Wasiir Koore iyo Gudoomiye Xaaji Jeeni yare oo ku dagaalamay badhtamaha Laascaanood

jeeniyare iyo koore

Waxaa maanta badhtamaha Magaalada Laascaanood ku dagaalamay Wasiir Warfaafinta iyo iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Lataliyaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Arimaha Nabadgelyadda Goboladda Barri ee Somaliland Xaaji Jeeni yare.

Gacan-qaad waxaa ku horeeyey Wasiir Saleeebaan Koore oo feedh gaadmo ah ku dhuftay lataliyaha, halka Gudoomiye hore Xaaji Jeeni Yare uu wejiga kaga dhuftay qaraxada siqaarka laga shito iyo baakid sigaar ah oo wada socda.

Muranka ayaa ka bilowday kadib markii uu Xaaji Jeeni Yare uu Wasiir Koore ka dalbaday inuu Raaligelin siiyo nin odayaasha Gobolka Sool ka mid ah oo lagu magacaabo Maxamuud Jaamac Shaacuur (Ilweyn) oo Wasiir Koore shalay la dagaalamay kaas markii dambena Wasiirku u adeegsaday Awoodii Wasiirnimada oo ay xireen wiilashii la socday iyo askarta Somaliland, inkastoo markii dambe lagu soo daayey kacdoon iyo caro ay sameeyeen waxgaradka degaanku.

Maanta markii dagaalku dhacay ayaa Wasiir Koore wuxuu wiilashii la socday ku amray inay Gudoomiye Xaaji qabtaan oo xiraan, laakiin waa ka diideen, sidoo kale wuxuu la hadlay saldhiga booliiska kuwaas oo iyana ka diiday.

Gudoomiye Jeeni Yare si odaytinimo ah ku jooga Gobolka Sool ayaa kala cayriyey maleeshiyo beeleed ay isku hayb yihiin oo goobta soo gaaray.

Dagaalkan ayaa noqonaya gacan qaadkii labaad ee Wasiir Koore uu 24 saac gudahood ka sameeyo magaalada Laascaanood, iyadoo ninka dulqaadkiisa iyo Garashadiisu uu sidaas yahay ay kaadiriinta Xisbiga ugu yeeraan musharaxa mustaqbalka, sidoo kalena uu Madaxweyne Muuse Biixi uga wakiil yahay Goboladda SSC oo siyaasadihii intii Somaliland jirtay ugu cuslaa ku soo fool leeyihiin, iyadoo uu falkani fadeexad ku yahay xukuumada Somaliland oo Wasiiradeedii ay dadkii shacabka ahaa iyo Masuuliyiintii kale suuqyada ku feedhayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here