Wasiirada dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si anshax xumo ah oo aan dawladnimo iyo masuuliyadi ka muuqato uga jawaabtay Fadeexadii ay ka sameysay Garoonka Muqdisho, kadib markii ay diiday baaristii ka hortaga ahayd ee xanuunka CORONAVIRUS oo caalamku la dagaalamayey, iyadoo markii Khadiijo ay baaristii diiday dadkii shacabka ahaa iyana diideen.
Wasiirad Khadiijo Maxamed diiriye oo la soo macaabishay hogaamiye kooxeedyadii iyo kuwii dhaqan xumada u saaxiibka noqday, ayaa laga sugayey inay shacabka Soomaaliyeed ka raaligeliso falkii fooxa xumaa ee ay ku kacday, islamarkaana ay xilka Wasiirnimo iyo Xildhibaanimo banayso, maadaa ay xaaladii caafimaadka ee dalka oo dan khatar gelisay.
Khadiijo waxay si aan xilkasnimo iyo aqooni ku dheexnayn u eedaysay, hawlwadeenadii iyo Wasaaradii Caafimaadka, xukuumadii ay ka tirsan tahay, sidoo kale waxay soo bandhigtay isdifaacid ay caqliga shacabka u qalmin, iyadoo hadalkeedii ku sheegtay inay taageeroyaasheeda kula hadlayso, taasoo gef weyn ku ah shacabkii Soomaaliyeed ee ay nidaamkoodii iyo caafimaadkoodii burburisay.
Madaxweynaha iyo Raiisulwasaaraha Soomaaliya waxaa shacabku uga fadhiyaa in xilka laga xayuubiyo Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, si ay tusaale ugu noqoto maamul Wanaaga, dibna loogu soo celiyo kalsoonidii shacabka ee ay dhaawacday.
Daawo Jawaabta Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye
Daawo fadeexadii ay Garoonka ka sameysay: