Wasiir Sabriye: Odayaasha Galmudug ha saxiixaan 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna, yeysan idin eersanin ka hor wareega

shiikh shaakir iyo sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye  oo Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo uu guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug u sameeyey odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa codsi u gudbiyey odayaasha.

Wasiir Sabriye ayaa odayaasha hortooda ka caddeeyey inay Dowladda Soomaaliya 20 Xildhibaan siisay maamulka Ahlu Sunna si loo soo afjaro khilaaf muddo badan hareeyey dhismaha Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Galmudug u sheegay inay xisaabta ku darsadaan 20-ka XIldhibaan ee la siiyey Ahlu Sunna taasoo la ogeysiiyey Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

“Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ha saxiixaan 20 Xildhibaan ee Ahlusunna, yeysan idin eersanin ka hor wareega dalabkaas, waa idinka codsaneynaaye” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli Xalay lasoo saaray jadwalka hanaanka Doorashada Galmudug, iyadoo 9-ka January ee sanadka cusub loo asteeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa halka 4-ta January ay dhici doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waraaq dhawaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey inay Dowladda Soomaaliya Ahlu Sunna siisay 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug si meesha looga saaro tabashada Ahlu Sunna oo sabab u aheyd in Al-Shabaab laga xoreeyo Dhuusamareeb iyo Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here