Wasiir Cawad oo Sallaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyay Boqorka Sacuudiga

cawad iyo boqor salmaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas, kaasoo bilow u ah aas-aaska Isbaheysi ay u dhan yihiin illaa 8 dowladood oo Afrikaan iyo Carab ah oo ku yaalla Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Amb. Cawad ayaa qeyb ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Badda Cas oo sallaan sharafeed ugu tagay Boqorka Sacuudiga.

Wasiir Cawad ayaa sallaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre gaarsiiyay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, isagoo sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxib dhow oo xulufo la ah ah Soomaaliya.

Kulanka u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka dhaca Badda Cas ayaa looga haldayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkaas, isla markaana si wadajir ah looga hadlo danaha istiraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya dalalkaas.

Isbahaysiga cusub ee dhidibada loo taagay ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.

Sacuudiga ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday olole isbaheysi dhow ay ku noqonayaan dalalka dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadan, iyadoo dhowaan lagu wado in la qabo shir madaxeedka ay isugu imaanayaan Madaxda dalalkaas.

Loolanka Juquraafi siyaasadeedka ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay meelaha danaha ugu weyn ka leeyihiin dalalka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here