayaan darro ku tilmaamtau tawshiishka lagu furay Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha keena musiibooyinka iyo sida looga hortagi karo”.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here