Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Wacyigelisay Dugsiyada Gobalka Saaxil

hawlwadeeno caafimaad lowyacado1

Iskuduwaha Wasaaradda H. Caafimaadka Ee Gobalka Saaxil Ayaa Wacyigalin Ka Sameeyay Dugsiyada waxbarashada Ee Berbera G. Saaxil.

Masuuliyiinta Wasaaradda H. Caafimaadka ee Gobalka Saaxil oo kaashanaya Iskuduwaha W. Waxbarashada iyo masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ayaa si habsami ah u wada wacyigalinta lagaga hortagayo cudurka Corona.

Iskuduwaha WHC oo ardayda ku wacyigalinaya qodobada kahortaga & badbaadada cafimaadka bulshada ayaa dugsiyada Berbera ardayda tusaale ugusoo bandhigay sida ugu wacan ee qofku joogto gacmahihiisa ugu maydhayo. Isagoo u sheegay in ay madnuuc tahay sida ay imika isku dhexfadhiyan iyo isku ururida dadka.

Sidookale, masuuliyiinta W.H.Cafimaadka Saaxil ayaa ardayda wada gaadhsiiyay qodobada kahortaga cudurka Corona-virus.

Sikaste ha ahaate, arintan ayaa qayb ka ah deddaalada Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ugu jirto kahortaga cudurka Corona-virus ee halistiisu dunida kusii fidayso.

Qodobada Wacyigalin Ee Kahortaga Corona.

  1. Si joogto ah ugu faraxalo biyo iyo saabuun.
  2. Hadaad qof salaamayso waxa haboon inaad iska dayso salaanta gacan qaadka ah, raac Sunnaha Nabiga (NNKH)- “Assalaamu Calaykum”.
  3. Marka aad Qufacayso ama Hindhisayso kudabool Afka iyo Sanka Masar ama Softi ama Cududa adigoo xusulkaaga laabaya.
  4. Haddaad yeelato xumad iyo Qufac, ha tegin goobaha dadku ku badan yahay sida sariibadda, dugsiyada iwm. Si degdeg ahna u tag xarunta Caafimaadee kuugu dhow.
  5. Si aad ah U Kari/Bislee noocyada hilibka, kalluunka, digaaga iyo beedka. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here