Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubaland maamul u magacaabay G Gedo

beledxaawo

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa guddoomiye cusub iyo ku-xigeenadiisa u magacaabay maamulka gobolka Gedo, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa 7-dii March u soo galay ciidamada Dawladda ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxa uuna wixii ka dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu yimid.

Si kastaba, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaan xilka ka qaadin Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen welina sooma dhisin gole wasiiro oo cusub, taasi weli sharciyan kusii hayneysa xilkiisa.

Cabdiraxmaan ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo u magacaabay Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo aad ugu xiran uguna dhow dowladda federaalka Soomaaliya. Macalimuu ayaa muddo ahaa guddoomiye ku-xigeenka Gedo iyo sii-hayaha xilka guddoomiyaha.

Waxa uu sidoo kale magacaabay gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada: Maxamed Cali Xuseen. Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee maaliyadda: Nasteex Cabdi Saalax, iyo madaxa arrimaha bulshada ee gobolka: Ibraahim Maxamed Gubow.

Xubnaha dowladda federaalka taageersan ee gobolka Gedo ayaa weli sheegtay magaca Jubaland, oo ay u muuqato mid ay maamulkaas kula sheeganayaan maamulka Axmed Madoobe. Si kastaba, ma cadda sharciyadda uu Cabdiraxmaan u haysto xilalka uu magacaabay iyo sida arrintan ay u shaqeyn doonto.

Hoos ka arag warqadda uu soo saaray wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here