Wasiir Sabriye: Dhismaha M Galmudug cidna u hakan maayo, si dhaqso ah waa loo dhisi doonaa

wasiir sabriye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Mqdisho.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Xubnaha dowladda ee halkaasi ku sugan, Maamulka degmada,Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska,waxaana uu Wasiir Sabriye ka hadlay dhismaha Maamulka Galmudug iyo diidmada sida ay dowladda wax u wado hoggaanka Ahlusunna.

Wasiirka oo hadal kooban siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in aysan hakan doonin dhismaha Maamulka Galmudug,isla markaana si dhaqso ah lagu dhisi doono,xilli hoggaanka sare ee Ahlusunna ay saluugsan yihiin habka ay dowladda u mareyso dhismaha Galmudug.

Dhinaca kale Xubno badan oo ka mid ah Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayaa lafilayaa in maanta ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, iyada oo maanta ay ku egtahay waqtiga gudigga doorashooyinka uu ugu yeeray in ay ku soo xaroodaan Odayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here