Wasaaradda Caafimaadka ma waxay qeyb ka noqotay khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

farmaajo iyo rooble

Qoraal Ingiriis ku qornaa oo muddo saacado ah ku jiray bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ay ugu talo gashay wararka xanuunka Covid-19 ayaa lagu sheegay in dadka baraha bulshada ku taageero Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay khatar badan yihiin fayraska Karoona.

Qoraalka oo markii dambe laga saaray bogga @SomaliaCovid19 ayaa u muuqday mid looga falcelinayay kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Dhanka kale, waxaa isla xalay Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo isla markaana ay ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.

Farmaajo iyo Rooble

Qoraalkaas ayaa lagu yiri: “Mowjadda labaad ee #CBB waxay ka khatar badan tahay Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space.” CBB waa eraybixin hore looga bartay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, taas oo uu ula jeeday taageerayaasha xukuumadda.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraalka ku tilmaantay mid been abuur ah, walow ay dad badan sawirro ka qaadeen inta aan la tirin ka hor.

Maxaa u dambeeyay khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa markii ugu dambeysay isku qabsaday dib u celinta lacag hore looga xayiray dowladda Imaaraatka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jimcihii wuxuu raalligelin ka bixiyay qabashada lacagtaas isla markaana ay Imaaraadka u hayaan lacagtooda xilli uu deeq mucaawino ah ka guddoomayay Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Muqdisho.

Wuxuu intaa ku daray “in diyaar ay u yihiin in Imaaraadka xilli kasta ay qaadan karaan lacagtooda”

Bishii April ee sanadkii 2018 ayay aheyd markii ciidanka saldhigga booliska garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen lacago ay sheegeen in si sharci darro ah lagu soo galiyay dalka.

Dhankiisana, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan qasnadda Bangiga Dhexe laga bixin lacag ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta oo sanadkii 2018 lagu qabtay garoonka diyaardaaha ee Muqdisho.

“Maaddaama ay lacagtaas dalka ku soo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee isu gudbinta lacagaha taas oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasiloonida”

Dowladda waxay sheegtay in lacagtan ay gaareyso 9.6 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here