Wasiir AW-XIRSI oo iscasilay C/rashiid Janan ku tilmaamay fakad

wasiir awxirsi

Wasiirka Qorshaynta maamulka Jubaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa maanta ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Aw-Xirsi, oo ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Jubaland, ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay inay tahay in maamulka Jubaland uu u dabbaal degay, islamarkaana uu soo dhoweeyey qof baxsad, oo ah wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday xabsi guri uu kaga sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta doon ku gaaray magaalada Kismaayo, ka hor inta aan baaritaan caafimaad loogu qaadin magaalada Nairobi.

Aw-Xirsi ayaa ku eedeeyey Janan inuu gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ah, ayna qalad tahay in qof sidaas ah lagu soo dhoweeyo Kismaayo iyo madaxtooyada Jubaland.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa horey u sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay.

Amnesty waxay sidoo kale ku baaqday in maxkamad la soo taago Cabdirashiid Janan laguna xukumo sida ay dhigayaan sharciyada caalamiga ah.

Aw-Xirsi iyo Janan ayaa labadaba beel ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here