Wasiir Cawad: “Somaliland ma ahan dal ka madax bannaan cidii ula macaabishana u dulqaadan mayno”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dal ka mid ah caalamka uu wax u dhimo midnimada qaran ee dalka.

Hadalkan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Amb Cawad ayaa carrabka ku adkeeyey wax uu ku tilmaamay olole ay wadaan dalal la yaqaan oo khatar galin kara midnimada dalka.

“Somaliland ma aha dal madax bannaan oo ka madax bannaan Soomaaliya oo gooni u taagan adduunka meel u aqoonsan ma jirto saas, sharciyada adduunka oo dhan iyo go’aammada adduunka oo dhan UN. AU, Dalalka Islaamka, Carabta iyo Igad kulligood waxay qiraan Soomaaliya iney tahay hal dal iyo hal dal oo mid ah marka adduunku saasuu qabaa saaseyna tahay.”

“Adduunkana waa insey sidaas dalalka qaarkood ay ixtiraamaan weeye go’aammada adduunka ee ay qaybta ka yihiin, wixi khilaaf jira Soomaalida iyo iyaga dhexdooda iney ka wada hadlaan weeye, xukumadda Soomaaliyana sida xukumadihi hore diyaar ayey u tahay walaalahood Somaliland la hadasho, la fariisato, la heshiiso, la isfahmo laakiin dal kaleeto inuu noo carqaladeeyo, dhib noo abuuro kama yeeleyno, waxaanna u sheegay inaan Ginea ka yeeleyn” ayuu yiri wasiir Cawad.

“Waxaan u sheegnay iney jiraan khatar iyo olole khatar gelin karo midnimada Soomaaliya oo socda, waxaan u sheegnay in ololahaasi socdo ay ka mid yihiin dalal la yaqaanno sidaa daraaddeed waxaan codsannay in ay adduunka naga kaalmeeyaan iyo iney u sheegaan dalalka adduunka iney ka daayaan dhibka.” ayuu yiri wasiir cawad oo ka warramayey waxa ay kala hadleen wakiillada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya.

“Waxaan sida oo kale arkayey niman wasiiro sheeganaya ama khubaro sheeganayey oo iyaguna dhahayey, waxaan idiin sheegayaa xiriirka diblomaasiyadeed kuma xirna ma aha safaaradaha keli ah safaaraduhu waa qayb ka mid ah, dalalka waxay xiriir diblomaasi iyo meela ayey isugu yimaaddaan waa la kulmaa.”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mar uu ka hadlayey xiriirka ay waddamada yeeshaan iyo xiriirka ay u jareen dalka Guinea wuxuuna gaashaanka u darooray waxa uu ku tilmaamay hadallo uu sheegay inay dhanka kale sheegay in xiriirka dhexmara dalalku uusan ku koobnayn oo kaliya in safaarado la isdhaafsado, hasayeeshee qaabab kale ay u wada xiriiraan wuxunau yiri:

“Annaga iyo Guinea AU ayaan ku wada jirnaa, ururrada islaamka ayaan ku wada jirnaa waa iisu nimaadnaa, madaxda ayadu waa kulmaan waxyaabaha aan iska kaashano ayaa tira badan marka hadda xiriiradaasi oo dhan ayaan jarnay.” ayuu yiri wasiir Cawad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni iisu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea, halkaas oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.

Balse arrintaasi ayaa dhalisay muran hor leh oo ka dhex-dilaacay Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Guinea.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la weydiiyay in dowladdiisa ay horey xiriir ula lahayd Guinea ayaa sheegay in labada dal aysan horey u lahayn matalaad diblumaasiyadeed.

Haddaba, tan iyo markii ay sidaasi sheegtay xukuumadda Soomaaliya ayay BBC-du la xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ka tirsan wefdiga Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Guinea, waxaana uu kaga jawaabay hadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya: “waxaa na soo gaadhay in maamulka xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay.”

“Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay.”

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay arrintan u arkaan cadaawad iyo kalafogayn cusub oo u bilawday halkaana ay ka sii wadayaan xiriirkooda ay la leeyihiin dalalka dunida.

Dhawaan ayay ahayd, markii Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya wadahadal ay ku ballansanaayeen magaalada Nayroobi uu qabyoobay, kaddib markii ay san kasoo qaybgelin wefdigii ugu qaybgeli lahaa Soomaaliya.

DAAWO HADALKII WASIIR CAWAD:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here