Wasiir Cawad oo u jawaabay Monica Juma (Dacwada Badda ICJ ayaa loo dhaafay)

w arimaha dibada cawad2

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray dhigiisa Kenya Monica Juma, taasoo sheegtay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in arrinta ICJ lagu dhameeyo qaab labada dhinac ku heshiiyaan oo la wada aqbali karo.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ku adkeystay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay isla qaateen in Kiiska Badda loo daayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

“horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale ka meer maaray inuu si toos ah uga Jawaabo su’aal ku saabsaneyd in laga heshiiyay dacwadii dhawaan Xukuumada Muqdisho ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirtay Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo oo mas’uuliyiin Kenyan ay jabiyeen xanibaadii dhinaca duulimaadyada toos ahaa ee Kismaayo.

Hadal heyno badan ayuu dhaliyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ku qortay barteeda Twitter-ka, taasoo keentay su’aalo kala duwan oo ahaa waxa ay dowladda Kenya ku bedelatay, haddii wada hadalada kaliya ay ahaayeen in la soo celiyo xiriirka labada dal, in duulimaadka diyaaradaha ee tooska Nairobi u tagaya, iyadoo la joojiyo sii maristii Wajeer, in Visaha dal ku galka laga qaato garoomada Kenya, gaar ahaan baasaboorada Shaqaalaha iyo kan diblomaasiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here