Wasaaradda waxbarashada oo go’aanno ka soo saartay imtixaanka shahaadiga

xildhibaan goodax barre

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulan ay wada qaateen wasaaradaha waxbarashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulankaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in lagu gorfeeyey saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay geedi socodka waxbarashada  iyo sida laga yeelayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan.

Illa afar qodob ayaa laga soo saaray kulanka dhex maray wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay isku raaceen dhinacyadu, waxayna kala yihiin qodobadaas.

  • In imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 12aad ee dugsiga sare ay mas’uuliyadda diyaarintiisa iyo qaadistiisa ay leedahay wasaaradda waxbarashada heer federaal, iyada oo la kaashaneysa heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.
  • Imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 8aad ee dugsiga dhexe inay mas’uuliyadda diyaarintiisa iyo qadistiisa leeyihiin wasaaradaha waxbarashada ee heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, iyaga oo la kaashanaya wasaaradda waxbarashada heer federaal.
  • In go’aan laga gaari doono sida iyo goorta la qaadi doono imtixaanka labada heer ee 30-ka bisha Juun 2020, iyada oo go’aankaas lagu saleyn doono, sida ay xaaladda dalku noqoto iyo sida uu caalamku uga adkaado xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus.
  • In laga wada shaqeeyo la iskana kaashado badbaadinta goobaha waxbarashada dalka, iyada oo xoogga la saarayo ilaalinta mustaqbalka waxbarashada dalka, iyo raadinta xuquuqda macalimiinta Soomaaliyeed mudada dugsiyada waxbarashadu ay Coronavirus dartiis u xiranyihiin, macalimiintaas oo an aaminsanahay inay laf-dhabar u yihiin waxbarashada dalka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Wasaaradaha waxbarashada heer federal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir waxay uga mahad celinayaan dhamaan bahda waxbarashada qeybeheeda kala duwan, fulinta talooyinka bahda caafimaadka dalka, iyo ka qeyb qaadashada wacyi-gelinta bulshada, sidii looga hortegi lahaa cudurka fas-mareenka ah ee COVID-19.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here