Wasiir Axmed C Cawad: Madaxweyne ama Wasiir saf loo galo dowlad kuma horumarto

cawad wads2

Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan fahamka dowladnimada ee dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in xil loo kala cararo aysan ku hormari karin dowladnimada Soomaaliya, waxuuna hadalkan ka jeediyay xaflad lagu daahfurayey xarun cilmi baaris oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Waxay Soomaalida danu ugu jirtaa inay dowladnimada ilaashadaan, dowladda casriga ah qof kaliya ma maamuli karo, madaxweyne saf loo galo iyo wasiir saf loo galo dowlad kuma hormarto,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Waxa uu sheegay in hanaanka kaliya ee dowladi ay ku horumari karto uu yahay nidaam dhisma, balse dadka Soomaaliyeed aysan ehel u heyn kala dambeyn iyo nidaam dowladnimo oo dhisma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here