Wasiir Beyle oo soo bandhigay dalalka deynta ku leh Soomaaliya

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa  manta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda.

Kulankaan oo ahaa mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay

Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan leenahay sanada soo socota ee 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya dalka Deynta ugu badan uu ku leeyahay Mareykanka taas oo gaareysa 1 Bilyan oo Dollar, halka Rushka uu ku leeyahay 700 oo Milyan iyo Talyaaniga oo Soomaaliya ku leh 600 Milyan iyo dalal kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wadamada lacagta ku leh Soomaaliya  ay la shireen ayna go”an kugaareen in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxwayne kuxigeenka Bangiga Aduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyleayaa shaabka kula dardaarmayin la isqabsado gacmaha oo si wadajir ah loogu shaqeeyo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here