Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kiisas badan oo Coronavirus ah, waxayna shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurkaas laga helay 64 qofood.

Inta ugu badan dadkaas waxa ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, sidoo kale Somaliland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa laga diiwaan geliyay kiisas cusub, waxaana u dhintay hal qof, sida ku cad warbixinta wasaaradda.

Gobolka Banaadir oo hoggaaminaya tirada ugu badan ee kiisaska cusub ayaa laga helay 33-kiis, deegaanada Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 16, sidoo kale Galmudug ayaa laga helay 8-kiis, halka Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay 7-kiis oo COVID-19 ah.

45 kamid ah dadka cusub ee Coronavirus laga helay waa rag, halka 19-ka kale ay dumar yihiin, waxaana saacadihii u dambeeyay cudurkaas kasoo bogsatay afar qofood.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,421 xaaladood, 152 qof ayaa kasoo bogsatay, halka uu dhimasho ku sababay 56, inta la ogyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here